WADA HADALADII DOOXA OO AAN WELI DHAMMAAN.
(SAWIRKA)-XAAFADAHA MARINKA GAZA.
(DOHA/QATAR)-Shabakadda wararka ee dalka Maraykanka ee Axios ayaa Axadda maanta ah sheegtay in dhexdhexaadiyayaasha Dooxa ay weli sugayaan jawaabta Xamaas ee ku aaddan soo jeedintii ugu dambeysay ee Xabbad Joojinta Marinka Gaza. Shabakadda ayaa sheegtay in Mas’uuliyiinta Xamaas ee ku sugan Doxa "ay u janjeeraan inay taageeraan soo jeedinta," isagoo intaas ku daray "Garabka milateriga Xamaas ma aysan soo dirin jawaab cad oo la xiriirta soo jeedintan." Wada-xaajoodyo aan toos ahayn oo ka socda magaalada Dooxa, Israa’iil iyo Xamaas waxay isku dayayeen muddo bilo ah sidii loo gaari lahaa xal u oggolaanaya xabbad-joojin 60- maalmood ah iyo sii deynta Maxaabiista. Diblomaasiyiin ka kala socda Qadar, Masar iyo Mareykanka ayaa dhexdhexaadin wada, waxaana warbaahinta Israa’iil ay dhawaan sheegtay in horumar laga gaaray, balse ma muuqato guul dhab ah. Dhinaca kale, madaxa shaqaalaha Israa’iil Eyal Zamir ayaa muujiyay sida uu u aaminsan yahay in suurtagalnimada xabbad joojin laga gaaro dagaalka Gaza iyo heshiiska lagu sii daayo Maxaabiista Xamaas ay sii kordheyso. Intii lagu guda jiray booqasho uu ku tagay ciidamada Isra’iil ee ku sugan Marinka Gaza Axada, Zamir wuxuu carabka ku adkeeyay in taliska ciidanku uu u diyaarsan yahay dhammaan xaaladaha. Waxa uu yiri, isaga oo aan tafaasiil ka bixin doorashooyinkan, “Waxa aanu qaadan doonaa habab cusub oo hawl-gal oo kor u qaadi doona awoodeena, yaraynaysana daciifnimadayada, oo sii qoto dheerayn doonta guulahayaga dhulka”. Madaxa shaqaalaha Israa’iil ayaa intaa ku daray in xaaladahan loo soo bandhigi doono Hogaanka Siyaasadda si ey talaabadda ugu haboon uga qaadaan.
ISHA-AA.
XUKUMADA SURIYA OO CIIDAN DHEERAAD AH IYO AGAB CAAFIMAAD U DIRTAY…
(SAWIRKA)-CIIDAMADA AMAANKA SURIYA.
(SYRIA)-Hoggaanka ruuxiga ah ee bulshada Druze ayaa Axada maanta ah ku baaqay in dhammaan ciidamada dowladda laga saaro Sweyda, isla markaana si deg deg ah loo joojiyo dhammaan weerarada militari ee magaalada. Bulshada Druze ee Suuriya ayaa ku boorisay in dib loo bilaabo xiriirkii ay la lahaayeen dowladda Suuriya, taasoo dhabaha u xaareysa in si deg deg ah loo sii daayo maxaabiista. Horaantii Axadda, diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay inay Israa’iil leedahay ayaa dul heehaabayay magaalada Sweyda ee dalka Suuriya, iyadoo ciidamada ammaanka Suuriyana ay jid gooyo dhigeen waddooyinka laga soo galo magaaladaas. Degenaansho ayaa ka jirta magaalada Sweyda subaxnimadii Axadda, saacado ka dib markii dowladda Suuriya ay ku dhawaaqday xabbad-joojin, sida ay sheegeen laba wariye oo ka tirsan Wakaaladda Wararka ee France-Presse iyo goob-joogayaal. Kooxaha Druze-ga ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalada, waxaana ciidamada dowladda Suuriya ay dib u daabuleen aaggaas ka dib toddobaad rabshado diimeed oo ay ku dhinteen ku dhawaad 1,000 qof. Labo wariye oo ka tirsan Wakaalada France Press oo ku sugan duleedka Sweyda ayaa kormeeray kolonyada gargaarka bini’aadantinimo ee isku diyaarinayay inay gudaha u galaan magaalada, waxayna xaqiijiyeen in aan la maqlayn dhawaqa rasaasta iyo iska horimaadka, waxaana wadada isku xirta Dimishiq iyo Darca ay ka fog tahay dagaalyahanada qabaa’ilka. Waxa ay sidoo kale indha indheeyeen ciidamada amaanka guud ee xiriirka la leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la geeyey tuulooyin ka tirsan baadiyaha Sweyda, balse wali ma aysan galin magaalada. Horaantii maanta, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya, Nuuradiin AL-Baba ayaa ku shaaciyay Telegram in "dhammaan dagaalyahannada qabaa'ilka laga saaray magaalada Sweyda, waxaana joogsaday isku dhacyadii xaafadaha magaalada."
GARGAARKA BINI'ADANIMO:
Dowladda Suuriya ayaa kolonyo gargaar bini'aadannimo u dirtay magaalada Sweyda subaxnimadii Axadda, ka dib markii ay joogsadeen iska horimaadyada halkaas ka dhacay, waxaana la furay waddooyin nabdoon oo magaalada laga soo galo. Wariyeyaasha ka tirsan Tv-ga Al-Carabiya ayaa soo sheegay in dowladda Suuriya ay u dirtay in ka badan 40 baabuur oo sida sahay gargaar magaalada Basra AL-Sham ee ku taal baadiyaha bari ee Darca, si ay ugu diyaar garoobaan gelitaanka Sweyda. Dowladda Suuriya ayaa Axadda maanta ah xaqiijisay xabbad joojin ka dhacday magaalada Sweyda, ka dib markii kooxaha Druze ay dib ula wareegeen gacan ku haynta koonfurta magaalada, ciidamada dowladda Suuriyana ay dib u daabuleen aaggaas, oo ay ka dhaceen rabshado diimeed oo ay ku dhinteen ku dhawaad 1,000 qof toddobaad gudihiis. Wasaaradda caafimaadka ayaa ku dhawaaqday diyaarinta kolonyo gargaar caafimaad oo deg deg ah oo loo dirayo Sweyda si ay wax uga qabato xaaladda bini'aadantinimo iyo tan caafimaad ee ka jirta gobolka. War saxaafadeed ay Wasaaraddu soo saartay ayaa lagu yiri: "Iyadoo la eegayo horumarka deg dega ah ee dhinaca amniga ee Sweyda, iyo isuduwidda tooska ah ee guddoomiyaha, Wasaaradda Caafimaadka waxay ku dhawaaqday tallaabo deg deg ah oo lagu dirayo kolonyo caafimaad oo ka kooban 20 baabuur oo ambalaas ah, oo ay wataan kooxo caafimaad oo gaar ah oo si heer sare ah loo diyaariyey, iyo daawooyin tiro badan iyo agabka gargaarka deg degga ah." Wasaaraddu waxay tilmaantay in kolonyadan "ay ka jawaabeyso furitaanka waddooyin nabdoon oo ay bixi doonaan saacadaha soo socda, iyadoo ka soo baxaysa waajibaadkeeda qaran iyo midda xirfadeed ee lagu “hubinaayo sii wadida adeegyadda caafimaadka ee dhammaan Suuriyiinta”.
ISHA-AA.
RW-AL-SUDAANI OO LA HADLAY CUQAASHA IYO HOGAANKA DHAQANKA CIRAAQ.
(SAWIRKA)-RW-SUDAANI.
(IRAQ)-Raysal Wasaaraha Ciraaq, Maxamed Shiyaac AL-Sudaani ayaa Sabtida maanta ah sheegay in Argagixisadu aysan hadda awood u lahayn inay wax khatar ah ku keento Ciraaq, isla markaana ay ciidamada ammaanku maamulaan dhammaan degaanadaas.
