LIIBIYA OO HUBKA KA GUREYSA GOOBAHA LA DEGAN YAHAY.

(SAWIRKA)-GOOB HUB YAALLO.

(MISTARATA/LIBYA)-Mas’uuliyiinta dalka Liibiya ayaa bilaabay iney qorsheeyaan iney ka saaraan bakhaarada rasaasta iyo bakhaarada hubka ee xaafadaha la degan yahay ka dib Qaraxii weynaa ee gilgilay magaalada Misrata, kaasoo geystay khasaare nafeed iyo mid maalba. Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo laga jawaabayo dalabaadkii shacabka ee ahaa in hubka laga qaado goobaha ey dadku degan yihiin. Xaaladdan oo kale, Ku-Xigeenka Wasaaradda Difaaca ee Arrimaha Gobolka iyo Milatariga ee Xukuumadda Midnimada Qaranka, Cabdul Salam AL-Zuubi, ayaa soo saaray go'aan maanta oo Isniin ah si loo sameeyo guddi si loo ogaado goobo kale oo lagu kaydiyo hubka iyo rasaasta ka baxsan aagagga la degan yahay.AL-Zuubi ayaa guddiga u xilsaaray iney soo baaraan oo ogaadaan bakhaarrada hadda jira iyo iney dayactiraan ama dhisaan kuwo cusub, iyadoo ey u dheer tahay iney ka guuraan dhammaan goobaha lagu kaydiyo rasaasta ee ku yaalla xaafadaha la degan yahay, xarumaha iyo dhismooyinka aan ciidamada xiriirka la lahayn, iyadoo lagama maarmaan ey tahay iney dib ugu celiyaan hay'adaha ey xiriirka la leeyihiin, hadday tahay mid guud ama mid gaar ah, iyo iney kaydiyaan wixii bakhaar ah ee lagu wareejiyo. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii bakhaar rasaas ah uu ku Qarxay aagga AL-Sukeyraat ee Misrata habeenimadii Axadda, halkaasoo ey ku dhaawacmeen 16 qof ayna burburiyeen dhismayaal dhowr ah iyo guryo dad rayid ah ey degan yihiin. Tallaabadan ayaa jawaab u ah dalabaadkii shacabka, iyadoo dibadbaxayaashu ey ku baaqayeen in la joojiyo hubka lagu keydiyo goobaha rayidka, si looga fogaado dhibaatooyinka soo noqnoqda, loona ilaaliyo nafta iyo hantida shacabka. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, dhowr magaalo oo Liibiyaan ah ayaa lagu arkay Qaraxyo bakhaar rasaas ah oo ey sabab u tahay kaydinta, dabka, ama la'aanta heerarka badbaadada, taasoo keentay khasaare bini'aadan iyo maadi ah.

ISHA-AA.

Previous
Previous

SURIYA IYO LUBNAAN OO MAXAABIIS ISDHAAFSANAAYO.

Next
Next

XUUTIYIINTA OO AAS WADAREED U SAMEEYEY SARAAKIISHII LAGA DILAY.