XUUTIYIINTA YEMEN IYO ISRA’IIL OO HANJABAAD HAWADA ISU MARIYEY.

(SAWIRKA)-SANCA/YEMEN.

(ISRAEL)-Milatariga Israa’iil ayaa sheegay iney xaqiijinayaan joogitaanka Hogaamiyayaasha sare ee militariga ee ku sugan kulanka la bartilmaameedsaday ee Hogaamiyayaasha Xuutiyiinta Yemen. Afhayeenka ciidanka Isra’iil ayaa sheegay in howlgalka uu yimid saacado un ka dib markii ey heleen xog ku saabsan kulanka, isagoo xusay in howlgalka uu ahaa mid si sax ah loo fuliyay, ujeedkuna uu ahaa in lagu bartilmaameedsado Madaxda caanka ah. Waxa uu intaasi ku daray iney weli socdaan baaritaano lagu ogaanayo Madaxdii goobta ku sugnaa. Dhanka kale, weriyaha Tv-ga AL-Carabiya ee ku suga Yeman ayaa soo sheegay in Hogaamiyayaasha Xuutiyiinta ey u carareen Gobolada Sacda iyo Camraan ee Waqooyiga Caasimadda Sanca ka dib duulaanka Isra’iil.

“BILAAW UUN AH”:

Mar sii horeysay, Wasiirka Difaaca Israa’iil Yisrael Katz ayaa ku hanjabay in waxa Israa’iil ey ku samaysay kooxda Xuutiyiinta ey tahay bilow, isaga oo ula jeeday dilka Raysal Wasaare, Ahmed Qaalib AL-Rahwi, oo ey weheliyaan tiro Wasiirro ah duqeyn cirka ah oo ka dhacday Sanca Khamiistii hore. Waxa uu intaa ku daray in Israa’iil ey ku faantay iney jab iyo dharbaaxo aan hore loo arag u gaysatay Hoggaamiyeyaasha sare ee Xuutiyiinta. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Tel Aviv ey tahay tan go’aamisa xilliga uu dhamaanayo dagaalka Xuutiyiinta. Arrintan ayaa timid ka dib markii kooxda Xuutiyiinta Yemen ey Sabtida maanta ah ku dhawaaqeen iney jawaab ka bixin doonaan dilka Raysal wasaaraha iyo tiro kale oo Wasiirro ah.

XUUTIYIINTA AYAA KU HANJABAY:

Mahdi AL-Mashaadh oo ah Madaxa waxa loogu yeero Golaha Sare ee Siyaasada ayaa wacad ku maray inuu u aargudi doono falkii ey Israa’iil ku dishay Raysal Wasaaraha iyo dhowr Wasiir. Arrintan ayaa timid ka dib markii ey kooxdu bayaan ey soo saartay ku sheegtay in Israa’iil “ey bartilmaameedsatay Raysal Wasaaraha iyo tiro Wasiirro ah intii lagu jiray Aqoon-is-weydaarsi caadi ah oo ey dowladdu qabatay oo lagu qiimeynayey waxqabadkeeda iyo waxqabadkeedii sannadkii hore” oo ka dhacay caasimadda Sanca. Waxa ey intaa ku dartay in “tiro Wasiiro ah ey soo gaareen dhaawacyo fudud iyo kuwo halis ah oo ey ku jiraan daryeel caafimaad,” iyadoo aan la sheegin tiradooda saxda ah. Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay xaqiijiyeen in "Ganacsiga sidii caadiga ahayd" ka dhex jiray hay'adaha uu sii socon doono, iyadoo Maxammed Axmed Miftaax loo magacaabay Ku-simaha Raysal Wasaaraha. Waxay ku nuuxnuuxsadeen in kooxdu ey sii wadi doonto iska horimaadka ey kula jirto Israa'iil, "si ey u taageeraan dadka Falastiiniyiinta ee Gaza," waa sida ey hadalka u dhigeen.Dhinaca kale, ilo-wareedyo ka tirsan Tv-ga AL-Carabiya ayaa sheegay iney geeriyoodeen Wasiirkii Warfaafinta Xuutiyiinta Hashem Axmed Sharaf-AL-Diin, Wasiirkii Waxbarashada Xasan Abdullah Yaxya AL-Sacadi, iyo Wasiirkii Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Samir Baajacaala. Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya dhimashada Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Xuutiyiinta, Wasiirkii Cadaaladda, Wasiirkii dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirkii Korontada iyo tamarta, Wasiir Ku Xigeenkii Arrimaha Gudaha, iyo Agaasimihii Xafiiska Raysal Wasaaraha, Maxammed AL-Kabsi.

WEERAR NUUCAAN AH WAA KII UGU HREEYEY:

Waxaa xusid mudan in duqeymahan ey ka dhigan yihiin kuwii ugu horeeyay ee noocooda ah oo ey Israa’iil isku daydo iney ku disho hoggaamiyeyaasha iyo Mas’uuliyiinta Xuutiyiinta, taasoo ah xaalad ey dad badan oo indha-indheeya la barbar dhigeen wixii ka dhacay Lubnaan xagaagii hore. Tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday Marinka Gaza 7-dii Oktoobar, 2023, Xuutiyiintu waxay si joogto ah u bilaabeen gantaalada ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ku wajahan Israa'iil, kuwaasoo intooda badan la qabtay. Waxay qaadeen daraasiin weeraro ah maraakiibta ganacsiga, iyagoo ku andacoonaya iney xiriir la leeyihiin Isra’iil, waxayna wacad ku mareen iney wax badan ka qaban doonaan si "ey u taageeraan dadka Falastiiniyiinta ee Gaza." Iyadoo Maraykanka iyo Israa’iil ey qaadeen daraasiin weerar iyo duqaymo ah oo ey ku qaadeen fariisimaha Xuutiyiinta ee Yemen ka hor inta eysan Washington ku dhawaaqin Xabbad-joojin bilo ka hor, Israa’iil ayaa xaqiijisay iney sii wadi doonto duqeymaha ey ku hayso kooxda ey Iran taageerto.

XIGASHO-ALCARABIYA.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO SHEEGTAY INEY DISHAY AFHAYEENKII GARABKA MILETERI EE XAMAAS.

Next
Next

KOOXDA XUUTIYIINTA YEMEN OO QIRTAY IN ISRA’IIL DISHAY REYSAL WASAARE AL-RAHWI.