"WEJIGA DHISMAHA"
"Xasiloonida waa in la ilaaliyaa si horumarka iyo dib u dhisku u sii socdo, waxaana ku bixinay qiimo aad u culus si aan u gaarno yoolkan," ayuu AL-Sudaani ku yiri shir uu magaalada Baqdaad kula yeeshay shuyuukhda iyo cuqaal, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Ciraaq. Waxa uu intaasi ku daray “Ciraaq waxa ay ka mid tahay gobol ay colaado ka jiraan, dawladda dambiilayaashana waxa ay ku adkaysatay gardarada iyo duullaanka ay ku hayso dalalka gobolka, iyada oo aanay jirin cid la socota ama la xisaabtanta. Wuxuu kaloo yiri “Waa inaan ilaalinaa mawqifkayaga mabda’a ah ee ku aaddan waxa dhacaya, oo aan u dhaqanno si xikmad iyo xilkasnimo ku jirto si aan uga fogaanno inaan ku dhex milmin dagaal iyo colaad. Raysal Wasaaraha Ciraaq ayaa yiri "Waxaan ku jirnaa marxalad dhismo, anagoo xoojineyno awoodeena horumarineed, dhaqaale, iyo adeeg si aan u noqono dowlad awood leh oo awood u leh inay wajahdo dhibaatooyinka. Hay'adaha amniga waxay ku raaxaystaan taageerada bulshada si ay uga hortagaan dhammaan caqabadaha, laga bilaabo khatarta daroogada ilaa ilaalinta guulaha gobolka."
IN MAXKAMAD LA SOO TAAGO CIDDII WAX U DHIMEYSA AMNIGA IYO AWOODA DALKA:
Waxaa xusid mudan in taliska guud ee howlgallada wadajirka ah ee Ciraaq uu Jimcihii xaqiijiyey in ciidamada ammaanku ay baacsanayaan cid kasta oo wax u dhimaysa amniga, awoodda iyo danaha ugu sarreeya ee dalka. Taliska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamada ammaanka ay bilaabeen howlgallo ballaaran oo baaritaanno ah, kuwaasi oo laga sameeyay goobo badan. Howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayo laguna raadinayo xogta muhiimka ah ee la xiriirta fashilinta qorsheyaasha iyo isku dayga lagu bartilmaameedsanayo ciidamada amniga iyo bartilmaameedyadda muhiimka ah.
ISHA-AA.
HOGAAMIYAHA SUUDAAN OO MARKII UGU HOREYSAY DIYAAR KU TEGAY KHARTUUM.
(SAWIRKA)-C/FATAAX AL-BURHAANI.
(SUDAN)-Wararka laga helaayo dalka uudaan ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Golaha Qaranimada Suudaan Abdel Fataax AL-Burhaan ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan .
MARKII UGU HOREYSAY:
Diyaaradda Madaxweynaha ee Golaha Madaxbanaanida ayaa ku degtay Garoonka Khartuum, waana diyaaraddii ugu horreysay ee rayid ah oo ku degta halkaas tan iyo markii uu dagaalku billowday dalka Suudaan bishii Abriil 14, 2023. AL-Burhaan waxaa sidoo kale ku qaabilay magaaladda Khartuum taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Suudaan, G/sare Maxamed Cismaan AL-Xuseen, isagoo uga warbixiyay xaaladda amni ee dalka iyo dadaallada socda, sida ay sheegtay Warbaahinta Golaha Madaxbanaanida. AL-Burhaan ayaa horay ugu soo degtay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Khartuum muddo saddex bilood ah ka hor, ka dib markii la soo gabagabeeyay gacan ku haynta caasimadda. Si kastaba ha ahaatee, soo degista diyaaraddan maanta oo Sabti ahayd ayaa ahayd tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ay ku degto laamiga garoonka tan iyo markii uu dagaalku billowday, iyadoo xayndaabka garoonka iyo dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ay ka mid ahaayeen goobihii ugu horeeyay ee iska hor-imaadyadu ka dhacaan, iyadoo ay ugu wacan tahay in garoonka uu u dhow yahay hoyga Burhaan iyo taliska ciidanka.
BAXNAANINTA KHARTUUM LIX BILOOD GUDAHOOD:
Arrintan ayaa timid ka dib markii Raysal Wasaaraha Suudaan, Kamil Idriss uu xaqiijiyay in Khartoum si buuxda loogu dayactiri doono lix bilood gudahood. Raysal Wasaaraha Suudaan ayaa ku daray hadal uu ku qoray bogga AL-Carabiya Sabtida maanta ah in dowladdu ay si tartiib tartiib ah u bilaabi doonto shaqada bilaha soo socda. Waxaa xusid mudan in RW-Idiris iyo wafdi la socday ay Jimcihii gaareen caasimadda Khartoum. Booqashadan ayaa ahayd tii ugu horeysay tan iyo markii xilkan loo magacaabay ku dhawaad labo bilood ka hor, si uu ugu kuur galo xaalada caasimada oo ay ka jirto hoos u dhac baahsan oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah, waxaana halkaasi ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidamada Sudan iyo ciidamada sida deg dega ah u taageera. RW-Idiris ayaa horay u sheegay in dowladdu ay si tartiib tartiib ah ugu laaban doonto Khartoum, ka dib markii ay ciidamadu ku dhawaaqeen inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta caasimadda. Si kastaba ha ahaatee, soo laabashadan ayaa hor-yaala caqabado dhowr ah oo ay ugu weyn tahay burburka baahsan ee soo gaaray bartamaha magaalada oo ay ku yaallaan inta badan xarumihii dowladda iyo Wasaaradaha,kuwaaso la gubay,laguna burburiyey dagaaladdii dhacay.
ISHA-AL-CARABIYA TV.
QABAA’ILKA SUWEYDA OO KU HESHIIYEY XABAD JOOJIN DEG DEG AH.
(SAWIRKA)-QABAA’ILKA SUWEYDA EE HUBEYSAN.
(SYRIA)-Iska horimaadyo hubaysan ayaa weli kasii socda Sabtida maanta ah Goboka Suweyda kuwaaso u dhexayo dagaalyahannada Qabaa'ilka Bedwiyiinta iyo kooxaha hubaysan ee maxalliga ah ee Suwayda, Suuriya xitaa iyada oo ciidamada ammaanka gudaha ay bilaabeen in ay geeyaan guud ahaan gobolka si ay u dhaqangeliyaan heshiis xabbad-joojin ah oo waddanka oo dhan ah. Sida ay ku warantay Wakaalada Wararka ee dowlada ee SANA, cutubyo ka tirsan ciidamada amaanka ayaa durba bilaabay in la geeyo Suwayda iyo nawaaxigeeda si ay u dhaqan galiyaan qodobada xabad joojinta iyo sidii xaalada loo dejin lahaa. Si kastaba ha ahaatee, dagaal xooggan ayaa weli ka socda qeybo ka mid ah gobolka, sida ay sheegtay Xukuumadda Suriya. Horaantii Sabtida maanta ah Madaxtooyada Suuriya ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin dhammaystiran oo deg deg ah ka dib maalmo rabshado ka socdeen gobolka koonfureed. Julaay 13keedii, iska hor imaadyo ayaa dhex maray qabaa'ilka Carabta Bedwiyiinta iyo kooxaha Druze ee hubaysan ee Suwayda. Rabshadaha ayaa sii kordhay waxaana xigay duqeymaha cirka ee Israa’iil, oo ay ku jiraan saldhigyada ciidamada Suuriya iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda Dimishiq. Israa'iil waxay soo xigatay baahida loo qabo in la ilaaliyo bulshooyinka Druze si ay marmarsiiyo uga dhigto weerarrada ay ka waddo dhulka Suuriya. Bashaar AL-Asad oo ahaa hogaamiyihii Suuriya ku dhawaad 25 sano ayaa u baxsaday dalka Ruushka bishii December, isagoo soo afjaray taliskii Baath Party oo xukunka hayay tan iyo 1963-dii. Maamul cusub oo ku meel gaar ah oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmad AL-Sharaa ayaa lagu dhisay Suuriya bishii Janaayo ee sannadkan 2025-ka. Dhinaca kale,Golaha qabaa’ilka iyo qabaa’illada Suuriya ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqay in ay si buuxda uga go’an tahay xabbad-joojin dhammaystiran oo deg deg ah oo uu Madaxtooyadu kaga dhawaaqday Gobolka Koonfureed ee Suwayda. Warbixin laga sii daayay Telefishinka, ayaa Hay’addu ku xaqiijisay inay taageersan tahay go’aanka Dowladda ee ku aadan joojinta dagaalka iyo in la furo wadooyinka soo gala Gobolka. Goluhu wuxuu sidoo kale soo saaray digniin ah in haddii beesha Druze ay u hoggaansami weydo heshiiska xabbad joojinta, ay "diyaarin doonaan inay ka jawaabaan wakhti kasta." Horaantii Sabtida maanta ah, Madaxtooyada Suuriya ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin dhammaystiran oo deg deg ah ka dib maalmo rabshado ay ka socdeen Gobolka oonfureed ee Suwayda.
