ISRA’IIL OO SHEEGTAY INEY DISHAY AFHAYEENKII GARABKA MILETERI EE XAMAAS.

(SAWIRKA)-ABU CUBEYDA.

(GAZA)-Ilo Falastiini ah ayaa u sheegay Tv-ga AL-Carabiya subaxnimadii Axada maanta ah in la dilay afhayeenkii Guutada Qasaam, garabka Garabka Milatari ee Xamaas, oo loo yaqaan “Abu Cubeyda,”. Ilaha Falastiiniyiinta ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ey beegsatay guri uu ku sugnaa afhayeenka Qasaam, waxaana duqeynta Israa’iil ey sababtay dhimashada qof kasta oo ku sugnaa gurigaas. Ilahan ayaa u sheegay Tv-ga AL-Carabiya in xubno ka tirsan Qoyska Abu Cubeyda iyo Madaxda Guutada Qasaam ey xaqiijiyeen dhimashadiisa ka dib markii ey baareen meydadka.

CODKII CAANKA AHAA EE “AL-QASAAM”:

In ka badan 20 sano, ninka dahsoon ee wejiga soo duubtay ee loo yaqaan "Abu Cubeyda" wuxuu ahaa mid ka mid ah codadka ugu caansan dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin iyo garabkeeda militariga, guutooyinka Qasaam. In kasta oo magaciisa dhabta ah iyo muuqaalkiisa dhabta ah aanay cidina ka warhayn marka laga reebo meelaha uu ku sugan yahay, haddana waxa uu caan ku noqday hadalladiisa, dharka ciidanka, iyo Koofiyad cas oo astaamihiisa qarinaya. Magaca “Abu Cubeyda” waxa uu si weyn u soo shaac baxay dagaalkii 55-ta maalmood socday ee Israa’iil ey ku qaaday Marinka Gaza sanadkii 2014. Intii uu socday dagaalkan, ninka wejiga soo duubtay waxa uu u adeegay isku xirka dagaalyahannada ku sugan tunnel-ka iyo goobaha dagaalka ee kala duwan iyo dadka Gaza, iyo sidoo kale inta u dhaxaysa Gaza iyo adduunka. Abuu Cubeyda waligiis ma soo muuqan isagoo wejigiisa qaawan furan yahay, Ka dib markii uu markii hore xirtay maaskaro madow, wuxuu bilaabay inuu xirto Koofiyad Cas oo xijaab ah oo daboolay inta badan wejigiisa marka laga reebo indhaha. Tani waxay ku kasbatay naanays caan ah "midka daboolan." Waxa uu tusaale u soo qaatay Taliyihii hore ee Guutada Qasaam Imad Caqli oo ey Israa’iil dishay 1993-kii, waxa uuna fuliyay dhammaan howlgalladiisa isaga oo wajigiisa ku qariyay Koofiyad Cas. Ka dib ka bixitaankii Israa’iil ee Qaza 2005, Abu Cubeyda waxa si rasmi ah loogu magacaabay afhayeenka guutada Qasaam. Ninkan indho-shareerka ah ayaa caan ka helay Falastiin iyo wadamo kala duwan oo Carabta ah, taasoo ey ugu wacan tahay kalsoonida lagu qabo, buunbuunin la'aantiisa marka uu tilmaamo hawlgallada ciidan, iyo aftahannimada iyo awoodda uu u leeyahay luqadda Carabiga.

MACLUUMAAD KU SAABSAN NINKA WIJIYADDA QARSOON EE “ABU CUBEYDA”:

*Ila wareedyo aan rasmi ahayn ayaa ku waramaya in uu ka soo jeedo magaalada laga barakiciyay ee Nacliya, uuna hadda degan yahay xerada Jabaliya ee Waqooyiga Marinka Gaza.

* Gurigiisa ayaa la duqeeyay in ka badan hal jeer (2008, 2012, 2014, iyo 2023), taasoo soo keeneysa inuu ka mid yahay tirooyinka ku taxan liiska bartilmaameedka Isra’iil.

*Waxa uu markii u horaysay ka soo muuqday intii u dhaxaysay 2002 ilaa 2003 isaga oo ka mid ahaa saraakiishii guutada Qasaam.

*Wuxuu Shirkiisii ​​Jaraa’id ee ugu horeeyay ku qabtay 2-dii Oktoobar 2004, Masjidka AL-Nuur ee Waqooyiga Marinka Gaza, halkaasoo uu kaga dhawaaqay dhowr hawlgal oo millatari oo ey guutooyinka AL-Qasaam ku qaadeen ciidammada Israa’iil iyo dabaabadaha dagaalka, taasoo qayb ka ah hawlgallada loogu magac daray “Maalmaha Carada”, taasoo jawaab u ahayd hawlgalkii Israa’iil ee Marinka Gaza ee loogu magac daray “Maalmaha Qoomamada”.

*June 2006, Abu Cubeyda ayaa soo muuqday markii ugu horeysay, isagoo ku dhawaaqay in Xamaas ey ka fulisay Bariga Rafah, taasoo keentay in la dilo labo askari oo Isra’iil ah, laguna soo qabto askari Gilad Shalit.

* Wuxuu khudbadiisa ku daabacay Telegram.

*Waxay soo shaacbaxday ka dib weerarkii 7-dii Oktoobar oo ey qaadeen Xamaas.

* Israa’iil waxa ey bartilmaameedsatay 4 jeer sannadihii 2008, 2012 iyo 2014, taasoo u dambaysay dhimashadiisa.

MA XUDEYFAH AL-KAHLUUD BAA?:

Warbaahinta Israa’iil oo soo xiganaysa ilo-wareedyo milateri iyo kuwa ammaanka ayaa waxa ey daabacday sawirka afhayeenka ciidamada Cizz-adiin AL-Qasaam Brigades oo ah Garabka milateri ee Xamaas oo loo yaqaan “Abu Cubeyda” oo aan lahayn wajigiisii ​​caanka ahaa, taas oo muujinaysa aqoonsigiisa dhabta ah ka dib dhimashadiisa. Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in afhayeenka Xamaas Abu Cubeyda uu yahay Hudayfah Samiir Cabdullah AL-Kaxluut, sida ey muujinayaan sawirro ey sii daayeen Ciidamada Difaaca Israa'iil bishii Oktoobar 2023, kuwaas oo hadda la faafiyey ka dib markii la helay warka ku saabsan dhimashadiisa. Wasiirka Difaaca Israa’iil Yisrael Katz ayaa Axadda maanta ah ku dhawaaqay dilka Abu Cubeyda, afhayeenkii garabka militariga Xamaas ee Gaza. Channel 14 ayaa sheegay in laamaha amaanka Isra’iil ey heleen xaqiijinta ugu dambeysa ee dhimashada Abu Cubeyda, afhayeenkii Mileteriga Xamaas.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

DAROOGO LAGU QABTAY MAGAALADDA DUBAI EE IMAARAATKA.

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMEN IYO ISRA’IIL OO HANJABAAD HAWADA ISU MARIYEY.