ISRA’IIL OO BAADI GOOB ADAG UGU JIRTA DILKA CIZADIIN AL-XADDAAD.
(SAWIRKA)-CIZADIIN AL-XADDAAD.
(MARINKA GAZA)-Hal magac oo kaliya ayaa ku haray liiska Hogaamiyayaasha Xamaas ee Isra’iil ka raadineyso Marinka Qaza, ka dib markii lagu dhawaaqay in afhayeenka ciidamada Xamaas Abu Cubeyda lagu bartilmaameedsaday duqayn ey Israa’iil ka geysteen Marinka Qaza. Ninka ugu dambeeya ee la raadinayo waa Cizadiin AL-Xaddad, oo ah Taliyaha Guutada magaalada Gaza, sida laga soo xigtay ilo-wareedka Isra’iil. Wargeyska Cibraaniga ah ee Maariv ayaa sheegay, isagoo soo xiganaya laamaha ammaanka ee Isra’iill, in Xaddaad uu noqday bartilmaameedka ugu weyn ee ka haray liiska dilalka ee ey kormeerayaan Agaasinka Sirdoonka Militariga iyo Adeegga Amniga Guud (Shin Bet). Marka laga soo tago isaga, waxaa jira Madax kale oo Xamaas ah oo dibadda ah, waxaana ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ey xaqiijinayaan in kormeerkooda uu yahay mid ey gacanta ku hayso Mossad oo salka ku haysa go’aan Siyaasadeed oo ka soo baxay Madaxda sare. Abuu Cubeyda waxaa loo tixgeliyey inuu ahaa weji warbaahineed oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa iyo cudud dacaayad oo xooggan. Magaciisa waxa lala xiriirin jiray hadallo ciidan muddo sanado ah, waxa uu sidoo kale door muhiim ah ka qaatay Ololihii Siyaasadda iyo Warbaahinta ee dhaqdhaqaaqa. Dilkiisa, marka loo eego qiyaasta Isra’iil, waxay dhabarjab ku tahay "ka warqabka dadweynaha" gudaha iyo dibadda MarinkaGaza. Ka dib markii Xamaas ey xaqiijisay dhimashada Muxamed Sinwar, taliyihii ugu caansanaa Guutada Qasaam, garabka hubaysan ee dhaqdhaqaaqa,ma jiro qof ey yaqaaniin Brigades, ama ka qaybqaatay qorsheynta iyo fulinta weerarkii Oktoobar 7, 2023, ayaa weli ah marka laga reebo taliyaha guutada magaalada Gaza, Cizadiin AL-Xaddad, oo ey sidoo kale Israa'iil baacsato. Intii uu socday dagaalka Gaza, Israa’iil waxay dishay taliyihii guutada Qasaam Maxammed Deyf, taliyaha qaybta guutada Maxammed Sinwar, iyo ku xigeenkii Deif, Marwan Ciisa. Heerka taliyayaasha mudnaanta leh, Israa'iil waxay sidoo kale dishay Axmed AL-Ganduur, taliyihii Guutada Woqooyi, Ayman Nofal, taliyaha Guutada dhexe, Rafic Salama, taliyaha Guutada Khaan Yoonis iyo Maxammed Shabaana, taliyaha Guutada Rafax. Saddexduba waxay ka koobnaayeen Golaha Milateriga ee Guutada Qasaam Brigades, iyo AL-Xaddad. Haddaba, waxa la odhan karaa AL-Xaddaad waa calaamadii ugu dambaysay ee ka hartay dhaqdhaqaaqii Oktoobar 7-2023-kii. Avi Ashkenazi, oo ka faallooda Arrimaha Amniga ee Wargeyska Maariv, ayaa qoray in magaca Haddad uu ka muuqdo meesha ugu sareysa "Liiska Aargoosiga ee 7-da Oktoobar." Waxa uu intaaS ku daray, "Hadda waxaa jira hal magac oo ku haray liiska Madaxda Sare ee Xamaas ee Gaza oo Hogaaminayey oo maamulay hawlgalkii Oktoobar 7, Cizadiin AL-Xaddad, taliyaha Guutada magaalada Gaza." Marka laga soo tago AL-Xaddad, waxaa jira kuwa kale, laakiin dhammaantood waxay hadda degan yihiin meel ka baxsan Gaza.