ISHA-AA.
WADA HADALADII ISRA’IIL IYO XAMAAS OO KU DHAW INEY BURBURAAN.
(SAWIRKA)-GEBTAAL KU SOO DHACAY ISRA’IIL
(GAZA)-Garabka hubaysan ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa Jimcaha ku eedeeyay Israa’iil iney hor istaagtay heshiis laga gaaray wadahadaladii xabad joojinta ku meel gaarka ah iyo sii deynta la haystayaasha Gaza. Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka guutada Cizadiin AL-Qasaam, ayaa bayaan muuqaal ah ku sheegay in Hamas "mar walba ey soo jeediso heshiis dhameystiran oo dib u soo celin doona dhammaan la haystayaasha hal mar." Laakiin waxa uu sheegay in Israa’iil “ey diiday waxa aanu soo jeedinay,” isaga oo ku booriyay iney dib u eegto. "Haddii cadowgu uu ku sii madax adaygo wareeggan wada xaajoodka ma dammaanad qaadi karno soo noqoshada hindisayaasha heshiiska qayb ahaan oo ey ku jiraan 10-Maxbuus (la haystayaal) oo la soo bandhigay," ayuu raaciyay. Dhinaca kale,Ciidanka Israa’iil ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in hab-dhiskooda difaaca cirka ey qabteen gantaal laga soo ganay waqooyiga marinka Qaza kuna sii jeeday koonfurta Israa’iil. War qoraal ah oo ey ciidamadu soo saareen ayay ku sheegeen in gantaalku uu kiciyay seeriga digniinta ee aagga xadka Isra’iil ee Netiv HaAsara. Madfaca ayaa hawada lagu qabtay iyadoo aan la soo sheegin wax dhaawaca uu geystay. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay koox Falastiiniyiin ah oo ku aadan gantaalkan. Diidmada baaqyada caalamiga ah ee xabbad joojinta, ciidamada Israa’iil ayaa ku guda jiray weerar bahalnimo oo ey ku qaadeen Marinka Gaza tan iyo 7-dii Oct, 2023, halkaasoo ey ku dileen ku dhawaad 59,000 oo Falastiiniyiin ah ilaa hadda, kuwaasoo u badan haween iyo caruur. Duqeymahan aan kala joogsiga lahayn ayaa baabi’iyay deegaanadaasi waxaana ka dhashay cunto yari iyo cuduro faafa. Bishii November ee la soo dhaafay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Israa'iil ayaa sidoo kale wajahaysa kiis xasuuq ah oo ka socda Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda oo ku saabsan dagaalka ey ku hayso dhulka reer Falastiin.
TURKIGA IYO 10-DAL OO CARBEED AYAA CANBAAREEYEY DUQEYNTA ISRA’IIL EE SURIYA.
(SAWIRKA)-SURIYA.
(ISTANBUL)-Turkiga iyo 10 wadan oo Carbeed ayaa Khamiista maanta ah dib u xaqiijiyay inay taageerayaan Ammaanka, Midnimada, Xasiloonida iyo Madaxbanaanida dalka Suuriya, iyagoo diiday dhammaan noocyada faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha ee dalkaas, waxayna cambaareeyeen weerarada soo noqnoqday ee Israa'iil, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay daabacday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga. War Saxaafadeedka ayaa waxaa soo saaray Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Turkiga, Jordan, Imaaraadka, Baxrayn, Sacuudiga, Ciraaq, Cumaan, Qatar, Kuwait, Lubnaan iyo Masar. Wasiiradu waxay carabka ku adkeeyeen in la taageero Amniga, Midnimada, Xasiloonida iyo Madaxbanaanida Suuriya iyo diidmada dhammaan faragelinta shisheeye ee arrimaheeda. Waxa ay sidoo kale soo dhaweeyeen heshiis xabad joojin ah oo dhawaan ka dhacay Gobolka Koofureed ee Suwayda iyagoo ku baaqay in si buuxda loo dhaqan galiyo. War-murtiyeedka wadajirka ah ayaa ku tilmaamay heshiiska xabbad-joojinta inuu muhiim u yahay ilaalinta Midnimada Suuriya, ilaalinta rayidka, iyo ilaalinta sharciga iyo Madax-bannaanida Dawladda. Waxay soo dhawaysay sida ay uga go'an tahay Madaxweynaha Suuriya Axmad AL-Sharac in lala xisaabtamo dhammaan shakhsiyaadka mas'uulka ka ah xadgudubyada ka dhanka ah dadka deggan Suwayda. 11-ka waddan ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay inay taageerayaan dhammaan dadaallada lagu doonayo in lagu soo celiyo Amniga iyo Maamulka Dowladeed ee Suweyda iyo guud ahaan dalka, iyagoo diiday rabshadaha, kooxeysiga, kicinta, iyo hadalada nacaybka. Wasiirada ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha isdaba jooga ah oo ay Israa’iil ku heyso dhulka Suuriya, waxayna ku tilmaameen xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Madax banaanida Suuriya. Waxa ay ka digeen in weeraradu ay wax u dhimaan Amniga, Xasiloonida, Madaxbanaanida dhuleed, iyo badqabka muwaadiniinteeda, iyagoo dhanka kale caqabad ku ah dadaalada dowladda Suuriya ay ku doonayso in ay ku dhisto mustaqbal xasiloon oo ka soo baxa rabitaanka shacabka Suuriya. Wadamadu waxay ku nuuxnuuxsadeen in xasiloonida Suuriya iney lama huraan u tahay ammaanka guud ee gobolka, ayna tahay inay ahaato mudnaan la wadaago. Waxa ay sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka in ay taageerto hannaanka dib u dhiska dalka Suuriya, waxaana ay ku booriyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu ilaaliyo mas’uuliyadiisa dhanka sharciga iyo akhlaaqda ah, iyadoo la xaqiijinayo in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo dhulalka Suuriya ee ay haysato, isla markaana ay joojiso dhammaan colaadaha iyo faragelinta Suuriya, lana dhaqan geliyo Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2766 iyo sidoo kale heshiiskii 1974-kii ee ka bixitaanka. Hadalkan ayaa imaanaya maalin ka dib markii ciidamada Israa’iil ay duqaymo dhanka cirka ah ku qaadeen in ka badan 160 bartilmaameed oo ku kala yaalla afar gobol oo Suuriya ka tirsan Suwayda, Darca, Dimishiq, iyo baadiyaha Dimishiq oo ay ku dileen saddex qof 34 kalena ku dhaawacmeen caasimadda oo keliya. Israa'iil waxay marmarsiyo u soo qaadatay "ilaalinta bulshooyinka Druze" weerarrada ay ka waddo Suuriya, gaar ahaan koonfurta dalkaas. Si kastaba ha ahaatee, inta badan hogaamiyayaasha Druze ee Suuriya ayaa si cad u diiday faragelin kasta oo shisheeye waxayna xaqiijiyeen inay ka go'an tahay in la helo dawlad midaysan oo Suuriya ah. Ka dib dhicitaankii Assad bishii Diseembar 2024, Israa'iil waxay xoojisay ololaheeda cirka ee Suuriya waxayna ku dhawaaqday in aagga u dhexeeya labada dal uu burburay iyada oo ay weheliso Heshiiskii Kala dirida ee 1974.
ISHA-ANADOLU.
ISRA’IIL OO DUQEYSAY KANIISADDA KAATOOLIGA EE MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-BAADARIGA ROMANELLI OO DHAWAC AH.
