XUUTIYIINTA OO AAS WADAREED U SAMEEYEY SARAAKIISHII LAGA DILAY.
(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAHA.
(SANA’A/YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in Maanta oo Isniin ah, magaalada caasimadda ah ee Sanca, ey maleeshiyada Xuuthiyiinta ku Aaseen meydadka 11-Sarkaal oo ka tirsan dowladda aan la aqoonsan, oo uu ku jiro Madaxii waxa loogu yeero "Dowladda Isbeddelka iyo Dhismaha," Axmed Qaalib AL-Rahwi. Saraakiishan ayaa lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo Isra’iil ey la beegsatay goob ey shir ku lahaayeen Dowladda Xuutiyiinta Khamiistii la soo dhaafay. Sida ey ku warantay Wakaalada Wararka ee Xuutiyiinta, Marxuumiinta la Aasay ayaa waxaa ka mid ahaa:
(1)-Axmed AL-Rahwi – Raysal Wasaare.
(2)-Mujaahid Cali – Wasiirka Cadaaladda.
(3)-Muceen AL-Maxqari – Wasiirka Dhaqaalaha, Warshadaha iyo Maalgashiga.
(4)-Radwan AL-Rubaaci – Wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
(5)-Jamal Caamir – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta.
(6)-Cali Seef AL-Saamici – Wasiirka Korontada, Tamarta iyo Biyaha.
(7)-Cali Qaasim AL-Yaafici – Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska.
(8)-Samiir Baa-Jicaala – Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Shaqada.
(9)-Haashim Sharaf EL-Din – Wasiirka Warfaafinta.
(10)-Maxamed AL-Mawalad – Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
(11)-Maxammed AL-Kibsi - Agaasimaha Xafiiska Raysal Wasaaraha.
(12)-Zahid Maxammed AL-Camdi - Xoghayaha guud ee Golaha Wasiirada.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee noociisa ah oo lagu bartilmaameedsado Madaxda ugu sareysa kooxda tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay dalka Yemen iyo billowgii duullaanka ey Isra’iil ku heyso degaanadda ey maamulaan Maleeshiyaadka Xuutiyiinta. Waxaa xusid mudan,Madaxa Glaha Siyaasadda ee Kooxda Xuutiyiinta Mahdi Mashaadh iyo Xubno ka tirsan Golaha degaanka sida Maxamed Cali AL-Xuuti ayaa ka maqnaay madasha Aaska Marxuumiinta,in kastoo horay ey uga qeybgaleen aaska hogaamiyeyaal ka darajada yar kuwa maanta la aasay,kuwaaso maamulka dawladda Xuutiyiinta ee magac u yaalka ah ey soo magacawday. Aaska ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xubin ka tirsan Golaha Sare ee Siyaasadda Maxamed AL-Nuceymi iyo Hogaamiye Maxammed Miftaax, oo loo xilsaaray maamulida dowlada kooxda, oo ey wehliyaan Caalimka Dhinaca Diinta ee Xuutiyiinta Shams AL-Din Sharaf AL-Din iyo Madax kale. Intii uu socday aaska, hoggaamiye Miftaax waxa uu ku andacoodey in kooxdu ey ka hortimid "Imbaraadooriyadda sirdoon ee ugu awoodda badan caalamka," isagoo xusay in "dhammaan nidaamka Sahyuuniyadda, laga soo bilaabo maamulka Mareykanka ilaa Sahyuuniyadda Carabta, ey bartilmaansadeen dowladda iyada oo qayb ka ah ololaheeda ey ku beegsaneyso cid kasta oo hor istaagta gumeysiga Sahyuuniyadda ee gobolka." Miftaax waxa uu carabka ku adkeeyay isku dhafka ciidamada dawladda ee maleeshiyada, “iyaga oo u shaqaynaya si wadajir ah, oo ey taageero weyn ka helayaan shacabka iyo rabitaanka Yemen, iyo caqliga hoggaamiyaha weyn”. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in eysan jiri doonin qalqal amni, sahay iyo maamul midna, maadaama xaaladdu ey tahay mid degan oo ah heerkii ugu sareeyay, ugu wanagsan iyo ugu xooggan. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Marka la eego waxyaabaha lagu hadal hayo baraha bulshada iyo kuwa cadawga ku ah amniga, waxaan idiin xaqiijinayaa in Hay’adaha Amnigu ey marayaan heerkii ugu sareeyay, wax walbana waa hagaagsan yihiin, si ka duwan sida buunbuuninta ey muujinayaan qaar ka mid ah dadka arrimahaas ka hadlaya. Wuxuu ku andacoodey in dowladooda ey tahay mid dadka u dhow oo ey dhex joogaan, Raysal Wasaaraha iyo Wasiiraduna ey u baxaan sidii ey u ogaan lahaayeen baahiyaha shacabka, taasoo qeyb ka ah la socodka dhaq-dhaqaaqa maalinlaha ah, dhaq dhaqaaqa iyo dhacdooyinka guud, la socodka xubnaha dowladda uma baahna howlo sirdoon oo adag. Waxa uu yiri, "Hase yeeshee, waxaan idiin xaqiijinayaa in dhacdada iyo burburka hoostiisaba ey ku fashilmeen, tallaabooyinkayaguna aad buu u xoog badan yahay oo aan ka yarayn." Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan galnay dagaal weyn, ma fududa mana fududa, waa dagaal xooggan oo baaxad leh, waxaana isku dhacnay Mareykanka, dagaalkani ma ahayn mid milateri oo keliya, balse wuxuu ahaa dagaal lagu qaaday dhaqaalaha, isgaarsiinta, korontada, saliidda, iyo dhammaan xarumaha dalka. "Cadowgu wuu fashilmayaa, ciidamada qalabka sidana waxay weerar ku yihiin cadowga, oo uu ugu dambeeyay Markabka Saliidda ee Isra’iil saaka," ayuu yiri Miftaax, isagoo raaciyay, "Waxaan si wadajir ah u qiimeynay shaqada dowladda, dib u eegis iyo dib u eegis qorshaha sanadka soo socda, iyo ka fikirida mashaariicda muhiimka ah ee istiraatiijiga ah si ey u degaan Warshadaha muhiimka ah, gaar ahaan kuwa la xiriira alaabta ceeriin ee Yemen ee macdanta iyo arrimo aad u waa-weyn, waxaan diyaarinay qorshooyinka maalinlaha ah." Waxa uu carrabka ku adkeeyay in kuwa dhintay Waxa "Ey si buuxda ugu qanacsan yihiin oo ey ugu han weyn yihiin mawqifkooda, waxa eyna qinaaco dhammaystiran ku qabeen u diyaargaraw geeri."
ISHA-WAKAALADDO.