WAFDI HEER SARE AH OO KA SOCDAY XAMAAS OO GAARAY QAAHIRA.
SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY MARINKA GAZA.
(CAIRO)-Wargayska AL-Araby AL-Jadeed ayaa ogaaday in wafdi heer sare ah oo Hoggaanka Xamaas ka socda ey maanta oo Sabti ah ey gaareen caasimada dalka Masar ee Qaahira, ka dib markii ey casuumaad ka heleen saraakiil ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Guud ee Masar. Wafdiga waxaa ka mid ah dhowr xubnood oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xarkada Xamaas, oo uu madax u yahay Zaaher Jabaariin , oo ah sarkaalka Xamaas ee Daanta Galbeed. Sida ey sheegayaan wararka uu helayo Wargayska AL-Caraby AL-Jadiid, wafdiga Xarakada Xamaas ayaa lagu wadaa iney kala hadlaan mas’uuliyiinta Masar ee ku howlan dhexdhexaadinta, qaar ka mid ah qodobbadii uu dhawaan soo bandhigay Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe Steve Witkoff. Booqashada wafdiga Xamaas ee Qaahira ayaa ku soo beegantay xilli ciidamada maamulka Israa’iil ey bilaabeen iney burburiyaan dhismayaal dhaadheer oo ku yaalla magaalada Qaza, taasoo qeyb ka ah qorshaha ey ku doonayaan iney magaalada ku qabsadaan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Badar Cabdulcaadhi ayaa shir Jaraa’id oo ey si wadajir ah u qabteen isaga iyo Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ku sheegay horaantii Sabtida maanta ah in “ciidamo caalami ah la geyn doono haddii uu jiro codsi uga yimid dhanka Falastiin”. Waxa uu ugu baaqay Israa’iil iney aqbasho soo jeedinta Ergeyga Maraykanka Steve Witkoff ee ku aaddan xabbad joojinta Gaza, isaga oo carabka ku adkeeyay in is-diiddannimada Israa’iil ey caqabad weyn ku tahay horumarka laga gaaray hannaanka xabbad joojinta. Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa goor sii horeysay oo sabti ah shaaca ka qaaday in Cabdulcaadhi iyo Witkoff ey ku wada hadleen taleefoon fiidnimadii Jimcaha. Wasaaraddu waxay intaa ku dartay bayaan ey soo saartay in baaqa lagu soo hadal qaaday dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo in xabad-joojin laga gaaro Gaza, iyadoo laga duulayo qodobbada uu soo jeediyay Witkoff. Cabdulcaadhi waxa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in Isra’iil ey ka jawaabto heshiiska la soo jeediyay ee lagu sii daayo Maxaabiista Isra’iil, lagana dejiyo xaalada. Isla xaaladdan, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in Washington ey wadahadal "aad u qoto dheer" la sameyneyso Xamaas, wuxuuna ku boorriyay iney sii deyso dhammaan Maxaabiista ku xiran Gaza. Waxa uu intaa ku daray: "Waxaan ku niri, "Dhammaan hadda sii daaya, dhammaantoodna sii daaya, oo wax ka sii wanaagsan ayaa ku dhici doona. Laakin haddii aad dhammaan sii deyn weeydo,wey adkaan doontaa,waxayna noqon doontaa Musiibo”.
XIGASHO-A.AL-JADEED.