REYSAL WASAARAH CIRAAQ OO KA HADLAY XARUNTA NATO EE BRUSSELS.
(SAWIRKA)-RW-CIRAAQ.
(Brussels)-Raysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Shayaac AL-Sudani ayaa isniinta maanta ah u xaqiijiyay xulafada NATO iney ka go’an tahay dowladdiisa iney ku xaddido haysashada hubka dowladda iyo dib u habeynta hay’adaha ammaanka.
CIRAAQ HADDA MA AHA MID QABTA WALAAC AMNI:
Xafiiska Warbaahinta ee Raysall Wasaaraha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in AL-Sudani uu maanta khudbad ka hor jeediyay Madaxda iyo Wakiillada dalalka Waqooyiga Atlantic ee xarunta NATO ee magaalada Brussels ee dalka Belgium, ka dib casuumaad uu ka helay Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte. Qudbadiisa, AL-Sudani waxa uu tilmaamay in kulankani uu ku jiro wanaaga iyo isbeddellada aasaasiga ah ee ka socda Bariga Dhexe, ku xad-gudubka mabaadi’da nidaamka caalamiga ah, dembiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada, iyo khatarta amniga gobolka. Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in la sameeyey iskaashi wax ku ool ah oo lala yeesho NATO, oo ku salaysan go'aan madaxbannaan, looga golleeyahay in la dhiso xiriir dhammaystiran, oo muddo dheer ah oo dhinacyo kala duwan leh. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Ciraaq eysan hadda ahayn mid uu ka jiro walaac amni, balse ey tahay saaxiib istaraatiiji ah oo la isku halayn karo.
MABAADIIDA AASAASIGA AH:
Waxa xusid mudan in Suudaani uu marar badan ku cel-celisay in ku xad-gudbida haysashada hubka iyo ku-dhaqanka sharciga ey tahay mabaadi’da aasaasiga ah ee aan la dhayalsan karin. AL-Sudani waxa uu tilmaamay in mabaadi’daasi ey yihiin tilmaamo la jaan qaadaya baaqyada Hay’adaha Diiniga ah ee aan loo beegsanayn cid gaar ah.
ISHA-AA.