(GAZA)-Wadaadka Laatiin ee ku sugan magaaladda Qudus ayaa xaqiijiyey maanta oo khamiis ah in laba qof lagu dilay weerar u muuqda iney fuliyeen ciidamadda Isra’iil oo lagu qaaday Xarun ey leeyihiin Kaatooliga oo ku taallo Gaza. Baadariga Laatiinka ah oo gacanta ku haayo Kaniisada Gaza ayaa yiri”Waxaan ilaaheey ugu bareyeynaa inuu u naxariisto janana ka waraabiyo,kana soo afjaro dagaalkan waxashnimada ah,mana jirto wax qiil ah in la beegsado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan”. Kaniisadda HOLY FAMILY oo ku taallo Marinka Gaza ayaa lagu garaacay bambooyin aad u culus subaxnimadii maanta oo khamiis ah,halkaaso ey ku dhinteen laba qof, lix kalane ey ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Baadarigii Kaniisadda, sida ey sheegeen Saraakiisha Kaniisadda Kaatooliga. Baadarig Romanelli waxa uu si aad ah ugu dhawaa POPE FRANCIS-kii dhintay,waxayna labadooda ka hadli jireen dagaalka ka socodo Marinka Gaza. Saraakiisha ayaa sheegay in Kaniisadda ey waxyeelo ka soo gaartay weerarka, oo goobjoogayaal ey ku tilmaameen iney duqeeyeen Taangiyadda Isra’iil. Dhankeeda, Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa Israiil ku eedeysay masuuliyadda weerarka Kaniisadda Kaatooliga. Meloni ayaa tiri ”Weeraradda Isra’iil ee bilaha ah waa wax aan la aqbali karin,ma jirto tallaabo mileteri oo cudurdaar u noqon karta dhaqankaas foosha xun”,Ciidamadda Isra’iil ayaa sheegay goor dambe oo maanta ah iney baarayaan dhacdadaas. Baadarigii dhintay ee Pope Francis inuu si joogta ah ula xiriiri jiray Kaniisadda kaliyah ee Kaatooliga ah ee Marinka Gaza 18-kii bilood ee ugu dambeysay noloshiisa,isaga oo wax ka weydiinaayey sida xubnaheeda ey ula tacaalayaan dagaalka khasaaraha badan dhalliyey ee ka socdo Marinka Gaza. Warar ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu uu qirtay in ciidamadda Isra’iil weerareen ka dib markii ey wada hadleen Madaxweynaha Maraykanka Trump.
ISHA-AA.
CIIDAMADDA ILAALADDA XEEBAHA YEMAN OO QABTAY HUB FARA BADAN.
(SAWIRKA)-MARKAB HUB U SIDAY XUUTIYIINTA.
(YEMAN)-Wararka laga helaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in ciidamada Ilaaladda Xeebaha ee dalka Yemen ey si guul ah u soo afjaray Hubka fara badan oo ka yimid dhinaca dalka Iran una rarnaa Xuutiyiinta, waxaane arrintaan ka hadlay ciidamadda Dhexe ee Maraykanka kuwaaso Hambalyeeyey Ciidamada Qaranka Yemen ee iska caabinta (NRF), kuwaaso uu hoggaamiyo Gen. Tareq Saleh, qabashada hubka caadiga ah ee Iran ee ugu weyn taariikhdooda. NRF waxay qabatay in ka badan 750 tan oo Rasaas iyo qalab ah si ay ugu jiraan boqolaal maraakiib ah oo horumarsan, maraakiibta lidka ku ah, iyo gantaalaha lidka diyaaradaha, madaxyada dagaalka iyo kuwa raadinaya, qaybaha iyo sidoo kale boqolaal matoorada aan duuliyaha lahayn, qalabka difaaca hawada, nidaamyada radar, iyo qalabka isgaarsiinta. Sida laga soo xigtay NRF, waxaa jiray buugaag ku yaal Farsi, qaar badan oo ka mid ah nidaamyada waxaa soo saartay shirkad xiriir la leh Wasaaradda Difaaca ee Iran oo uu Maraykanku cunaqabatayn saaray. Shixnadda sharci darrada ah waxaa loogu talagalay inay adeegsadaan Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto Ficillada NRF waxay taageerayaan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) waxayna si toos ah uga tarjumaysaa sida ay uga go'an tahay Yemen, Badda Cas iyo, Gacanka Cadmeed oo ammaan ah. Gen. Michael Erik Kurilla, oo ah taliyaha ciidamada dhexe ee Maraykanka CENTCOM, ayaa ammaanay ficillada NRF isagoo yiri, "Waxaan bogaadineynaa ciidamada sharciga ah ee dowladda Yemen ee sii wada inay xakameeyaan qulqulka hubka Iran ee ku xiran Xuutiyiinta. xasilloonida, iyo xorriyadda socdaalka.”
ISHA-CENTCOM.
ISRA’IIL OO CAAWA DUQEYSAY CAASIMADDA DIMISHIQ.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA SYRIA.
(SYRIA)-Fiidnimada Arbacada ayay Israa'iil duqeymo cusub ka fulisay Suuriya oo ay ku jirto caasimadda Dimishiq iyo sidoo kale Daraca iyo Sweyda. Maamulka Suuriya ayaa sheegay in Israa'iil ay duqaymo cusub ka geysatay meel u dhow Dimishiq fiidnimadii Arbacada. Ilo-wareed militari oo ku sugan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Faransiiska in duqeymaha lala beegsaday " Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Mezzeh," halkaas oo ay ku yaallaan qaar ka mid ah bakhaarrada rasaasta. Channel-ka 11-aad ee Isra’iil ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday xaafadda Mezzeh ee magaalada Dimishiq. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Drones ee Israa’iil ayaa sidoo kale beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada ammaanka guud ee Suuriya oo marayay gudaha Sweyda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan AL-Carabiya. Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale qaaday duqaymo cusub fiidnimadii Arbacada oo ay ku bartilmaameedsadeen agagaarka Jidka Caalamiga ah ee Daraca. Qaraxyo ayaa sidoo kale habeen hore ka dhacay xeebaha dalka Suuriya ka dib weerar dhanka cirka ah oo lala beegsaday Xarunta Guutada 107-aad ee ku taal baadiyaha Jiblah, sida ay sheegeen ilo wareedyo ka tirsan Tv-ga AL-Carabiya. Dhankeeda, Israa'iil waxay sheegtay Arbacada maanta ah in ay "dareen mas'uuliyad iyo xakameyn" uga shaqeyso Suuriya. Madaxa ciidamada Eyal Zamir ayaa sheegay mar uu kormeer ku tagay buuraha Golan Heights: "Taliyaasha iyo askartu waxay ku hawlgalayaan dareen mas'uuliyad iyo is-xakameyn." Horaantii Arbacada maanta ah, diyaaradaha dagaalka Isra’iil ayaa duqeymo cirka ah ku qaaday agagaarka Madaxtooyada iyo xarunta guud ee magaalada Dimishiq , iyadoo ay sii kordheen weerarada cusub ee lala beegsanayo goobaha xasaasiga ah ee Suuriya. Mar sii horreysay, Wakaaladda Wararka Suriya ee SANA ayaa sheegtay in diyaaradaha Israa’iil ay duqeymo cirka ah ku qaadeen Dimishiq, halkaasoo ay ku dileen saddex qof, 34 kalena ay ku dhaawacmeen. Muddo bilo ah, Israa’iil waxa ay duqeymo isdaba joog ah ku haysay Suuriya, iyada oo doonaysa in ay “aag ka caagan Hubka”ka samaysato Koonfur-galbeed ee dalka iyada oo sidoo kale caddaynaysa in ay ka go’an tahay in ay “difaacdo Druze” gudaha Suuriya. Isniintii, ciidamada Suuriya ayaa gudaha u galay Sweyda ka dib iska hor imaadyo ay ku lug lahaayeen hub dhexdhexaad ah iyo kuwa culculus oo ku dhexmaray Druze iyo kooxaha hubeysa ee Badwi ee aagaas.
ISHA AL-CARABIYA.
