MADAXA CAYAARAHA SURIYA OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL CAAWA.
(SAWIRKA)-QARAX KA DHACAY DIMISHIQ.
(DIMISHIQ)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimisihiq ayaa sheegaayo in Qarax uu fiidnimadii Arbacada ka dhacay Xaafadda Mezzeh 86 ee magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, ka dib markii Gaari walxaha qarxa ey ka buuxaan lala beegsaday afaafka hore ee xaafaddaas. Qaraxan ayaa argagax ku abuuray dadka deegaanka, iyadoo dhawaqa qaraxa uu ka dhacay magaalada oo dhan, sida ey sheegeen dad goob joogayaal ah oo la hadlay AL-Carabi AL-Jadeed.
Ilaa hadda oo aan warbixintan qoreyno, lama soo sheegin wax khasaare ah oo bini’aadan ah. Si kastaba ha ahaatee, ilo gaar ah ayaa u sheegay AL-Carabi AL-Jadeed in gaariga la beegsaday uu lahaa Sanaa’a Maxamed, oo ah Madaxa xiriirka Carabta ee Isboortiga Suuriya. Warku waxa uu xusay in ilaa shalay ey soo gaaraysay hanjabaado is daba joog ah, kuwaasoo aan la shaacin nooca ey yihiin, sidoo kalena aan la garanayn cidda ka dambaysa.
KOONTADA RASMIGA AH IYO BAARITAAN DEG DEG AH:
Sidan oo kale, Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Gudaha ee Gobolka Dimishiq, S/guuto Osama Maxammed Khayr Catika, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in qaraxa uu ka dhashay walxaha qarxa oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa amniga gudaha deegaankaas. Waxa uu carabka ku adkeeyay in "cutubyadeena ey si deg deg ah uga jawaabeen, goobtana waa la go'doomiyay oo si buuxda loo adkeeyay, iyadoo aan la diiwaan gelin khasaaraha bini'aadamka." Waxa uu tilmaamay in "Masuuliyiinta awoodda u leh ey bilaabeen baaritaan deg-deg ah si loo ogaado cidda mas'uulka ka ah falkan Argagixisanimo." Dhankiisa, Qareen Maxammed Suleymaan, oo ah Madaxa Guddiga Xaafadda Mazzeh 86, ayaa bayaan uu siiyay AL-carbi Al-Jadiid ku sheegay in "qaraxa kaliya uu ka dhashay burbur alaab ah oo soo gaaray gaariga iyo qaar ka mid ah dukaamada ku xeeran," isagoo ku nuux-nuuxsaday "mas'uuliyiinta ayaa xiray xarumaha ganacsiga ee u dhow goobta uu shilku ka dhacay, taasoo ah tallaabo taxaddar leh si loo ilaaliyo dadka deegaanka iyo in la hubiyo ammaankooda ilaa baaritaannada la dhammeeyo." Qaraxa ka dib ayaa ciidamada amaanka waxa ey adkeeyeen baaritaanada xaafadaasi, iyadoo koox khubaro ah ey bilaabeen iney baaraan haraadiga walxa qarxa si ey usoo aruuriyaan cadeymo muujinaya cidii falkaasi geysatay. Ilaa hadda, maamulka Suuriya ma eysan bixin wax faahfaahin ah oo dheeri ah oo ku saabsan xaaladda Qaraxa. Sanaa’a Maxamed waa qof caan ka ah bahda ciyaaraha Suuriya. Muddo sanado ah, waxay hogaaminaysay Xiriirka Carabta ee Suuriya ee Isboortiga Dhammaan, iyada oo kormeeraysa abaabulka dhacdooyinka isboortiga iyo bulshada ee ballaaran. Dadka ku dhow dhow ayaa rumeysan in hanjabaadaha ey soo gaartay qaraxa ka hor ey la xiriirto khilaaf gudaha ah ama mowqifkeeda guud ee arrimaha qaar, balse baaritaannada ayaan weli wax natiijo ah laga gaarin. Bartilmaameedka ayaa kor u qaaday walaaca ciyaaraha iyo warbaahinta ee ku saabsan suurtagalnimada sii kordheysa rabshadaha ka dhanka ah dadka caanka ah ee ku sugan caasimadda Suuriya, gaar ahaan iyada oo aan la helin daahfurnaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdooyinka ilaa maanta.
XIGASHO-AL-CARABI AL-JADEED.