DAROOGO LAGU QABTAY MAGAALADDA DUBAI EE IMAARAATKA.
(SAWIRKA)-RAGA LA QABTAY.
(DUBAI)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa dabagal ku sameysay dhaq-dhaqaaqyada shabakadaha ka Ganacsata Daroogada waxa ey keentay in xogta ey siiso Hay’adda dhiggeeda ah ee Imaaraadka. Natiijo ahaan, maamulka Imaaraadku wuxuu fashiliyay isku day lagu doonayey in lagu tahriibiyo (89,760) Kaniiniyada Amphetamine, oo lagu soo qariyay shixnadaha dharka lagu xiro. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Sareeye Guuto Dhalal AL-Shalhuub, ayaa sheegay in Boqortooyadu ey sii wadeyso dabagalka, la dagaallanka, iyo ka hortagga falalka dambiyada ah ee lagu bar-tilmaameedsanayo ammaanka Boqortooyada, Dhallinyarada, iyo kuwa dalalka walaalaha iyo saaxiibada ah ee ka Ganacsiga Daroogada. Haddaba, iyadoo xogtan laga duulayo, waxay Booliska Dubai qabteen koox burcad ah oo ka kooban Saddex qof oo labo ka mid ah ey yihiin Carab iyo mid Aasiyaan ah, kuwaasi oo isku dayey iney tahriibiyaan 89,760 Kaniiniga Captagon ah oo lagu soo qariyey badhamada dharka guri dabaq ah oo ku yaalla Dubai iyo Imaaraada kale. Qiimaha alaabta la qabtay ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad AED 4,488,000, ka hor inta aan dalka laga dhoofin, iyadoo la kaashanaysa Waaxda Guud ee Xakamaynta Maandooriyaha ee Sucuudiga. Booliska Dubai ayaa sheegay in Hawlgalka Badhamada Sunta ey qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee Taliska Guud ee Booliska Dubai uu kula dagaallamayo laguna fashilinayo qorshayaasha Ganacsatada, kuwa wax tahriibiya iyo kuwa wax tahriibiya ee doonaya iney suntooda ku dhex faafiyaan dhalinyarada. Marka la eego tafaasiisha hawlgalka “Badhamada Sunta” ee Booliska Dubai, waxa uu ku macneeyey inuu bilaabmay ka dib markii ey heleen xogo lagu kalsoon yahay oo tilmaamaya iney dalka gudihiisa ku sugan yihiin koox burcad ah oo ka kooban saddex qof oo laba ka mid ah ey u dhasheen dalalka Carabta iyo Asiyaan kale, kuwaasoo qorshaynayey iney qaataan tiro Maandooriye ah iyo walxo caqliga wax u dhima, ka dibna u tahriibiya dal jaar ah. Kooxdan burcadda ah ayaa waxaa hagayey hogaamiyihii Ururkaas oo fadhigiisu ahaa dalkiisa. Intaasi ka dib, Booliska Dubai ayaa qabtay “eber saac” si ey u soo qabtaan tuhmanayaasha, una soo burburiyaan, una soo bandhigaan Kaniiniyada Maandooriyaha ah, oo si taxadar leh loogu dhex qariyay badhanka dharka. Booliisku waxay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la Xoojiyo Iskaashiga Caalamiga ah si loo abuuro Bulsho ka caagan Daroogada.
ISHA-AA.