XUUTIYIINTA OO BERRI U SAMEYNAAYO AAS RAGII ISRA’IIL KA LAAYSAY.
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIRADA XUUTIYINTA EE LA DILAY.
(SANA’A)-Weli waxaa sii socda cawaaqibta ka dhalatay duqeynta Israa’iil ee lala beegsaday goob shir ey lahaayeen Hogaamiyayaasha sare ee dowladda aan la aqoonsan ee Xuutiyiinta ee Koonfurta caasimadda Sanca. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Ali Abdul Karim Ali Shayban, oo kooxda loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka iyo Deegaanka, uu u dhintay dhaawacii soo gaaray ka dib saddex maalmood oo uu ku jiray daryeel deg deg ah, sida laga soo xigtay Difaynas Online. Dhinaca kale, Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa Axadda maanta ah ku dhawaaqay xilliga la aasayo Raysal Wasaarahooda Axmed Qaalib AL-Rahwi iyo tiro Wasiirro ah oo lagu dilay isla weerarkaas. Maleeshiyada ayaa intaa ku dartay in aaska uu ka dhici doono barqanimadii maalinta Isniinta ah fagaaraha AL-Sabeen ee caasimadda Sanca. In kasta oo la qabtay wakhtiga aaska, kooxda ayaa sii wada iney qariyaan magacyada Wasiiradii lagu dilay weerarka, iyagoo bayaankooda ku xusay “AL-Rahwi iyo Wasiiradii la shaqayn jiray”, tallaabadan oo su’aalo badan ka keenaysa inta uu la’eg yahay khasaaraha soo gaaray kooxda Xuutiyiinta. Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xili kooxdan eysan si rasmi ah ugu dhawaaqin baroor diiq ku aadan geeridii ku timid Raysal Wasaarahooda iyo inta badan xubnihii ka tirsanaa Xukuumadda Xuutiyiinta. Tani waxay ka duwan tahay mawqifyadii ey horay kooxda Xuutiyiinta u qaadatay oo ay ka mid yihiin Baroordiiqda iyo Hoos u dhigista Calanka Jamhuuriyada Yemen ka dib dilkii Hogaamiyaha Ururka Xizbullah ee Lubnaan Sheekh Xasan Nasrallah iyo Madaxweynihii Iraan Ibraahim Raysi,kooxda ayaa dhimashada labadaas shaqsi u sameysay Baroordiiq laga sameeyey dhulka ey maamulaan oo dhan, halka maanta aan waxba laga sameyn.
ISHA-Q28.