XUUTIYIINTA YEMEN OO KA JAWAABAY EEDEYNTII QARAMADA MIDOOBE UJEEDISAY.
(SAWIRKA)-MEYDADKA XUUTIYIINTA EY DISHAY ISRA’IIL.
(SANA’A/YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta Qaramada Midoobay xasaanadooda sharciga ah eysan Gaashaanka u daruurin howlaha basaasnimada, maalmo ka dib markii ugu yaraan 11 ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay lagu xiray caasimadda Sanca. Qaramada Midoobay ayaa Axaddii sheegtay in fallaagada Xuutiyiinta ey weerareen Xaruntooda Sanca, eyna xireen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, ka dib weerar ey Israa'iil ku dishay Raysal Wasaaraha xukuumadda Xuutiyiinta iyo dhowr Wasiir oo kale. Wasaaraddu waxay sidoo kale ku eedaysay Qaramada Midoobay iney ka eexatay, iyadoo sheegtay iney cambaaraysay "tallaabooyin sharci ah oo ay dawladdu ka qaadday unugyada basaaska ee dambiyada ku lug leh," laakiin waxay ku guul-darraysatay iney cambaarayso weerarka Israa'iil, Wakaaladda Wararka ee Xuutiyiinta ee Saba ayaa sheegtay Arbacada maanta ah. Yemen ayaa u kala qaybsantay maamulka Xuutiyiinta ee Sanca iyo xukuumadda uu Sucuudiga taageero ee Cadan tan iyo markii Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ey qabsadeen Sanca dabayaaqadii 2014, taasoo dhalisay colaad toban sano ah. Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in Yemen ey ixtiraamto "Heshiiska 1946 ee Xuquuqda iyo Xasaannada ee Qaramada Midoobay ... iyadoo ku nuuxnuuxsatay in xasaanaddani eysan ilaalinaynin hawlaha basaasnimada ama kuwa ku lug leh, mana siinayso dabool sharci ah," ayey raacisay. Axadii, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in Xuutiyiintu ey xoog ku galeen Xarumaha Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, oo ey qabsadeen hanti ey leedahay Qaramada Midoobay, iskuna dayeen in ey galaan Xafiisyada kale ee Qaramada Midoobay ee caasimadda Sanca.
ISHA-AN.