GAARI KU QARXAY AFAFKA HORE EE XERO CIIDAN GALBEEDKA LIIBIYA.
(SAWIRKA)-GAARIGA QARXAY.
(TRIPOLI)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in Guutada 444-aad ee dagaalka,ee hoos tagata Wasaaradda Difaaca ee Xukuumadda Midnimada Qaran, ayaa ku dhawaaqday fiidnimadii Talaadada in ciidamadooda ey la kulmeen wax ey ku tilmaameen weerar Argagixiso kaasoo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray xero ciidan oo ku taal magaalada Bani Waliid ee Galbeedka dalka Liibiya, ka dib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku Qarxiyay gudaha.
BAABUUR EY KA BUUXAAN WALXAHA QARXA:
Guutada uu hogaamiyo Maxamuud Xamza ee isbaheysiga la ah Reysal Wasaare Abdelxamid Dbeybah ma eysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa ismiidaaminta ah, balse waxay xaqiijiyeen in ciidamadooda ey ku guuleysteen iney xakameeyaan xaaladda markii hore. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in la furay baaritaan lagu ogaanayo qaabka uu u dhacay qaraxa, isagoo carabka ku adkeeyay inuu sii wadayo baacsiga Argagixisada iyo cid kasta oo dhibaato ku ah Amniga dalka. Dhanka kale, sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay khasaaraha ka dhashay qaraxa kuwaasoo marka laga soo tago gaariga qarxay uu saameyn ku yeeshay illinka xerada iyo gaari kale oo goobta ka ag-dhawaa. Iyadoo eysan jirin cid weli sheegatay mas'uuliyadda weerarkan.
XIISADDA GALBEEDKA LIIBIYA:
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay laba maalmood ka dib markii uu qarax weyn ka dhacay goob lagu kaydiyo rasaasta oo ku taal Misrata. Iyadoo ay jirto xaalad kacsanaan ah oo dhanka milatariga ah oo ka taagan galbeedka Liibiya, una dhexeysa maleeshiyaad daacad u ah dowladda Midnimada Qaran iyo ciidamada "Ciidanka ka-hortagga" ee ka soo horjeeda, isku dhacyo hubeysan ayaa ka dhici kara gudaha caasimadda Tripoli xilli kasta.
XIGASHO-AL-CARABIYA.