10-KA MID AH SHAQAALIHII MARKABKII ETERNITY SEA OO LA…
(SAWIRKA)-MARKABKII ETERNITY SEA.
(YEMAN)-Sarkaal ka tirsan dowladda Yemen ayaa Tv-ga AL-Carabiya u sheegay in 10 ka mid ah shaqaalihii markabka Eternity Sea ee laga leeyahay dalka Giriiga oo ey Xuutiyiinta ku weerareen Badda Cas, ey ka badbaadeen oo ey gaareen Sucuudiga. Taas bedelkeeda, Xuutiyiintu waxay ku andacoonayaan iney "badbaadiyeen" tiro aan la cayimin oo ka mid ah shaqaalaha badda daa'imka ah oo loo wareejiyay "goob nabdoon." Xukuumadda Washington ayaa Xuutiyiinta ku eedeysay iney afduubteen dadkii ka badbaaday weerarkii lagu qaaday markab uu ka babanaayay calanka dalka Libeerya, kaasoo ey maamuleysay shirkad laga leeyahay dalka Giriiga, kaasoo ka soo laabtay howlo bini'aadantinimo oo raashin gargaar ah oo ka timid hay'adda cunnada Adduunka ee WFP u geyn dekedaha Soomaaliya. Axmed Carmaan, Wasiirka Xuquuqul Insaanka iyo Arrimaha Sharciga ee Yemen, ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray baadigoobkii lagu baadigoobayay dad ka badbaaday shaqaalihii markabka ey Xuutiyiinta ku weerareen diyaarad aan duuliye lahayn iyo lix gantaal 7-dii bishan, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada afar ka mid ah shaqaalihii markabka. Waxa uu intaa ku daray in eysan jirin wax war ah oo ku saabsan xaaladda shaqaalihii ku haray markabka, isagoo xusay in tirada guud ee dadka la socday markabka la weeraray ey gaarayeen ku dhawaad 25 qof. Soo dhawaynta Sucuudi Carabiya u fidisay shaqaalaha markabka Giriiga ee Eternity Sea waxay muujinaysaa sida ey Boqortooyada Sucuudigu uga go’an tahay ilaalinta Xuquuqul Insaanka si caalami ah, taasoo tiir u ah siyaasadda Riyadh. Sacuudi Carabiya waxay si joogta ah u adkeyneysaa baahida loo qabo ilaalinta amniga iyo xasilloonida gobolka Badda Cas, halkaas oo xoriyadda socdaalku ey tahay shuruud caalami ah sababtoo ah saameynta ey ku leedahay danaha adduunka oo dhan. Dhankiisa, Dr. Abdulaziz bin Saqr, Guddoomiyaha Xarunta Cilmi-baarista Khaliijka, ayaa sheegay in qaabilaadda dadkii ka badbaaday shaqaalihii markabka Giriigga "ETERNITY SEA," oo ey dhawaan weerareen Xuutiyiinta, uu yahay go'aan Sucuudi ah oo u qaabaysan ujeeddooyin bani'aadamnimo iyo anshaxeed, waana wax ey Boqortooyadu mar walba sameyso wakhtiyada musiibada iyo dhibaatooyinka. Marka la qiimeeyo xaaladda ka dib weerarrada soo cusboonaaday ee Xuutiyiinta, Madaxa Xarunta Cilmi Baarista khaliijka ayaa sheegay in khatarta kooxda Yemen ey ku hayso ammaanka iyo badbaadada marinnada caalamiga ah eysan hadda ahayn arrin la xiriirta Boqortooyada. Weeraradii u dambeeyay ee lagu qaaday badbaadada badaha caalamiga ah ayaan si toos ah u saamayn danaha Sucuudiga, balse waxay isu beddeleen khataro caalami ah. Waxa uu carabka ku adkeeyay in wax ka qabashada dadkaasi ey noqotay mas’uuliyad caalami ah oo wada jir ah oo ey dusha ka saaran tahay beesha caalamka, taasoo u xilsaaran ilaalinta xorriyadda iyo badbaadada marinka badda ee biyaha caalamiga ah iyo ciriiriga. Marka la qiimeeyo xaaladda ka dib weerarrada soo cusboonaaday ee Xuutiyiinta, Madaxa Xarunta Cilmi-baarista Gacanka wuxuu caddeeyay in khatarta kooxda Yemen ee amniga iyo badbaadada marinnada caalamiga ah aysan ahayn arrin hadda ka jirta Boqortooyada dhexdeeda, gaar ahaan maadaama weerarradii dhowaan lagu qaaday badbaadada badaha caalamiga aysan si toos ah u saameyn danaha Sacuudiga, laakiin ey si weyn isu beddeleen khataro caalami ah. Waxa uu carabka ku adkeeyay in wax ka qabashada dadkaasi ey noqotay mas’uuliyad caalami ah oo wada jir ah oo ay iska kaashadaan beesha caalamka, taasi oo u xilsaaran ilaalinta xoriyadda iyo badqabka bad-mareenka marin-biyoodka biyaha caalamiga iyo Musiibooyinka.
IHA-AA.
ISRA’IIL OO WEERARTAY XARUNT WASAARADDA G/DHIGA SUURIYA.
(SAWIRKA)-XARUNTA G/DHIGA SURIYA.
(DAMASCUS)-Ciidamada Israa'iil ayaa Arbacada maanta ah sheegay iney duqeeyeen albaabka laga galo Xarunta Dhexe ee Militariga Suuriya ee magaalada caasimadda ah ee Dimishiq. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganaysa ilo ammaanka Suuriya, in ugu yaraan laba weerar oo ey fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka lagu weeraray dhismaha Wasaaradda Difaaca Suuriya. Weerar kale ayaa ka dhacay meel u dhow Madaxtooyada, oo ku taal buuraha ka baxsan caasimadda Suuriya ee Dimishiq. Weeraradan ayaa imaanaya ka dib markii Isra’iil ey wacad ku martay iney kordhin doonto weerarada ey ka geysaneyso dalka Suuriya, hadii aysan dowladaasi kala bixin ciidamadeeda deegaanada koonfureed oo ey dhawaan ka dhaceen dagaalo lagu hoobtay oo u dhaxeeyay Qabaa’ilka Druze iyo Baadiyaha. Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya oo fadhigeedu yahay UK, isla markaana isha ku haysa dhacdooyinka colaadaha u dambeeyay ee Suuriya, ayaa sheegtay in laba qof ey ku dhaawacmeen laba duqaymo oo xiriir ah oo ey ka fuliyeen meel u dhow Xarunta Guud ee Shaqaalaha.
WAA MAXAY SABABTA ISRA’IIL U DUQEYSO SURIYA?
Isra’iil ayaa hadda weerartay Suuriya maalintii seddexaad oo xiriir ah. Israa'iil waxay sheegtay in weeraradeeda ay ku ilaalinayso dadka laga tirada badan yahay ee Druze ka dib markii ciidamada dawladda Suuriya, oo u soo diray inay damiyaan dagaalka u dhexeeya Druze iyo dagaalyahannada Bedouin, ay ku dhammaatay inay isku dhacaan maleeshiyaadka Druze laftooda. Warbaahinta dowladda Suuriya iyo goob joogayaal ayaa sheegay in sidoo kale ay Israa'iil duqeymo ka geysatay magaalada Druze ee Sweyda oo ey ku badan tahay, halkaasoo uu dagaalku ka socdo ka dib burburkii xabbad-joojin. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ka dib weerarrada, ayuu Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ku yiri: “Dagagihidihii Dimishiq waa ey dhammaadeen hadda dharbaaxo xanuun badan ayaa iman doona”. Bishii Febraayo, Reysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku baaqay Koonfurta Suuriya in gabi ahaanba laga dhigo militariga. Waxa uu sidoo kale ka digay in Isra’iil aysan u dulqaadan doonin joogitaanka ciidamada dowladda Suuriya ee ku dhow dhulka ey maamusho. Iyadoo dagaalka uu ka socdo Sweyda, xubno ka tirsan beesha Druze ee Isra’iil ayaa soo galayay Suuriya si ey u taageeraan kooxaha hubaysan ee Druze, halka dadka ka soo jeeda beesha Druze ee Suuriya, ey isku dayayeen iney galaan Isra’iil. Askarta Israa’iil ayaa ridaayay sunta dadka ka ilmeysiisa si ey u ilaaliyaan nidaamka xudduudda si weyn loo adkeeyey.
