BUUNDADII ISKU XIRAY BAQDAAD IYO G/KARBALLA OO DUNTAY.

(SAWIRKA)-BUUNDADA AL-CADHEYSHI.

(IRAQ)-BREAKING NEWS: Ilo deegaanka ah iyo dad goob joogayaal ah ayaa ku waramay iney duntay Buundada Al-Cateyshi oo ku dhow halka laga galo Bab Baqdaad ee Gobolka Karbala ee dalka Ciraaq, iyadoo la soo sheegayo in dad rayid ah ey ku dhinteen burburka hoostiisa. Warbaahinta Ciraaq ayaa ku warantay in saddex qof ey dhinteen, lix kalena ey sooo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana loo qaaday isbitaal ka dib markii qeyb ka mid ah buundada ey duntay. Guddoomiye Ku Xigeenka maamulka Gobolka Karbala ayaa yiri “Burburka ku yimid Buundada AL-Cateyshi ee isku xirta magaalada Karbala iyo caasimadda Baqdaad, waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah, ilaa hadda lama oga tirada ugu dambeysa ee buundada, welina waxaa socda dhismaha Buundada, welina lama dhameystirin, waxaa furmi doona baaritaan lagu ogaanayo sida uu shilku u dhacay. Illo ka tirsan Difaaca Madaniga ah ayaa ku waramaya in kooxuhu ey hadda ku sugan yihiin goobtii uu burburka ka dhacay, iyaga oo sii wada iney guraan burburka iyagoo baadi goobaya in dad ku hoos jiraan.

ISHA-AA.

Previous
Previous

WAFDI HEER SARE AH OO KA SOCDAY XAMAAS OO GAARAY QAAHIRA.

Next
Next

DAD KU SUMOOBAY CUNTO EY CUNEEN GOBOLKA MINYA EE DALKA MASAR.