WADA HADALADII ISRA’IIL IYO XAMAAS OO KU DHAW INEY BURBURAAN.
(SAWIRKA)-GEBTAAL KU SOO DHACAY ISRA’IIL
(GAZA)-Garabka hubaysan ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa Jimcaha ku eedeeyay Israa’iil iney hor istaagtay heshiis laga gaaray wadahadaladii xabad joojinta ku meel gaarka ah iyo sii deynta la haystayaasha Gaza. Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka guutada Cizadiin AL-Qasaam, ayaa bayaan muuqaal ah ku sheegay in Hamas "mar walba ey soo jeediso heshiis dhameystiran oo dib u soo celin doona dhammaan la haystayaasha hal mar." Laakiin waxa uu sheegay in Israa’iil “ey diiday waxa aanu soo jeedinay,” isaga oo ku booriyay iney dib u eegto. "Haddii cadowgu uu ku sii madax adaygo wareeggan wada xaajoodka ma dammaanad qaadi karno soo noqoshada hindisayaasha heshiiska qayb ahaan oo ey ku jiraan 10-Maxbuus (la haystayaal) oo la soo bandhigay," ayuu raaciyay. Dhinaca kale,Ciidanka Israa’iil ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in hab-dhiskooda difaaca cirka ey qabteen gantaal laga soo ganay waqooyiga marinka Qaza kuna sii jeeday koonfurta Israa’iil. War qoraal ah oo ey ciidamadu soo saareen ayay ku sheegeen in gantaalku uu kiciyay seeriga digniinta ee aagga xadka Isra’iil ee Netiv HaAsara. Madfaca ayaa hawada lagu qabtay iyadoo aan la soo sheegin wax dhaawaca uu geystay. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay koox Falastiiniyiin ah oo ku aadan gantaalkan. Diidmada baaqyada caalamiga ah ee xabbad joojinta, ciidamada Israa’iil ayaa ku guda jiray weerar bahalnimo oo ey ku qaadeen Marinka Gaza tan iyo 7-dii Oct, 2023, halkaasoo ey ku dileen ku dhawaad 59,000 oo Falastiiniyiin ah ilaa hadda, kuwaasoo u badan haween iyo caruur. Duqeymahan aan kala joogsiga lahayn ayaa baabi’iyay deegaanadaasi waxaana ka dhashay cunto yari iyo cuduro faafa. Bishii November ee la soo dhaafay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Israa'iil ayaa sidoo kale wajahaysa kiis xasuuq ah oo ka socda Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda oo ku saabsan dagaalka ey ku hayso dhulka reer Falastiin.