XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARKAB MARAAYEY BADDA CAS.

(SAWIRKA)-MARKAB LALA HELAY GENTAAL BADDA CAS.

(YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimadda Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in Kooxda Xuutiyiinta Yemen ey sheegeen Talaadada maanta ah iney beegsadeen Markab marayay Waqooyiga Badda Cas iyagoo adeegsaday laba diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn iyo gantaal, iyagoo ku sababeeyay in Markabku uu xiriir la leeyihiin Israa’iil. Kooxda Xuutiyiinta ma eysan sheegin xilliga uu weerarka dhacay, sida ey ku warantay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Gelinkii hore ee maanta ayaa ciidamada Isra’iil waxa ey sheegeen iney qabteen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee laga soo riday dalka Yemen ka hor inta eysan gudaha u galin hawada Isra’iil. Afhayeenka ciidanka Isra’iil ayaa ku qorqy bartiisa “X” in digniinaha aan la damin.

QABASHADA DIYAARAD AAN DUULIYE LAHAYN:

Diyaaradda aan duuliyaha lahay ayaa timid maalin ka dib mid labaad. Milatariga Israa’iil ayaa Isniintii ku sheegay iney qabteen diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo riday Yemen ka hor inta eysan gelin hawada Israa’iil. “Diyaarad laga soo tuuray Yemen ayaa la qabtay ka hor inta aysan gelin dhulka Israa’iil, mana jirto wax digniin ah oo la dejiyay, iyadoo la raacayo siyaasaddii la dejiyay,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen ciidamada. Kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale Isniintii ku dhawaaqay iney la beegsadeen markab shidaal oo ey la beegsadeen gantaal ballistic ah kaasoo marayey Xeebaha Badda Cas. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii Israa’iil ey dishay Madaxii xukuumadda aan caalamku aqoonsanayn ee Xuutiyiinta iyo Wasiirro badan kuwaaso maalintii Khamiista lagu duqeeyay magaalada caasimadda ah ee Sanca. Taa baddalkeeda, hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Cabdul-Maalik AL-Xuuti ayaa ugu hanjabay Israa'iil iney kordhinayaan weerarrada ey geysanayaan, iyagoo aan dib uga laabanayn, lana wiiqin, waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxaa xusid mudan in duqeymahan ey ka dhigan yihiin kuwii ugu horeeyay ee noocooda ah oo ey Israa’iil isku daydo iney ku disho Hoggaamiyeyaasha iyo Mas’uuliyiinta Xuutiyiinta, taasoo ah xaalad ey dad badan oo indha-indheeya la barbar dhigeen wixii ka dhacay Lubnaan xagaagii hore. Tan iyo markii uu dagaalka Marinka Gaza billowday Oktoobar 7, 2023, Xuutiyiintu waxay si isdaba joog ah u bilaabeen gantaalada ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil, kuwaasoo intooda badan la qabtay. Waxay kaloo qaadeen tiro badan oo weeraro ah kuna qaadeen Maraakiib Ganacsi, oo lagu eedeeyay iney xiriir la leeyihiin Isra’iil, iyagoo wacad ku maray iney sii wadi doonaan taageerada dadka reer Falastiin ee Gaza. Iyadoo Maraykanka iyo Israa’iil ey qaadeen tobanaan weerar iyo duqaymo ey ku qaadeen fariisimaha Xuutiyiinta ee Yemen ka hor inta eysan Washington ku dhawaaqin xabbad joojin bilo ka hor, dhinaca Israa’iil ayaa xaqiijisay iney sii wadi doonto duqeymaha ey ku hayso kooxda ey Iran taageerto.

ISHA-AA.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO KA HORTIMID SOO JEEDINTA XARAKADA XAMAAS.

Next
Next

GAARI KU QARXAY AFAFKA HORE EE XERO CIIDAN GALBEEDKA LIIBIYA.