MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY SHIRKADO TAHRIIBIYA SALIIDA IRAN.

(SAWIRKA)-FUUSATADAHA SALIID IRAAN.

(WASHINGTON)-Iyadoo la filayo iney soo noqoto cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Tehran , Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday iney soo rogtay cunaqabatayn cusub oo la xiriira Iran. War qoraal ah oo lagu daabacay website-keeda Talaadada maanta ah, Waaxda Maaliyadda ayaa sharaxday in "Xafiiska Waaxda Hantidhowrka ee Ilaalinta Hantida Dibadda (OFAC) uu cunaqabateyn ku soo rogay Ganacsade caan ah iyo Shabakadiisa Shirkadaha iyo Maraakiibta soo geliya Saliidda Iran iyagoo ku gabanaya Saliid Ciraaq si ey uga baxsadaan cunaqabateynta Mareykanka." Waxay intaas ku dartay in Shabakaddan ey Tehran u soo saarto in ka badan $300 milyan sannadkii. Wasaaraddu waxa kale oo ey xustay in Maraykanku uu maanta qaaday tallaabo adag oo uu ku joojinayo dhaq-dhaqaaqa dakhliga ee taliska Iran, taasoo ka dhalatay hab-dhaqanka burburka iyo xasilooni-darrada ah ee uu ka wado Ciraaq, Bariga Dhexe iyo Guud ahaan caalamka.

WALII AL-SAMARA’I:

Hay’adaha maanta la cunaqabateeyey waxaa ka mid ah Shirkado iyo Maraakiib uu Hogaaminayo Ganacsade Walid AL-Samara’i, oo ah Ciraaqi haystana Jinsiyadaha Saint Kitts iyo Nevis, oo lagu eedeeyay inuu Tahriibiyo Shidaalka dalka Iraan isagoo ku gabanaya saliid ey dhoofiso Ciraaq. Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo saddexda waddan ee Yurub (France, Germany, iyo UK) ey dib u bilaabeen hannaanka dib-u-soo-celinta cunaqabataynta Qaramada Midoobe ee Iran, warqad ey u direen todobaadkii hore Golaha Ammaanka. Si kastaba ha ahaatee, waxay isla markaa sharaxday in tillaabadan looga golleeyahay in lagu riixo dhinaca Iran si ey xal u raadiso, dib ugu soo laabato wada xaajoodka Mareykanka, iyo iney si dhow ula shaqeyso Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah. Waxaa xusid mudan in tan iyo markii Mareykanka uu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii xilligii ugu horeysay ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump 2018, cunaqabateyn badan ayaa lagu soo rogay qaybo kala duwan. Maamulka Trump, intii lagu jiray xilligiisii ​​​​labaad, sidoo kale kama uusan labalabeynin inuu cunaqabateyn badan ku soo rogo Iran, oo dhaqaalaheeda wajahaayo caqabada badan.

ISHA-AA.

Previous
Previous

125-KGS OO DAROOGADA KOKAAYIIN AH OO LAGU QABATAY DALKA LUBNAAN.

Next
Next

CAASIMADDA LIIBIYA EE TRIPOLI OO DAGAAL LOOGA CABSI QABO.