WASIIRKII HORE EE SHIDAALKA LIIBIYA OO LA DHIGAY XABSIGA.

SWAIRKA)-WASIIR CAWN.

(LIBYA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in Ciidamada Ammaanka Liibiya ayaa Sabtida maanta ah Garoonka Diyaaradaha Mitiga ee caasimadda Tripoli ka xireen Wasiirkii hore ee Shidaalka iyo Gaaska ee Xukuumadda Midnimada Qaran, Maxammed Cawn, xilli uu doonayay inuu dalka ka dhoofo. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Liibiya ayaa bayaan uu soo saaray fiidnimadii Sabtida ku sheegay in Cawn loo xiray si uu u dhaqan geliyo xukun afar sano ah oo lagu xukumay isaga oo dalka ka maqan, ka dib markii uu ku takri-falay awoodda rasmiga ah iyo dayacaada waajibaadkiisa ilaalinta Hantida Dadweynaha sannadkii 2006-dii, xilligaasoo uu ahaa Guddoomiyaha shirkadda Zueitina Oil Company. Waxa uu intaa ku daray in go’aanka lagu sii daayay uu ka dambeeyay markii la ogaaday in maxbuuskaasi uu horay uga soo muuqday Maxkamadda Racfaanka ee Tripoli, taasi oo dib u dhigtay kiiska, isla markaana u muddeysay dhageysiga dacwadda Talaadada soo socota. Xariga Wasiirka Shidaalka Maxammed Cawn ayaa dhaliyay muran baahsan oo ka taagan Liibiya, waxaana loo arkayay in dad badan la dejiyo ka dib markii ey isku afgaran waayeen Madaxa Xukuumadda Midnimada Qaran, Cabdul-Xamiid Dabayba. Dhanka kale, Madaxa Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee dalka Libya, Axmed Xamza, ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyey cadaadiska iyo Xariga lagu hayo dadka doonaya iney la dagaalamaan musuq-maasuqa ka jira qaybta Shidaalka iyo Gaaska, isla markaana ey ka hortagaan dhammaan xad-gudubyada, isagoo dhanka kale indhaha ka qarsaday waxa uu ugu yeeray “Sida musuq-maasuqa”. Dhankiisa, Saxafiga iyo Siyaasiga Axmed EL-Senuusi, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay, qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, go’aanka lagu xiray Wasiirka Shidaalka, loogana mamnuucay inuu u safro kiis soo socday sannadkii 2005-tii, isagoo iska indho-tiray kiisas kale oo musuqmaasuq oo dhinaca Shidaalka ah iyo heshiisyo shaki ku jiro oo lala galay shirkado caalami ah. Wasiirka batroolka ayaa ka mid ahaa Wasiiradii ugu caansanaa ee ku caan baxay mucaaradnimada Madaxa Xukuumadda Midnimada Cabdul-xamid Dbeybah. Waxa uu hore ugu eedeeyay Dbeibah inuu saxiixay heshiisyo lagu lunsanayo hantida Liibiya, taasoo jawaab u ah heshiisyada ey la saxiixdeen Turkiga iyo Talyaaniga. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Dbeybah in uu ka batay awoodiisa isla markaana uu maroorsaday awoodihii Wasaaradihiisa ka dib markii uu sameeyay Golaha Sare ee arrimaha Tamarta.

ISAH-AA.

Next
Next

GAARI UU WATAY SARKAAL XUUTI AH OO DAD KU DILAY G/IBB.