ISHADW-NEWS.
(YEMAN):-GOBOLKA MEHRA OO LAGU QABTAY HUB U SOCDAY XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA CADAN.
(ADEN/YEMAN)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Yeman ayaa Talaadada maanta ah sheegtay inay gacanta ku dhigtay qalab looga shakisan yahay in loo isticmaalay arrimo ciidan, kaasoo u socday kooxda Xuutiyiinta. Xarunta warbaahinta amniga ayaa sheegtay in Booliska Gobolka AL-Mahrah ey qabteen qalab, biro iyo fiilooyinka isku xira gudaha degmada Shixan xilli ey doonayeen iney u tahriibiyaan kooxda Xuutiyiinta. Booliska AL-Mahrah ayaa sheegay in qalabkan looga shakisan yahay in loo isticmaalay arrimo ciidan, waxaana lagu qabtay Wakaaladda Socdaalka ee wadada Ramaah, oo ey leedahay C.M.C oo 38 jir ah. Wakaaladdu waxay sheegtay iney la wareegtay agabkii iyo agabkii ey wateen oo yaallay Waaxda Ammaanka ee Shixan, eyna sii wadayaan dhamaystirka gal-dacwadeedka, si loogu diyaar-garoobo in eedaysanayaasha iyo agabka la qabtay loogu gudbiyo Hay’adaha Garsoorka ee awoodda u leh.
HORUMAR LAGA GAARAY WADA HADALADII DOOXA EE XAMAAS IYO ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.
(DOHA)-Warbaahinta Isra’iil ayaa sheegtay fiidnimadii Talaadada in wada xaajoodyadii dadban ee Marinka Gaza laga gaaray "Horumar la taaban karo" 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyo in "dariiqa hadda loo jeexay" heshiis lagu soo afjarayo. Tan iyo 6-dii bishii Luulyo, waxaa dalka Qatar ka socday wada xaajoodyo aan toos ahayn oo u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil, taasoo ah isku day cusub oo lagu doonayo in lagu soo gabagabeeyo heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista iyo xabbad joojinta. Channel-ka 13-aad ee Israa’iil ayaa soo wariyay: “Wada xaajoodyadii Dooxa ee lagu gaaray heshiis lagu soo celinayo askarta la afduubay ayaa la arkaa in laga sameeyey horumar la taaban karo Talaadadada maanta ah”. Kanaalka ayaa soo xigtay sarkaal Israa’iili ah oo aan la magacaabin oo aqoon u leh wada-xaajoodyada ka socda Dooxa, isagoo leh, " Waddada heshiisku hadda waa la jeex-jeexay." Waxa uu intaa ku daray in ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu "uu ogolaaday dabacsanaan dheeraad ah oo ku saabsan arrinta ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Israa'iil ee Marinka Gaza , taas oo u oggolaanaysa in horumar laga sameeyo wadahadallada." Isla macnaha guud, Channel 13 ayaa sheegay in "Horumar la taaban karo la sameeyay 24-kii saac ee la soo dhaafay." Waxay intaas ku dartay in tani ey timid "Ka dib go'aankii Netanyahu iyo Golaha Ammaanka ee ahaa in la muujiyo dabacsanaan badan oo loogu dhawaado mowqifka Xamaas, gaar ahaan ku saabsan joogitaanka Isra’iil ee Marinka Gaza." Kanaalka ayaa soo xigtay saraakiil kale oo aan la magacaabin oo leh, "Hadalku waxa uu ku saabsan yahay ka bixitaanka ku meel gaarka ah (Israa'iil) 60-ka maalmood ee ugu horeeya oo keliya, iyada oo la doonayo in lagu soo laabto dagaalka ka dib marka ey dhamaato xabbad joojinta." Waxay intaas ku dartay, "Saraakiishu waxay xaqiijiyeen in fikradda ey ka qabaan wadahadalka ey la yeesheen Ra'iisul Wasaaraha (Netanyahu) ey tahay inuu aad u doonayo inuu heshiiska ku dhameystiro maalmaha soo socda, laakiin ma doonayo inuu joojiyo dagaalka." Dhinacyada ey khusayso kama eysan hadlin waxa kanaalka Isra’iil uu sheegay.
ISHA-AA.
DAD LAGA SOO FURTAY MAGEFAHA JOOGA BENGHAZI EE DALKA LIIBIYA.
(SAWIRKA)-DAD LOO HEYSTAY MADAX FURASHO.
(BENGHAZI/LIBYA)-Wararka laga helaayo magaaladda Bengaazi ee dalka Liibiya ayaa sheegaayo In ka badan 100 Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 5 Dumar ah ayaa laga sii daayay afduub, ka dib markii ay Madaxfurasho ugu haysteen Koox Burcad ah Bariga Liibiya, sida uu sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Isniinta maanta ah. "Koox dambiilayaal ah oo ku lug leh abaabulka Tahriibinta Muhaajiriinta, ka qaadida Xorriyaddooda, ka Ganacsiga, iyo Jirdilka si ay qoysaskooda ugu qasbaan inay bixiyaan Madaxfurasho si loo sii daayo," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xeer ilaaliyaha guud. Liibiya ayaa noqotay marin ay maraan Tahriibayaasha ka soo qaxaya colaadaha iyo faqriga ee u socda Yurub iyaga oo sii mara marinka halista ah ee saxaraha iyo badda Mediterranean ka ka dib afgambigii Mucamar Qadaafi ee kacdoonkii NATO ay taageertay sanadkii 2011. Muhaajiriin badan oo quus ka taagnaa in ay tahriibka ka gudbaan. Muhaajiriinta la sii daayay ayaa waxaa lagu haystay Ajdabiya, oo 160 km (100 mayl) u jirta magaalada labaad ee Liibiya ee Benghazi. Shan qof oo looga shakisan yahay inay Tahriibinayeen oo u kala dhashay dalalka Libya, Sudan iyo Masar, ayaa la qabtay, sida ay saraakiishu sheegeen. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo hogaanka Nabad Sugida ee Ajdabiya ayaa bartooda Facebook soo dhigay Sawirada Tahriibayaashan oo ay sheegeen in laga soo saaray gacanta eedaysanayaasha. Waxay tuseen Tahriibayaal Gacmaha iyo Lugaha ka xiran oo calaamado muujinaya in la garaacay. Bishii Febraayo, ugu yaraan 28 meyd ah ayaa laga soo saaray Xabaal Wadareed ku yaal Saxaraha Waqooyiga magaalada Kufra. Saraakiisha ayaa sheegay in koox burcad ah ay Tahriibayaasha kula kaceen jirdil iyo tacadiyo ka baxsan bini’aadantinimada. Taasi waxay daba socotaa 19 kale oo mayd ah oo laga helay Xabaal Wadareed ku yaal aagga Jikharra, oo sidoo kale ku taal koonfurta bari ee Liibiya, Agaasinka ammaanku wuxuu yiri, isagoo ku eedeeyay shabakad wax tahriibisa oo caan ah. Laga soo bilaabo Disembar 2024, ku dhawaad 825,000 oo Muhaajiriin ah oo ka kala yimid 47 wadan ayaa lagu diiwaan geliyay Liibiya, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay ee la sii daayay bishii May. Todobaadki hore ayay ahayd markii adaxa Socdaalka Midowga Yurub iyo Wasiiro ka kala socday Talyaaniga, Malta iyo Giriiga ay la kulmeen Raysal Wasaaraha Dowladda Midnimada Qaran ee caalamku aqoonsan yahay Cabdulxamiid Dbeibah, waxayna ka wadahadleen dhibaatooyinka socdaalka.
ISHA-LO.
WADAMADA LUBNAAN IYO KUWEYT OO KA WADA HADLAY AMNIGA.
(SAWIRKA)-KUWEYT IYO LUBNAAN WAFDIYADOODA.
