ISRA’IIL OO KA HORTIMID SOO JEEDINTA XARAKADA XAMAAS.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA ISRA’IIL.
(ISRAEL)-Ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u soo bandhigay Xamaas iyo jawaabta dambe ee ku saabsan marinka Gaza, ayaa Isra’iil ka hadashay.
HADAL BEEN AH:
Wasiirka Difaaca Israa’iil Yisrael Katz oo ka jawaabayay ku dhawaaqista Xamaas ayaa yiri “Dhaqdhaqaaqa weli wuu khiyaamaynayaa oo ku hadlayaa erayo maran, laakiin waxa ey dhawaan ogaan doontaa in ey tahay in ey kala doortaan laba arrimood oo kala ah in ey aqbalaan shuruudaha Isra’iil ee soo afjarida dagaalka, gaar ahaan sii deynta dhammaan maxaabiista iyo hub ka dhigista, ama Gaza waxa ey noqon doontaa sida Rafax iyo Beyt Xanuun,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Israa’iil iney si buuxda isugu diyaarinayaan. Dhinaca kale, Xafiiska Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka jawaabay warka ka soo baxay Xamaas isagoo sheegay in tani ey tahay isku day kale oo ey Xamaas sameeyeen, iyagoo aan soo bandhigin wax cusub. Waxa uu intaa ku daray in dagaalku uu si deg deg ah ku dhamaan karo iyadoo la raacayo shuruudaha Golaha Wasiirada Isra’iil oo ey ka mid yihiin in la sii daayo dhamaan la haystayaasha, hub ka dhigista Xamaas, ka dhigista militariga marinka Qaza, iyo maamulka Isra’iil ee ammaanka Gaza, oo ey weheliso in la dhiso dawlad rayid ah oo kale oo aan khatar ku ahayn Isra’iil, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu aaminsanaa in shuruudahan oo keliya ey ku filan yihiin in Xamaas laga ilaaliyo in ey soo kabato oo ey ku celiso wixii dhacay 7-dii Oktoobar, sidii ey ballan-qaadday, ayuu ku andacooday. Arrimahan oo dhan ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka dalbaday Ururka Xamaas iney si deg deg ah ugu soo gacan geliyaan 20-ka qof ee la haysto ee Israa’iiliyiinta ah si ey dagaalka u joojiyaan. Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Truth Social Arbacadii, "U sheeg Xamaas iney si deg deg ah u soo celiso dhammaan 20-ka la haysto (ma aha 2, 5, ama 7), wax walbana si dhakhso ah ayey isu beddeli doonaan," isagoo raaciyay, "Dagaalku wuu dhammaan doonaa." Intaa waxaa dheer, ergeyga Maraykanka Steve Witkoff wuxuu tixgeliyey jawaabta Hamas ee soo jeedinta ah in qof walba la sii daayo "wanaagsan." Xamaas ayaa Arbacada ku dhawaaqday iney diyaar u tahay iney heshiis dhammaystiran ku soo gabagabayso marinka Gaza ee go'doonsan, waxayna bayaan ey soo saartay ku xaqiijisay iney diyaar u tahay iney sii deyso dhammaan maxaabiista Isra’iil.
“GAARITAANKA YOOLKA DAGAALKA”:
Waxaa xusid mudan in Wasiirka difaaca Israa’iil Yisrael Katz uu ansixiyay wax uu ugu yeeray baabuurta “Gideon 2” 21-kii Agoosto, iyaga oo ujeedkoodu ahaa in ey gebi ahaanba qabsadaan magaalada Gaza. Tani waxay timid in ka badan laba toddobaad ka dib markii uu bilaabay hawlgal ballaaran oo milatari oo ka socda xaafadda Zeytuun, kaasoo ku fiday xaafadda Sabra ee ku taal koonfurta magaalada Gaza. Dhanka kale, taliyaha ciidanka ee Israa’iil Eyal Zamir ayaa ku dhawaaqay Arbacada bilowga wejiga labaad ee Hawlgalka Gideon ee Marinka Gaza, isagoo ku nuux-nuux saday in hadafku yahay in la gaaro ujeedooyinka dagaalka iyadoo la xoojinayo dagaalka iyo xoojinta dhaq-dhaqaaqyada Mileteriga.
XIGASHO-AL-CARABIYA.