TURKIGA IYO 10-DAL OO CARBEED AYAA CANBAAREEYEY DUQEYNTA ISRA’IIL EE SURIYA.

(SAWIRKA)-SURIYA.

(ISTANBUL)-Turkiga iyo 10 wadan oo Carbeed ayaa Khamiista maanta ah dib u xaqiijiyay inay taageerayaan Ammaanka, Midnimada, Xasiloonida iyo Madaxbanaanida dalka Suuriya, iyagoo diiday dhammaan noocyada faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha ee dalkaas, waxayna cambaareeyeen weerarada soo noqnoqday ee Israa'iil, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay daabacday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga. War Saxaafadeedka ayaa waxaa soo saaray Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Turkiga, Jordan, Imaaraadka, Baxrayn, Sacuudiga, Ciraaq, Cumaan, Qatar, Kuwait, Lubnaan iyo Masar. Wasiiradu waxay carabka ku adkeeyeen in la taageero Amniga, Midnimada, Xasiloonida iyo Madaxbanaanida Suuriya iyo diidmada dhammaan faragelinta shisheeye ee arrimaheeda. Waxa ay sidoo kale soo dhaweeyeen heshiis xabad joojin ah oo dhawaan ka dhacay Gobolka Koofureed ee Suwayda iyagoo ku baaqay in si buuxda loo dhaqan galiyo. War-murtiyeedka wadajirka ah ayaa ku tilmaamay heshiiska xabbad-joojinta inuu muhiim u yahay ilaalinta Midnimada Suuriya, ilaalinta rayidka, iyo ilaalinta sharciga iyo Madax-bannaanida Dawladda. Waxay soo dhawaysay sida ay uga go'an tahay Madaxweynaha Suuriya Axmad AL-Sharac in lala xisaabtamo dhammaan shakhsiyaadka mas'uulka ka ah xadgudubyada ka dhanka ah dadka deggan Suwayda. 11-ka waddan ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay inay taageerayaan dhammaan dadaallada lagu doonayo in lagu soo celiyo Amniga iyo Maamulka Dowladeed ee Suweyda iyo guud ahaan dalka, iyagoo diiday rabshadaha, kooxeysiga, kicinta, iyo hadalada nacaybka. Wasiirada ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha isdaba jooga ah oo ay Israa’iil ku heyso dhulka Suuriya, waxayna ku tilmaameen xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Madax banaanida Suuriya. Waxa ay ka digeen in weeraradu ay wax u dhimaan Amniga, Xasiloonida, Madaxbanaanida dhuleed, iyo badqabka muwaadiniinteeda, iyagoo dhanka kale caqabad ku ah dadaalada dowladda Suuriya ay ku doonayso in ay ku dhisto mustaqbal xasiloon oo ka soo baxa rabitaanka shacabka Suuriya. Wadamadu waxay ku nuuxnuuxsadeen in xasiloonida Suuriya iney lama huraan u tahay ammaanka guud ee gobolka, ayna tahay inay ahaato mudnaan la wadaago. Waxa ay sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka in ay taageerto hannaanka dib u dhiska dalka Suuriya, waxaana ay ku booriyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu ilaaliyo mas’uuliyadiisa dhanka sharciga iyo akhlaaqda ah, iyadoo la xaqiijinayo in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo dhulalka Suuriya ee ay haysato, isla markaana ay joojiso dhammaan colaadaha iyo faragelinta Suuriya, lana dhaqan geliyo Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2766 iyo sidoo kale heshiiskii 1974-kii ee ka bixitaanka. Hadalkan ayaa imaanaya maalin ka dib markii ciidamada Israa’iil ay duqaymo dhanka cirka ah ku qaadeen in ka badan 160 bartilmaameed oo ku kala yaalla afar gobol oo Suuriya ka tirsan Suwayda, Darca, Dimishiq, iyo baadiyaha Dimishiq oo ay ku dileen saddex qof 34 kalena ku dhaawacmeen caasimadda oo keliya. Israa'iil waxay marmarsiyo u soo qaadatay "ilaalinta bulshooyinka Druze" weerarrada ay ka waddo Suuriya, gaar ahaan koonfurta dalkaas. Si kastaba ha ahaatee, inta badan hogaamiyayaasha Druze ee Suuriya ayaa si cad u diiday faragelin kasta oo shisheeye waxayna xaqiijiyeen inay ka go'an tahay in la helo dawlad midaysan oo Suuriya ah. Ka dib dhicitaankii Assad bishii Diseembar 2024, Israa'iil waxay xoojisay ololaheeda cirka ee Suuriya waxayna ku dhawaaqday in aagga u dhexeeya labada dal uu burburay iyada oo ay weheliso Heshiiskii Kala dirida ee 1974.

ISHA-ANADOLU.

Next
Next

ISRA’IIL OO DUQEYSAY KANIISADDA KAATOOLIGA EE MARINKA GAZA.