(KUWAIT)-Sheikh Fahad AL-Yuusuf, Reysall Wasaare Ku Xigeenka Koowaad ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Kuwayt, ayaa carabka ku adkeeyay in Ururka Xisbullah uu ku sii jiri doonto liiska Argagixisada dalka Kuwayt iyo Wadamadda Khaliijka. Hadalka Wasiirka Kuwayt oo uu ku nuux-nuuxsaday in Amiirka Kuwayt uu leeyahay aragti ammaan oo wanaagsan, maadaama uu yahay sarkaal rug-caddaa ah oo dhinaca ammaanka ah, ayaa War-saxaafadeedka ka soo baxay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cawn oo ka dhacay Qasriga Bacbad ee dalka Lubnaan.
AMNIGA KUWEYT... KHAD CAS:
Sheikh Fahad Al-Yusuf ayaa tilmaamay in dalkiisa uu u baahan yahay joogistiisa, isagoo ku celceliyay in ammaanka Kuwayt uu yahay khad cas. Waxa uu intaa ku daray, "Anigu shakhsi ahaan ma oggolaan doono xadgudub kasta oo qof ama xisbi ku sugan Kuwayt," ayuu ku sheegay War-saxaafadeed ka dib kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cawn oo ka dhacay Qasriga Bacbad ee Lubnaan.
XIRIIRKA TAARIIKHEED:
Sidoo kale wuxuu xusay in xiriirka Kuweyt iyo Lubnaan uu yahay mid taariikhi ah,wuxuuna carabka ku adkeeyey iney ka go’an tahay xoojinta danaha labada shacab iyo Horumarinta Amniga iyo Xasilloonida Gobolka. Waxa uu sidoo kale amaanay kartida xirfadeed ee adeegyadda Amniga Lubnaan,isagoo xusay mujhimadda ey leedahay horumarinta shaqada Amniga ee wadajirka ah si loola socdo caqabadaha iyo isbedeladda iyo xoojinta nidaamka iskaashiga dhammaystiran oo ku saleysan isku duwid waarta. Dhinaca kale, kulanka dhexmaray Madaxweynaha Lubnaan iyo Reysal Wasaare Ku-Xigeenka koowaad ee Kuwayt, ayaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Lubnaan, waxaana lagaga wada hadlay arrimo badan oo khuseeya gobolka iyo caalamka, iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah ee hay’adaha ammaanka ee labada waddan, isla markaana la isku dhaafsado khibradaha dhinacyada kala duwan leh. Reysal Wasaare Ku Xigeenka koowaad ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheikh Fahd Yusuf Sacud AL-Sabax ayaa shalay oo Axad ahayd booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxda Sare.
ISHA-AA.
MUDAAHARAAD KA DHACAY CIRAAQ OO HAL QOF UU KU DHINTAY.
(SAWIRKA)-IRBIIL.
(IRBIL/IRAQ)-Wararka laga helaayo caasimadda Kurdistaanta Ciraaq ee Irbiil ayaa sheegaayo in Nin lagu dilay Gobolka Kurdistan ee ismaamulka Ciraaq dabayaaqadii Axadda intii lagu jiray mudaaharaadyo looga soo horjeeday korontadda oo go’oday, dadka deegaanka iyo ilo caafimaad ayaa u sheegay AFP. Dadka ku nool gobolka Rawandz ee Waqooyi bari ka xiga caasimadda Kurdistan ee Irbil, ayaa sheegay in dibadbaxayaasha ay isugu soo baxeen waddooyinka, ayna xireen waddo weyn oo soo marta xuduudda Iran. Ciidamada ammaanka ayaa soo farageliyay si ay wadada u furaan, taasoo keentay iska hor imaad, sida ay sheegeen, iyadoo banaanbaxa uu soo dhamaaday wax yar ka dib. Ilo ku sugan isbitaalka Ashti ee deegaanka ayaa sheegay in "Meydka nin lagu dilay rasaas uu soo gaaray isbitaalka," iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen inuu ku lug lahaa dibadbaxyada. Duruufaha ku xeeran toogashada ayaan si deg deg ah loo ogeyn, balse qof mudaaharaadayay ayaa AFP u sheegay in “ciidamada ammaanku ay toogteen” qaraabadiisa, ayaa sheegay inuu yahay 45 jir ahne Aabbe dhalay 10-caruur ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka ayaa sidoo kale sheegtay Isniinta maanta ah in “isku dhacyada intii uu socday mudaaharaadku” ay sababeen dhimashada hal qof oo rayid ah, isaga oo intaa ku daray in ay bilaabi doonaan baaritaan ku saabsan dhacdada. Gobolka Waqooyi ee Kurdistan waxa uu muddo dheer naftiisa u dallacsiinayay inuu noqdo hoyga xasilloonida Ciraaq kale oo kacsan. Toddobaadkii hore, mas'uuliyiinta gobolka ayaa ku dhawaaqay in in ka badan 30 boqolkiiba gobolka Kurdistan ay hadda haystaan koronto 24-saac ah, oo ay dowladdu bixiso. Si kastaba ha ahaatee, meelo badan ayaa weli la ildaran go'id dheer oo koronto ah, taas oo ku qasabta qoysas badan inay ku tiirsanaadaan koronto-dhaliyeyaasha gaarka ah. Inkastoo Ciraaq ay ku badan tahay keydka saliidda iyo gaaska, sannado badan oo colaado ah ayaa burburiyay kaabayaashiisa. Shabakadda qaranku waxay la halgamaysaa sidii ay u dabooli lahayd baahida, taasoo ka dhigaysa in aagagga badankoodu ay ku tiirsan yihiin tamarta dibadda laga keeno badiyaa ka imanaysa Iran dariska la ah oo ay ku xiran tahay koronto-joojin joogto ah, gaar ahaan xilliga xagaaga.
ISHA-AN.
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SURIYA OO KA HADLAY COLAADA…
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SYRIA ASCAD AL-SHEYBAANI.
(SYRIA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya Ascad AL-Sheybaani ayaa ku nuux-nuuxsaday Isniinta maanta ah in hub ku dhex-Qaadista dalkiisa ay mas'uul ka tahay dowladda oo keliya, isagoo tixraacaya dhacdooyinka ka socda Sweyda ee koonfurta Suuriya. Wasiirka oo Waraeysi siinaayey TV-ga AL-Carabiya ayaa hadalkiisa ku daray, "Suuriya si tartiib tartiib ah ayay u soo ceshanaysaa booskeedii dabiiciga ahaa ee ay ku lahayd fagaarayaasha Carabta iyo kuwa Caalamiga ah." Wasiirka Isagoo ka jawaabaya isku dayga ay kooxaha qaar ku doonayaan inay ku farageliyaan Arrimaha Suuriya, AL-Shaybani wuxuu yiri, "Ma jirto cid loo oggolaaday inay farageliso arrimaheena gudaha."
18-ASKERI AYAA LAGU DILAY ISKA HORIMAAD KA DHACAY SWEYDA:
Dhankeeda,Wasaaradda Difaaca ee Suuriya ayaa u sheegtay TV-ga AL-Carabiyain 18-askeri kana tirsan ciidanka lagu dilay weerarro ay kooxo hubaysan ka geysteen Sweyda. Dhanka kale,Wariyaha TV-ga AL-Carabya ayaa soo sheegay in ciidamada Difaaca Suuriya ay cutubyo dheeri ah geeyeen duleedka Sweyda. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa Isniinta maanta ah sheegtay in tiro ka mid ah ciidamada ammaanka la afduubtay intii lagu guda jiray hawlgal ka socday Sweyda si ay u xakameeyaan iska horimaadyada. Dhanka kale, talefishanka Suuriya ayaa sheegay in koox sharci-darro ah ay beegsatay cutubyo ka tirsan ciidammada Suuriya oo loo daad-gureeyay inay kala furfuraan isku-dhacyo ka dhacay agagaarka Sweyda, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac.
