SURIYA IYO LUBNAAN OO MAXAABIIS ISDHAAFSANAAYO.
(SAWIRKA)-XUDUUDA SURIYA IYI LUBNAAN.
(SYRIA/LEBNAN)-Dalalka Lubnaan iyo Suuriya waxay ku heshiiyeen iney sameeyaan laba guddi oo gaar ah si ey u diyaariyaan qoraallada diyaarinta ee heshiis garsoor oo u dhexeeya labada waddan iyo mid kale oo la xiriira xuduudaha, si loo diyaariyo booqasho Wasiiro Suuriyaan ah oo mustaqbalka dhow ku imanayso Beyrut. Saraakiisha Garsoorka iyo Amniga ayaa sheegay in Lubnaan iyo Suuriya ey samayn doonaan guddiyo si ey u go'aamiyaan masiirka ku dhawaad 2,000 oo Maxaabiis oo Suuriyaan ah oo ku xiran xabsiyada dalka Lubnaan, soo saarida muwaadiniinta Lubnaan ee lagu la'yahay Suuriya sannado badan, iyo xallinta xuduudaha aan calaamdsaneyn. Ku dhawaaqista Isniinta maanta ah ayaa ku soo beegantay iyadoo wafdi Suuriyaan ah oo ey ku jiraan laba Wasiiro hore iyo Madaxa Guddiga Qaran ee dadka lagu la’yahay Suuriyiinta ah ey booqdeen caasimadda Lubnaan ee Beirut, waana markii ugu horeysay tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar AL-Asad horaantii bishii December. Heshiiskan ayaa yimid intii lagu guda jiray kulan dhexmaray Raysal Wasaare Ku Xigeenka Lubnaan Dhaariq Mitri iyo wafdi rasmi ah oo Suuriya ka socda oo ka kooban Wasiirkii hore iyo Agaasimaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxammed Dhaha AL-Ahmad, Wasiirkii hore ee Maxammed Yacquub AL-Cumar, Madaxa maamulka Qunsuliyadda, iyo Maxammed Reda’a Mundir Jalkhi, Madaxa Guddiga Qaranka ee dadka la la'yahay iyo kuwa si qasab ah lagu waayay. Isniinta maanta ah,Mitri wuxuu sharaxay in labada dhinac ey ka wadahadleen "Arrimaha guud iyo siyaabaha looga hortagi karo si kor loogu qaado kalsoonida, ixtiraamka labada dal, iyo rabitaan dhab ah oo iskaashi ah oo u dhexeeya labada dal. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday Arrimaha Maxaabiista Suuriya iyo dadka la la'yahay ee Lubnaan iyo Lubnaan dadka lagu la'yahay Suuriya, iyo sidoo kale iskaashiga ilaalinta xuduudaha iyo ka hortagga tahriibinta." Mitri waxa kale oo uu xusay in “arrinta ku saabsan dadka Suuriyaanka ah ee barakacay iyo dib ugu soo laabashada dalkooda iyo muhiimadda ey leedahay in la fududeeyo laga wada hadlay, isagoo xusay in la isla gartay in dib u eegis iyo hagaajin lagu sameeyo heshiisyada Lubnaan iyo Suuriya, lana tixgeliyo heshiisyada iyo hababka kobcinayo iskaashiga dhaqaale ee labada dal. Waxa uu ku dhawaaqay in "la go'aamiyey in la sameeyo laba guddi oo gaar ah si ey u diyaariyaan qoraallada diyaarinta ee heshiis garsoor iyo mid kale oo la xiriira xuduudaha, si loo diyaariyo booqasho Wasiiro Suuriyaan ah oo ku wajahan Beyrut mustaqbalka dhow." Kulankan iyo heshiiskan ayaa imaanaya kadib markii wafdi ka socda dowladda Suuriya oo todobaadkii hore booqasho ku tagi lahaa magaalada Beyruut dib loo dhigay iyadoo aan la ogeyn sababta keentay. In ka badan 2,000 oo Maxbuus ayaa ku jira xabsiyada Lubnaan, oo ey ku jiraan ku dhawaad 800 oo lagu maxkamadeynayo dembiyo la xiriira ammaanka. Garsoorka militariga Lubnaan ayaa ku eedeeyay "iney galeen dambiyo Argagixiso." Tani waxay ku kaliftay maxaabiistan iney si isdaba joog ah uga codsadaan Madaxweynaha Suuriya Ahmad AL-Sharac inuu ka shaqeeyo sidii loogu wareejin lahaa Suuriya si ey halkaas ugu dhamaystaan Maxkamadayntooda. Maamulka cusub ee Suuriya oo uu hogaamiyo Madaxweyne Axmad AL-Sharac ayaa doonaya in ey "bog cusub ka furaan" Lubnaan oo ey u gogol xaarto booqasho ey ku yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo cadaalada ee Suuriya, inkastoo aan wali la cayimin taariikhda, sarkaal ka tirsan garsoorka Lubnaan iyo laba sarkaal oo dhinaca ammaanka ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee (Associated Press). Booqashada mustaqbalka waxay calaamad u noqon kartaa horumar suurtagal ah oo dhexmara labada dal kuwaaso xiriirkoodu uu xumaa muddo dhan tobanaan sano.
ISHA-AA.