WAA KUMA CIZDIIN AL-XADDAAD?
Xog yar ayaa laga helayaa AL-Xaddad iyo korintiisa, balse warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay inuu madax xanuun u geystay ciidamada Israa’iil ka dib markii Ey ku guul-darreysteen iney dilaan dhowr jeer oo uu ugu horeeyay dagaalkii 2008-dii. Wararku waxay sheegayaan in millatariga Israa’iil ay saddex jeer duqeeyeen gurigiisa, sannadihii 2008, 2012, iyo 2021, waxayna sidoo kale weerareen intii uu socday dagaalka, iyagoo helay sawirro isaga oo ay la socdaan hoggaamiyeyaasha caanka ah ee Xamaas iyo garabkeeda milateri.
Warbaahinta Falastiin ayaa xaqiijisay in AL-Xaddad uu Hogaaminayay dagaalyahanada qeybta bari ee magaalada Gaza intii uu socday dagaalkii 2008-dii, ka hor inta uusan la wareegin taliyaha guutada Qasaam ee Koonfurta Gaza intii uu socday dagaalkii 2012-kii. Waxa uu sii waday inuu qabto jagadan intii lagu jiray 2021 "Dagaalka Seefta Qudus," oo ey weheliso amarka taageerada dagaalka ee Marinka Gaza oo dhan. Warar kale ayaa tilmaamaya in Cizadiin AL-Xaddad uu door muuqda ku lahaa ururka "Majd" ee ka tirsan guutooyinka Qasaam, kuwasoo mas'uul ka ah baacsiga wakiilada iyo basaasiinta la shaqeeya Isra’iil.AL-Xaddad, oo loo yaqaan naaneyska "Abu Suhayb," wuxuu ku dhashay Gaza sannadkii 1970-kii. Waxa uu ku biiray Xamaas markii la aasaasay sannadkii 1987-kii, waxaanu isla markiiba ku biiray guutada Qasaam, isagoo ka soo kicitimay dagaalyahannadii caadiga ahaa, waxaanu noqday taliye kooxeed ka tirsan guutada Gaza, ka dibna taliye guuto, ugu dambayntii 2021, ka dib markii la dilay taliyihii hore ee guutada Gaza, Baseem Ciise, waxa uu noqday taliyaha hadda ee guutada Qasaam. Intii uu xilka hayay, Xaddad waxa uu xubin ka ahaa Hay’adda Amniga Gudaha ee Xamaas, oo u xilsaaran dabagalka kuwa wada-shaqeynta la leh Israa’iil. Ninkan ayaa lagu naaneeso "JINIGII QASAAM" oo ah naanays ey warbaahinta Israa'iil ku sheegtay inuu awood u lahaa inuu ka baxsado oo uu ka badbaado dhowr isku day dil. Israa'iil waxay isku dayday iney disho wax ka badan hal jeer ka hor iyo intii lagu jiray dagaalka hadda, waxay ku garaacday gurigiisa inta badan dagaalladii hore, bishii November 2023 waxay abaal-marin lacageed oo dhan $750,000 ku yaboohday xog kasta oo horseedda in la qabto. Isagoo isku dayaya inuu soo qabto, Israa'iil waxay dishay wiilkiisa ugu weynaa, Suhayb, horaantii sanadkan, weerar cirka ah oo ka dhacay magaalada Gaza. Sidoo kale waxay dishay wiil kale, kaasoo aan lagu arag aaskooda. Waxa uu la xiriiray hoggaanka Guutada Qasaam, waxana la ogaa in uu si toos ah u agaasimay, isaga iyo dhawr hoggaamiye oo kale oo Qasaam ah, weerarkii 7-dii Oktoobar. Intaa ka hor, waxa uu kormeeray wax-soo-saarka gantaallada “Yaasiin 105” oo uu amray in la kordhiyo wax-soo-saarkooda. Waxa uu ka soo muuqday cajalado intii lagu jiray xabbad joojintii dhawaan ka dhacday Marinka Gaza, isaga oo caddaynaya lama huraanka guusha iska caabinta. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu mar kale la waayay markii uu dib u bilowday dagaalka, ka hor inta aysan ciidamada Isra’iil soo saarin sawiro cusub bishii July ee la soo dhaafay, oo ey ku andacoonayaan iney muujinayaan isaga oo is qarinaya.