IN KA BADAN 30 AYAA KU DHIMATAY:
Horaantii Isniinta maanta ah, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa ku dhawaaqday in, in ka badan 30 qof ay ku dhinteen ku dhawaad 100 kalena ay ku dhaawacmeen, marka loo eego tirooyin horudhac ah, taas oo ka dhalatay iska horimaadyo hubaysan oo u dhexeeya kooxaha melleteriga maxalliga ah iyo qabaa'ilka xaafadda AL-MAQWAS ee magaalada Sweyda, oo ka soo horjeeda xiisadda sii kordheysa ee muddooyinkan hore. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa War-saxaafadeed ay soo dhigtay barteeda X ku tiRi “Arrintan halista ah waxay ku soo beegantay iyada oo ay meesha ka maqan yihiin Hay’adihii rasmiga ahaa ee ay khusaysay, taas oo ka sii dartay xaaladdii qalalaasaha ahayd iyo xaaladda ammaan oo ay sii xumaatay, taasina waxay keentay in dhimashada sii korodho, isla markaana khatar toos ah ku noqoto nabad-gelyada rayidka ah ee gobolka”. Dhanka kale, waxaa la xaqiijiyay in cutubyo ka tirsan ciidamadooda oo kaashanaya Wasaaradda Gaashaandhigga "In ay billaabi doonaan faragelin toos ah oo ay ku sameynayaan deegaanka si loo xalliyo colaadda, loona joojiyo colaadda, lana soo celiyo amniga, lana baacsado ciddii mas'uul ka ah shilalkaas, loona gudbiyo garsoorka awoodda u leh." Dhankooda, Ciidamada Ammaanka Gudaha ee Gobolka Darca ayaa hawlgal amni oo habaysan ka fuliyay xuduudka maamulka ee kala qaybiya Gobollada Darca iyo Sweyda, taasoo jawaab u ah horumarradii amni ee dhawaan ka dhacay degaanno ka tirsan Gobolka Sweyda iyo khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee weheliya, sida ay sheegtay wakaaladda Wararka Suriya ee SANA.
XIGASHO-AL-CARABIYA.
DAGAALO QABAA’IL OO KA DHACAY GUDAHA DALKA SURIYA.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA AMAANKA SURIYA.
(DIMISIHIQ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimisihiq ayaa sheegaayo in Isku dhacyo u dhexeeya qabaa'ilka Bedwiyiin iyo dagaalyahannada maxalliga ah ee ku sugan magaalada Druze oo ay ku xoogan yihiin Sweyda ee Koonfurta Suuriya ayaa dilay 37 qof, kormeere dagaal ayaa Isniintii sheegay, iyadoo mas'uuliyiintu ay u direen ciidamo si ay xaaladda u dejiyaan. Iska horimaadkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay dad badan ku dhinteen oo deegaankaas ka dhaca tan iyo markii ay dagaallameen dad ka soo jeeda beesha Druze iyo ciidamada ammaanka oo ay ku dhinteen dad badan bilihii April iyo May. Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan 37 qof la dilay oo 27 ka mid ah ay yihiin Druze oo ay ku jiraan laba caruur ah, iyo 10 ka mid ah ay yihiin dadka reer Bedwiyiin. Horaantii Axadda maanta ah, dadka dega Sweida 24 ayaa si hordhac ah u sheegay 10 qof oo la dilay iyo 50 kale oo lagu dhaawacay labada dhinac. Waxa ay sidoo kale sheegeey in la xiray wadada weyn ee isku xirta Dimishiq iyo Sweyda rabshadaha awgeed. Illo ka tirsan dowladda Suuriya, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, maadaama loo diiday inay warbaahinta u sheegaan, ayaa u sheegay AFP in mas'uuliyiintu ay u dirayaan ciidamo si ay xaaladda u dejiyaan. Gudoomiyaha Sweyda Mustafa AL-Bakur ayaa ugu baaqay xubnihiisa inay "is-xakameeyaan oo ay ka jawaabaan baaqyada qaran ee dib u habeynta." Dhowr ka mid ah hoggaamiyeyaasha ruuxiga ah ee Druze ee Suuriya ayaa sidoo kale ku baaqay is deji waxayna ka codsadeen Dimishiq inay soo farageliso. Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku la soo dhoobay xudduudaha maamulka ee u dhaxeeya gobollada Darca iyo Sweyda iyadoo la eegayo xaaladda. Rabshadahaas awgeed, Wasaaradda Waxbarashadu waxay ku dhawaaqday in dib loo dhigay imtixaankii rasmiga ahaa ee dugsiga sare ee Sweyda maalinta Isniinta ilaa taariikhda mustaqbalka la qabanayo. Dadka reer Druze ee Suuriya ka hor dagaalka sokeeye ayaa lagu qiyaasaa 700,000 oo qof, iyadoo gobolka Sweyda uu hooy u yahay bulshada ugu badan. Kooxaha Bedwiyiin iyo Druze ayaa colaad soo jireen ah ka dhexaysa Sweyda, rabshado ayaa mararka qaar ka dhex qarxa labadooda. Tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar AL-Asad oo muddo dheer xukumayay dalka Suuriya, waxaa walaac laga muujinayay xuquuqda iyo badqabka dadka laga tirada badan yahay ee hoos taga maamulka cusub ee Islaamiyiinta, kuwaasoo sidoo kale la daalaa dhacayay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen ammaanka guud ahaan. Isku dhacyada u dhexeeya ciidamada cusub iyo dagaalyahanada Druze bilihii April iyo May ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan, iyadoo hogaamiyayaasha maxalliga ah iyo culimada diinta ay saxiixeen heshiisyo lagu xakameynayo kororka iyo in dagaalyahanada Druze si wanaagsan loogu daro dowladda cusub.
ISHA-AN.
BAADIGOOBA SHAQAALIHII MARKABKA ETERNITY C OO LA JOOJIYEY.
(SAWIRKA)-ETERNITY C OO QUUSAY.
(ATHENS)-Wakaaladaha badda ee Diaplous iyo Ambrey ayaa sheegay Axada maanta ah iney soo afjareen baadigoobkii ey ku baadigoobayeen shaqaalihii haray Markabka Xamuulka ah ee Eternity C oo ey weerareen Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen todobaadkii hore. Go’aanka ayaa lagu gaaray codsi ka yimid Mulkiilaha Markabka, sida ey sheegeen labada Hay’adood. Markabka Eternity C ee uu ka babanayay calanka Laybeeriya ayaa degay Subaxnimadii Arbacada ka dib weeraro laba maalmood oo xiriir ah socday, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan shirkadaha ammaanka ee ku lug lahaa howlgalka samata bixinta. 10 ka mid ah shaqaalah Markabka oo ka kooban 22 shaqaale ah iyo saddex ilaalo ah ayaa la soo badbaadiyay. 15-ka qof ee soo hartay ayaa loo arkaa in la la’yahay, oo ey ku jiraan shan la rumeysan yahay in ey dhinteen, sida ey sheegeen laamaha ammaanka badda. Xuutiyiinta ayaa sheegay iney soo badbaadiyeen qaar ka mid ah shaqaalihii Markabka. Shaqaalihii saarnaa Markanbka ayaa isugu jiray 21 Filibiin ah iyo mid Ruush ah. Saddex ilaalo ah oo hubaysan ayaa sidoo kale la socday, mid Greek ah iyo mid Hindi ah, kuwaasoo labadoodaba la soo badbaadiyay. "Go'aanka lagu soo afjarayo baaritaanka waxaa u qaatay Mulkiilaha Markabka si cagajiid ah, laakiin waxay aaminsan tahay in, dhammaan duruufaha, mudnaanta ey tahay in hadda la helay 10-ka qofood si badbaado leh oo ku nool xeebta," Diaplous iyo shirkadda ammaanka Ingiriiska ee Ambrey ayaa ku yiri bayaan wadajir ah. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegatay mas'uuliyadda weerar kan la mid ah Axaddii lasoo dhaafay oo lagu bartilmaameedsaday markab kale oo lagu magacaabo Seas Magic. Dhammaan shaqaalihii la socday Markabka Magic ayaa la badbaadiyay ka hor intaysan quusin. Weerarada lagu qaaday labada markab ayaa waxa ey dib u bilaabeen olole ey wadaan dagaalyahanada xulafada la ah Iran kuwaasoo weeraray in ka badan 100 markab laga soo bilaabo November 2023 ilaa December 2024 taas oo ey ku sheegeen iney garab taagan yihiin Falastiiniyiinta.
ISHA-AN.