KU XIGEENKA BURHAN OO SHEEGAY INAAN SUDAN WADA HADAL KA DHECEYN KA HOR..

(SAWIRKA)-KABBASHI

(KHARTUM/SUDAN)-Wararka laga heaayo dalka Suudaan ayaa sheegaayo in Taliye Ku Xigeenka ciidamada Sudan Sareeye Guud. Shams-EL-Din Kabbashi ayaa ku dhawaaqay khamiista maanta ah in "Wax wadahadal ah eysan dhici doonin ka hor inta taako kasta oo Sudan ah la xoreeyo." “Balanqaadkeena waa inaan xoreyno dhulka, waxaana u dagaalameynaa shacabka Suudaan, anagoo kaashanayna shacabka,” ayuu yiri Kabash. Wuxuu intaas ku daray, "Waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan dib ugu soo celin lahayn dhammaan deegaannada Daarfuur, oo aan ka qaadi lahayn go'doominta Ceel-Fasher." Weerarada EL Fashir ee ciidamada deg dega ah ee ka soo horjeeda ciidamada Sudan uuna hogaamiyo Abdel Fataax AL-Burhan, Gudoomiyaha Golaha Madaxbanaanida, ayaa socday muddo toddobaadyo ah, iyadoo ey jiraan digniino caalami ah oo ku saabsan khatarta dagaalka, iyadoo EL Fashir ey tahay xarunta hawlaha bini'aadantinimo ee shanta gobol ee Darfur. Ciidamada Taageerada Deg dega ah ayaa go'doomiyay EL Fashir tan iyo Maajo 2023, oo ah magaalada kaliya ee ugu weyn gobolka ee wali ey gacanta ku hayaan ciidamada. Bishii la soo dhaafay, dagaal ba’an ayaa ku dhex maray ciidamada Sudan iyo xoogaga Taageerada deg dega ah ee ku sugan Galbeedka Kordofan, oo xuduud la leh Khartuum, Niilka cad, iyo gobolada Darfur. Ciidamada Taageerada Deg dega ah ayaa hadda gacanta ku haya shan degaan oo ka tirsan Waqooyiga Kordofan, halka ciidankuna ey gacanta ku hayaan saddex. Dagaalka ayaa ka socda xadka uu la wadaago Gobolka Galbeedka Kordofan oo ey gacanta ku hayaan ciidamada Taageerada deg dega ah, marka laga reebo magaalada Babanusa. Koonfurta Kordofan, Ciidamada Taageerada Deg dega ah ayaa maamula qaybaha Waqooyi. Taas bedelkeeda, ciidanku waxay maamulaan inta badan gobolka, oo ey ku jirto caasimaddiisa, Kaduqali. Waxaa xusid mudan in tan iyo bartamihii bishii April ee sanadkan 2023 ey ciidamada Sudan iyo xoogaga taageerada deg dega ah wadeen dagaal sababay dhimashada in ka badan 20,000 oo qof iyo barakaca iyo aqoonsiga Qaxootinimo ee ku dhawaad ​​15 milyan, sida ey sheegeen Qaramada Midoobay iyo maamulada dalka ka jira. Daraasad ey sameeyeen Jaamacado Maraykan ah ayaa lagu qiyaasay dhimashada in ku dhow 130,000. Dagaalka ayaa ku qasbay malaayiin reer Suudaan ah iney qaxaan, iyadoo macaluul ey ku sii fideyso inta badan dalka. Colaadda ayaa Suudaan u kala qeybisay goobo saameyn ku leh, iyadoo ciidamada ey maamulaan Waqooyiga iyo Bariga dalkaas, halka ciidamada taageerada deg dega ah ey maamulaan inta badan Gobolka Darfur ee Galbeedka iyo qeybo ka mid ah Koonfurta.

XIGASHO-AA.

Previous
Previous

DRONES DUQEYN KA GEYSATAY GOBOLKA XALAB EE DALKA SURIYA.

Next
Next

ERGAYGA GAARKA AH EE QM U QAABILSAN LIBIYA OO KA HADASHAY…