DAWACADII HOGAANKA:
Taageerayaasha Xamaas iyo xubnaha Guutada Qasaam waxay door bidaan iney ku tilmaamaan "Dawacada Guutooyinka." Waxa kale oo loo yaqaan, sida laga soo xigtay warbixinnada lagu daabacay Wall Street Journal iyo mareegaha Israa'iil, xirfaddiisa qarinta iyo dhuumashada, iyo inuu si faseexa ugu hadlo Cibraaniga. Warbaahinta Cibraaniga ayaa soo xigatay warbixinno sirdoon oo sheegaya in saacado ka hor weerarkii lama filaanka ahaa ee Oktoobar 7, 2023, ee loo yaqaan “Hawlgalkii Nuux”, Xaddad uu u yeeray taliyayaashiisa oo uu u dhiibay warqad ey ku daabacan tahay astaanta Guutada Qasaam. Waxay u qornayd sidan: "Iyadoo la aaminsan yahay in guul la taaban karo ey gaareen, hoggaanka guutooyinku waxay isku raaceen in la bilaabo hawlgalka weyn ee militariga (Howlgalka Nuux). Maxbuus Israa’iili ah oo la sii daayey oo aan magaciisa la shaacin ayaa warbaahinta Cibraaniga u sheegay in uu AL-Xaddaad kula kulmay Gaza shan jeer, xitaa waxa uu ku hoyday isla gurigii uu ku sugnaa, AL-Xaddad waxa uu u sheegay maxbuuska iyo intii la socotay in uu mas’uul ka yahay dhammaan maxaabiista. Sida laga soo xigtay maxbuuskii hore, AL-Xaddad "wuxuu xiisaynayay sida Ey maxaabiistu u sifayn lahaayeen sida loola dhaqmayo, markii maxbuusku u sheegay in qaar ka mid ah ilaaladooda ey ka wanaagsan yihiin kuwa kale," AL-Xaddad wuxuu ku jawaabay "Taasi waa nolosha, waxaa jira dad wanaagsan, waxaana jira dad xun." Ka dib markii milatarigu uu xaqiijiyay dhimashada Maxammed Sinwar dabayaaqadii May, Wasiirka Difaaca Isra’iil Yisrael Katz ayaa uga digay hogaamiyayaasha Xamas ee ku haray Gaza iyo dibadda: "Cizadiin AL-Xaddad oo ku sugan Gaza, Khalil AL-Xaya oo dibadda ah, iyo dhammaan gacan-siiyeyaashooda dambiyada - adinkaa ku xiga," ayuu yiri Katz. Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan militariga Isra’iil iyo Waaxda Amniga Guud (Shin Bet), ICizadiin AL-Xaddad ayaa durba ku jira liiska bartilmaameedka Isra’iil, ka dib dilkii Abu Cubayda. Israa'iil ayaa sidoo kale qorsheynaysa iney disho dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan Xamaas oo dibadda ah.
QOFKA KOOWAAD:
Qoraal hore oo uu soo dhigay masraxa X, af hayeenka milatariga Israa’iil Afikhaay Adraci ayaa Xaddad ku daray ninka lambarka koowaad ee la raadinayo. Adraci waxa uu qoray wakhtigaas in ciidamada Israa’iil ey sii wadaan burburinta guutada Gaza ee Xamaas. Boos ka mid ah guutada todobada taliye ee sar-sare, afar ka mid ah ayaa la baabi’iyay ilaa hadda, waxana ku haray saddex taliye oo sar-sare oo ka tirsan silsiladda taliska”,waxaane ugu sareeyo Cizadiin AL-Xaddaad. Ciidamada Isra’iil ayaa intii uu socday dagaalka Gaza qaybiyay waraaqo ey ku bixinayaan abaal marin dhan 750,000 oo dollar cidii keenta xog ku saabsan AL-Xadaad iyo Hogaamiyeyaasha kaleee Ururka Xamaas.
ISHA-AA.