DRONES DUQEYN KA GEYSATAY GOBOLKA XALAB EE DALKA SURIYA.

(SAWIRKA)-GAARIGA LA BEEGSADAY.

(XALAB/SURIYA)-Waraka laga helaayo Gobolka Xalab ee dalka Suriya ayaa sheegaayo in diyaarad nooceedy yahay kuwa aan duuliyaha lahayn ey Khamiista maanta ah ey weerar la beegsatay gaari rayid ah oo marayey waddo aada Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Xalab ee Waqooyiga dalka Suuriya. Wakaaladda Wararka u Faafisa Suriya ee SANA oo soo xiganaysa Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in weerarka uu sababay “dhimashada hal qof,” iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin. Cali AL-Yuusuf, oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Xalab, ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in duqeynta ey sababtay dhimashada laba qof oo gaariga saarnaa. Ilo-wareedyo ku sugan Gobolka Xalab ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Jarmalka (DPA) in diyaaradda Drone-ka la rumeysan yahay iney ka tirsan tahay isbaheysiga caalamiga ah ee ka dhanka ah Daacish. Dhankeeda, SANA ma eysan sheegin diyaarada aan duuliyaha lahayn iyo shaqsiyaadka ey beegsatay. Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in “Ciidamada amaanka ey bilaabeen baaritaano ku aadan sida ey wax u dhaceen, si loo ogaado dadkii gaariga ku jiray. Maamulka cusub ee Suuriya ayaa waday dadaallo xooggan oo lagu sugayo ammaanka dalkaasi tan iyo markii xukunka laga tuuray xukuumadda Bashaar AL-Asad 8-dii December 2024-kii, ka dib 24 sano oo uu xukunka haayay. Israa'iil iyo isbahaysiga caalamiga ah ee uu Maraykanku hoggaamiyo ee ka dhanka ah Daacish ayaa horay habkan uga adeegsaday Suuriya. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac midkoodna kama hadlin weerarkii Khamiista maanta ah dhacay. Isbaheysiga ayaa horey duqeymo uga bilaabay Waqooyiga dalka Suuriya oo ey ku bartilmaameedsanayaan kooxaha Xagjirka ah. Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay bishii Agoosto in ciidamada isbaheysiga ey dileen hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Adhmah, oo ku taalla Waqooyi Galbeed ee dalkaasi.

XIGASHO-AA.

Previous
Previous

DAD KU SUMOOBAY CUNTO EY CUNEEN GOBOLKA MINYA EE DALKA MASAR.

Next
Next

KU XIGEENKA BURHAN OO SHEEGAY INAAN SUDAN WADA HADAL KA DHECEYN KA HOR..