CIIDAMADA LUBNAAN OO GAARAY DHUL XISBULLAHI MAAMULAAN.

(SAWIRKA)-UNIFIL.

(BEIRUT)-Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku meel gaarka ah ee dalka Lubnaan (UNIFIL) ayaa xaqiijiyay in ciidamada Lubnaan iney gaareen in ka badan 120 goobood oo Koonfurta ah. Waxa ey bayaan ey soo saartay UNIFIL Isniinta maanta ah ku dartay in diritaanku uu xoojinayo awoodda gobolka si waafaqsan Qaraarka Qaramada Midoobay 1701.

ISKU DUBARID IYO TABABARO MAALINLA AH:

UNIFIL ayaa sidoo kale tilmaamtay in ey si dhow ula shaqeyneyso ciidanka si loo soo celiyo xasiloonida deegaanka, ayna ka caawineyso sidii ey u xoojin lahaayeen joogitaankooda roondo, tababaro, iyo isku xirka maalinlaha ah. Todobaadki hore ayey aheyd markii ciidamada Qaramada Midoobay ey carabka ku adkeeyeen in ey sii wadayaan howlahooda shaqo, si waafaqsan go’aankii Golaha Ammaanka, iyagoo caddeeyay in ey ka shaqeynayaan sidii dadka ku nool Koofurta Lubnaan ey guryahooda ugu soo laaban lahaayeen si nabad ah.  Waxaa xusid mudan in heshiiska xabbad-joojinta oo dhaqan galay 28-kii November ka dib isku dhacyo rabshado wata oo Israa’iil iyo Xisbullah ku dhex maray Lubnaan, uu dhigayay xabbad-joojin, in ciidammada Lubnaan la geeyo Koonfurta oo taageero ka helaya ciidammada Qaramada Midoobay, ka bixitaanka Xisbullah ee koonfurta Wabiga Litani, in la xaddido hubka dawladda, iyo in Isra’iil laga saaro dhulka Lubnaan. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Israa’iil ayaa weli ku sugan shan goob oo istaraatiiji ah oo ku yaalla xuduudka Lubnaan, iyagoo diiday iney ka baxaan ilaa hubka Xizbollah laga saaro gebi ahaanba. Israa’iil ayaa sidoo kale ku dhawaad ​​maalin kasta weeraro ku qaada magaalooyin iyo goobo dhowr ah oo ku yaalla koonfurta Lubnaan. Iyadoo dowladda Lubnaan ey ansixisay go’aan lagu xadidayo haysashada hubka dowladda, waxay u xilsaartay ciidamada iney dejiyaan qorshe lagu dhaqan gelinayo iyo iney soo gudbiyaan warbixinno bille ah oo ku saabsan halka uu maraayo hawlgalka.

ISHA-AA.

Previous
Previous

WEERARKII ISRA’IIL EE SANCA OO DHALIYEY KALA SHAKIN XOOG LEH.

Next
Next

REYSAL WASAARAH CIRAAQ OO KA HADLAY XARUNTA NATO EE BRUSSELS.