GAARI UU WATAY SARKAAL XUUTI AH OO DAD KU DILAY G/IBB.

(SAWIRKA)-GOOBTA SHILKU KA DHACAY.

(YEMEN)-Wararlka laga helaayo Gobolka IBB ee bartamaha dalka Yemen ayaa sheegaayo in hal nin iyo laba caruur ah oo iibisa faakihada loo yaqaano Rumaanka ey ku dhinteen shil naxdin kaaso uu geystay gaari ey ku xirneed Taaragad Kooxda Xuutiyiinta uuna watay sarkaal sare oo ka tirsan Xuutiyiinta ugana masuula ah Gobolka IBB. Goobjoogayaal iyo dadka degaanka ayaa sheegay in silkaan uu dhacayfiidnimadii Jimcihii shalay ahaa,waxa uuna shilka ka dhacay wadada Galbeed ee aada Garoonka Cayaaraha, gaariga shilka galay ayaa ku socday xawaare aad u sareeyo ka dibne waxa uu dulmaray dadka dhintay kuwaaso aan naf dhulka la dhicin. Wararka la helaayo ayaa sheegaayo in gaariga galay shilka uu watay nin dhallinyara ah kaaso aan joojin gaarigiisa ka dib shilka,waxa uuna ku sii dhuftay Mooto meel ka foga tiilay. Dhacdadaan ayaa carro balaaran ka dhex dhalisay shacabka magaaladda,waxaane soo baxay warar sheegaayo in gaariga galay shilka uu iska leeyahay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Xuutiyiinta. Cabsi weyn ayaana ka dhalatay isku day lagu doonaayey in lagu qariyo shilka goobtana uu isaga baxsado ninka wday gaariga. Dhinaca kale, Warbaahinta militariga ee xiriirka la leh Isbaheysiga Qaranka, oo uu hoggaamiyo Tariq Saalax, ayaa ku waramay in Qeybta Sirdoonka Guud ey heshay macluumaad ku saabsan "qeylo" shaki leh oo ka dhacday meel u dhow marinka Maraakiibta Caalamiga ah ee Badda Cas. Waxa uu intaa ku daray, "Koox ka tirsan Ciidamada Badda ee Qaranka iska caabinta ayaa qabtay shixnadda, waxayna u jiiteen meel ammaan ah, shixnaddiina waa laga soo dajiyay," sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee mucaaradka dawladda ee December 2. Sida laga soo xigtay muuqaal muuqaal ah oo ey daabacday hay'addu, shixnadda ayaa waxaa ku jiray noocyo kala duwan oo bastoolado ah, laakiin tirada ayaa weli aan caddayn. Mukhalasiinta la qabtay ayaa lagu wadaa baaritaan lagu ogaanayo hay’adda ey u shaqeeyaan.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

WASIIRKII HORE EE SHIDAALKA LIIBIYA OO LA DHIGAY XABSIGA.

Next
Next

WAFDI HEER SARE AH OO KA SOCDAY XAMAAS OO GAARAY QAAHIRA.