CAASIMADDA LIIBIYA EE TRIPOLI OO DAGAAL LOOGA CABSI QABO.

(SAWIRKA)-CIIDANKA LIIBIYA.

(TRIPOLI/LIBYA)-Caasimadda Liibiya ee Tripoli ayaa waxaa ka taagan xiisad aan horay loo arag, ka dib markii kooxo hubeysan oo gacan saar la leh dowladda Midnimada Qaran, oo ey taageerayaan ciidamada difaaca ee Golaha Madaxtooyada, ey ku dhawaaqeen xaalad feejignaan buuxda ah, si loogu diyaargaroobo iska horimaad hubeysan oo lagu xaqiijin karo gacan ku heynta dhulka. Dhanka kale waxaa socda waan-waantii ugu dambeysay oo lagu baajinayo dagaal. Habeenimadii xalay, ayaa la arkayay kolonyo ciidan oo ka baxaya xeryahooda, kuwaasoo isugu jira kooxaha dawladda taageersan iyo kuwa ka tirsan ciidamada difaaca oo ey taageerayaan kooxaha Zawiya iyo Zantaan. Waxay ku sii nagaadeen oo la geeyey dhawr jiho oo muhim ah oo ku yaal caasimadda Tripoli. Dhanka kale, goobaha lagu iibiyo baabuurta ayaa laga daad gureeyay baabuurtii, iyadoo laga cabsi qabo iney waxyeelo soo gaarto haddii uu dagaal dhaco. Wadooyinka qaar ayaa la xiray, iyadoo rasaas teel teel ah laga maqlayo gudaha xarumaha ey ku sugan yihiin kooxaha hubeysan, taasoo loo arkayey iney tahay "digniin" ka hor dagaal ballaaran.

ABAABULKA LABADA DHINAC:

Arrintan ayaa timid ka dib markii maalmo ey socdeen abaabulo labada dhinac ah, iyadoo ey fashilmeen dadaallo siyaasadeed oo lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisadda, taasoo sare u qaadeysa cabsida laga qabo in Qarax amni uu dhaco, isla markaana khatar ku ah hannaanka xalinta siyaasadda ee jilicsan. Madaxa Xukuumadda Midnimada Qaran, Abdulxamid Dbeybah, ayaa doonaya inuu dib u soo ceshado dhismaha Mitiga, oo ey ku yaallaan Garoonka diyaaradaha, saldhigga hawada, isbitaalka militariga, iyo Xabsiga. Dhismahan ayaa waxaa ku sugan shaqsiyaad caan ah oo ka tirsan taliskii Mucamar AL-Qadaafi iyo sidoo kale shaqsiyaad kale oo halis ah oo ey ku jiraan Hogaamiyayaasha Argagixisada. Goobahan ayaa muddo sanado ah waxaa gacanta ku hayay Ciidanka ka hortaga. Dadka wax indha indheeya ayaa rumeysan in qaabka dhaq-dhaqaaqa ciidan, gaar ahaan Gaadiidka Gaashaaman ee lagu soo daad guraynayo bartamaha caasimadda, ey muujineyso in la doonayo in lagu qabsado goobo istiraatiiji ah, laguna xaliyo colaadda, iyadoo ey jirto xaalad walaac iyo jahawareer soo wajahday dadka deggan caasimadda.

ISGOYSYADDA KHATARTA AH:

Xaaladdan oo kale, Saalim AL-Majbari oo ah falanqeeye siyaasadda Liibiya ayaa sheegay in caasimadda Tripoli, "hadda ey ku sugan tahay isgoysyo halis ah," isagoo sharaxaya in xaaladda dhulka ey muujinayso dhismayaal iyo qaabab ciidan oo muhiim ah kuwaasoo sita astaamaha iskahorimaadka hubeysan, gaar ahaan gelitaanka Taangiyada iyo Gaadiidka culus iyo in la geeyo goobaha muhiimka ah. Si kastaba ha ahaatee, wareysi uu siiyay Al Carabiya.net, wuxuu rumeysan yahay in waayo-aragnimada sannadihii u dambeeyay ey caddaynayso in dhaqdhaqaaqyada noocan oo kale ah loo isticmaalo awood siyaasadeed iyo mid milatari si loo horumariyo danaha iyo shuruudo cusub oo lagu soo rogo inta lagu jiro wadahadalka, halkii loo diyaarin lahaa dagaal furan. Waxa uu aaminsan yahay in dhinacyadu ey u badan tahay iney dib u laabtaan daqiiqadaha ugu dambeeya, taasoo ey ugu wacan tahay cadaadiska caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay si looga hortago in caasimadda ey u gudubto dagaal khasaare badan iyo kharash badan ku baxaya. Dhanka kale, Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Liibiya (UNSMIL) wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku sugan caasimadda Tripoli, iney xaaladda dejiyaan "si deg deg ah," iyagoo ku boorriyay "in ey si deg deg ah uga fogaadaan fal kasta oo khatar gelin kara dadka rayidka ah," iyagoo ka digaya in colaad kasta oo cusub "eysan halis gelinayn oo keliya ammaanka Tripoli, laakiin ey ku fidi karto qaybaha kale ee dalka." Isla xaaladdan, dadka degan Tripoli, Tajoora’a, Zaawiya, iyo magaalooyinka kale ee galbeedka Liibiya, ayaa bayaan ey soo saareen fiidnimadii Isniinta waxay ugu baaqeen Abdelxamid Dbeybah inuu 24 saacadood gudahood uga saaro kolonyada hubaysan ee caasimadda, soona celiyo joogitaanka rayidka. Waxa ey ka digeen in caasimadda laga dhigo ciidan, waxa eyna ku hanjabeen iney sameyn doonaan kacdoon shacab iyo iney ka horimanayaan dawladiisa.

ISHA-AA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY SHIRKADO TAHRIIBIYA SALIIDA IRAN.

Next
Next

SURIYA IYO LUBNAAN OO MAXAABIIS ISDHAAFSANAAYO.