DAD KU SUMOOBAY CUNTO EY CUNEEN GOBOLKA MINYA EE DALKA MASAR.
(SAWIRKA)-GAARIGA AMBALAASKA.
(EGYPT)-Magaalada Minya ee Koonfurta dalka Masar ayaa waxaa ka dhacay shil cunno taaso ey ku sumoobeen dad badan oo ay ka mid yihiin tobanaan muwaadiniin ah ka dib markii ey wax ka cuneen Maqaayad caan ah oo ku taal magaalada. Dad goob joogayaal ah ayaa soo sheegay in dad badan oo shacab ah iney la ildaran yihiin cunno badan oo ku sumoobeen ka dib markii ey wax ka cuneen maqaayad ku taal agagaarka Abuu Hilaal. Gaadiidka Ambalaasta ayaa isla markiiba dadkii ku sumoobay cuntada ula cararay isbitaalada. Wararka laga helayo Agaasinka caafimaadka ee Gobolka ayaa xaqiijiyay in 104 qof oo ey ku jiraan caruur ey la soo deristay cunno ey ku sumoobeen ka dib markii ey cuneen cuntadii, ayey dareemeen Lallabbo, Matag, Shuban iyo Qandho. Maamulka ayaa go’aan ku gaaray in dadka uu cudurkani soo ritay ee laga soo qaaday raashiinka ee sananay matag, in loo diray shaybaarada dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka, si baaritaan loogu sameeyo sababta cudurkan iyo sida ey ugu habboon tahay raashinka la siiyo muwaadiniinta. Waxaa xusid mudan in dhawaan Gobolka Minya ey ka dhacday dhacdo dad badan oo ku sumoobay cunno, iyadoo tobanaan qof oo muwaadiniin ah ey ku xanuunsadeen ka dib markii ey wax ka cuneen maqaayad ku taal magaalada Malawi laba bilood ka hor. Ciidamada ammaanka ayaa xiray milkiilihii Maqaayadda, waxayna muunado ka mid ah cunnada ey u direen sheybaarada dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka si baaritaan loogu sameeyo.
XIGASHO-AA.