SARAAKIISHA XUUTIYIINTA UU SHAKI SOO KALA DHEXGALAY,SABABTA?

(SAWIRKA)-SARAAKIIL XUUTIYIIN AH.

(SANA’A)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in Maleeshiyada Xuutiyiinta oo ah wakiilka Iran ee Yemen,ku soo rogeen amaro adag masiirka qaar badan oo ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Sare ee Siyaasadda iyo Militariga, oo ey ku jiraan Wasiirro ka tirsan dawladdooda aan la aqoonsan, ka dib markii ey Israa’iil duqaymo la beegsatay Xarumaha kooxda ee caasimadda Sanca, Khamiistii hore. Isniintii shalay, maleeshiyaadka Xuutiyiinta waxay aas u sameeyeen Raysal wasaarahooda, Axmed Qaalib AL-Rahwi, iyo kow iyo toban Wasiir oo kale oo lagu dilay duqaynta Isra’iil ka fulisay gudaha caasimadda Sanca. Sida laga soo xigtay madal difaaca ee ku takhasustay Arrimaha Militariga, maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa wali Qarinaya masiirka Jineraal Jalaal AL-Ruwayshaan, Raysal Wasaare Ku Xigeenka Difaaca iyo Amniga. Madashu waxay xaqiijinaysaa in AL-Ruwayshaan uu ku dhaawacmay isla duqeyntii lagu dilay inta badan xubnaha dowladda iyo dhowr Hoggaamiye oo caan ah oo ka dhacay xaafadda Hadda ee degmada AL-Sabciin. Madashu waxay intaa ku dartay in duqeymaha Israa’iil ey khasaare xooggan ey gaarsiiyeen Madaxda Sare ee kooxda, iyadoo xustay in masiirka ninka Xuutiyiinta ey u magacaabeen Wasiirka Gaashaandhigga, Sareeya Gaas. Maxammed Naasir AL-Caadhifi, iyo Taliyaha Ilaaladiisa Maxammed CabdulKarim AL-Gamaari ayaan weli kala cadeyn, iyadoo ey jiraan warar sheegaya in dhaawacyo halis ah ey soo gaareen. Ilaha militariga, si kastaba ha ahaatee, ayaa soo jeediyay in AL-Gamaari uu ku dhaawacmay weerar cirka ah oo ka dhacay meel ka baxsan caasimadda Sanca balse aan la sheegin goorta iyo Goobta. Dhinaca kale, Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaaladda caasimada ah ee Sanca ayaa beeniyey Talaadadada maanta ah warar sheegaayo in laba ka mid ah Diyaaradaha Qaramada Midoobe ey qaadeen ku dhawaad ​​40 ka mid ah dagaalyahannada Xuutiyiinta oo dhaawac ah, ka dib weerarkii Israa'iil ey ku qaadday caasimadda Sanca, Khamiistii hore. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee baraha bulshada ayuu Xafiiska QM ee Yemen ku tilmaamay wararkaasi yihii kuwa been abuur ah, isagoo carabka ku adkeeyay in “Duulimaadyada Qaramada Midoobay aan loo isticmaalin maalmihii u dambeeyay in lagu qaado shaqaale aan ahayn kuwa bini’aadantinimo iyo kuwo aan Qaramada Midoobay ka tirsanayn. Warbaahinta ayaa horay u sheegtay in labo diyaaradood oo ey leedahay Qaramada Midoobay ey ka duuleen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Sanca iyagoo siday xubno ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu daweynayo dalka dibadiisa. Dadka dhaawaca ah ayaa ku dhaawacmay duqeymo ey diyaaradaha Israa’iil ku dileen 12 sarkaal oo ka tirsan xukuumadda aan la aqoonsan ee Xuutiyiinta, In kasta oo warbaahinta Xuutiyiinta ey daabaceen qoraallo ay AL-Caadhifi iyo AL-Gaamari u nisbeeyeen weerarrada ka dib, iyagoo isku dayaya iney ka hadlaan warbixinnada dhimashadooda, ka maqnaanshahooda aaska dhibanayaasha weerarka ayaa keenay su'aalo ku saabsan caafimaadkooda. Sidoo kale wararka la helayo Defence Line ayaa sheegaya in kooxdu ey qarinayso masiirka Maxammed Xasan Ismaciil AL-Madani oo ah Raysal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Maamulka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Xasan Cabdallah AL-Sacadi oo ah Wasiirka Waxbarashada iyo Cilmi baarista Sayniska, iyagoo xaqiijinaya in qofka dambe lagu daweynayo dalka dibadiisa.

ISHA-XARAF-28.

Previous
Previous

GAARI KU QARXAY AFAFKA HORE EE XERO CIIDAN GALBEEDKA LIIBIYA.

Next
Next

125-KGS OO DAROOGADA KOKAAYIIN AH OO LAGU QABATAY DALKA LUBNAAN.