ERGAYGA GAARKA AH EE QM U QAABILSAN LIBIYA OO KA HADASHAY…

(SAWIRKA)-HANNA.

(TRIPOLI)-Wararka laga helaayo caawa caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Liibiya, Hanna Tetteh, ey xaqiijisay in howlgalka Qaramada Midoobay uu dhab ahaantii bilaabay fulinta qodobbada qorshaha Qaramada Midoobay ee doorashooyinka.

MAGACAABIDDA XUBNO DHEERAAD AH:

Waxay sharaxday in Ku Xigeenkeedaa, Stephanie Khoury, ey kulan la qaadatay Madaxa Golaha Sare ee dawladda si ey ugala hadasho magacaabista xubnaha dheeraadka ah ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, tallaabo aasaasi ah oo ku hoos jirta awoodaha Golaha. Tetteh waxa ey intaas ku dartay in ergadu ey sidoo kale la xiriirtay Xafiiska afhayeenka Golaha Wakiilada oo ku saabsan dib u habaynta sharci dejinta, iyo sidoo kale Xubnaha Golaha Sare ee dawlad-goboleedyada si ey u riixaan guddiga 6+6 una sii wataan shaqadooda. Waxay carabka ku adkeysay muhiimadda ey leedahay sii wadida wadashaqeynta Golaha Wakiillada iyo Golaha Gobolka si loo dardargeliyo is-afgaradka arrimahan.

WALAACA DARAN EE JIRA:

Dhinaca kale, Tetteh oo ka hadlaysa xaaladda ammaan ee caasimadda Tripoli, ayaa muujisay sida ey uga walaacsan tahay xiisadihii u dambeeyay, iyada oo xaqiijisay in hawl-galkan uu si buuxda u taageersan yahay dedaallada Golaha Madaxtooyada ee uu wado Guddiga Qabanqaabada Amniga, kaasoo ka shaqaynaya sidii ey is-faham uga dhex gaari lahaayeen Xukuumadda Midnimada Qaran iyo Ciidanka ka-hortagga, si looga hortago iney dillaacaan iska-hor-imaad kasta oo hubaysan. Waxay xustay iney subaxnimadii Arbacada la kulantay Guddoomiyaha Golaha Madaxtooyada Maxamed Menfi oo ey kala hadashay wixii ku soo kordhay wada-xaajoodyada. Waxay carabka ku adkeysay inu soo gudubka iskahorimaadka hubeysan ee Tripoli uu noqon doono "masiibo," iyo in howlgalka uu sii wadi doono bixinta khibradiisa farsamo si uu u taageero dadaaladda hoos u dhigista cabsida laga qabo isku dhac ciidan gudaha caasimadda.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

KU XIGEENKA BURHAN OO SHEEGAY INAAN SUDAN WADA HADAL KA DHECEYN KA HOR..

Next
Next

MADAXA CAYAARAHA SURIYA OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL CAAWA.