QABAA’ILKA SUWEYDA OO KU HESHIIYEY XABAD JOOJIN DEG DEG AH.
(SAWIRKA)-QABAA’ILKA SUWEYDA EE HUBEYSAN.
(SYRIA)-Iska horimaadyo hubaysan ayaa weli kasii socda Sabtida maanta ah Goboka Suweyda kuwaaso u dhexayo dagaalyahannada Qabaa'ilka Bedwiyiinta iyo kooxaha hubaysan ee maxalliga ah ee Suwayda, Suuriya xitaa iyada oo ciidamada ammaanka gudaha ay bilaabeen in ay geeyaan guud ahaan gobolka si ay u dhaqangeliyaan heshiis xabbad-joojin ah oo waddanka oo dhan ah. Sida ay ku warantay Wakaalada Wararka ee dowlada ee SANA, cutubyo ka tirsan ciidamada amaanka ayaa durba bilaabay in la geeyo Suwayda iyo nawaaxigeeda si ay u dhaqan galiyaan qodobada xabad joojinta iyo sidii xaalada loo dejin lahaa. Si kastaba ha ahaatee, dagaal xooggan ayaa weli ka socda qeybo ka mid ah gobolka, sida ay sheegtay Xukuumadda Suriya. Horaantii Sabtida maanta ah Madaxtooyada Suuriya ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin dhammaystiran oo deg deg ah ka dib maalmo rabshado ka socdeen gobolka koonfureed. Julaay 13keedii, iska hor imaadyo ayaa dhex maray qabaa'ilka Carabta Bedwiyiinta iyo kooxaha Druze ee hubaysan ee Suwayda. Rabshadaha ayaa sii kordhay waxaana xigay duqeymaha cirka ee Israa’iil, oo ay ku jiraan saldhigyada ciidamada Suuriya iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda Dimishiq. Israa'iil waxay soo xigatay baahida loo qabo in la ilaaliyo bulshooyinka Druze si ay marmarsiiyo uga dhigto weerarrada ay ka waddo dhulka Suuriya. Bashaar AL-Asad oo ahaa hogaamiyihii Suuriya ku dhawaad 25 sano ayaa u baxsaday dalka Ruushka bishii December, isagoo soo afjaray taliskii Baath Party oo xukunka hayay tan iyo 1963-dii. Maamul cusub oo ku meel gaar ah oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmad AL-Sharaa ayaa lagu dhisay Suuriya bishii Janaayo ee sannadkan 2025-ka. Dhinaca kale,Golaha qabaa’ilka iyo qabaa’illada Suuriya ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqay in ay si buuxda uga go’an tahay xabbad-joojin dhammaystiran oo deg deg ah oo uu Madaxtooyadu kaga dhawaaqday Gobolka Koonfureed ee Suwayda. Warbixin laga sii daayay Telefishinka, ayaa Hay’addu ku xaqiijisay inay taageersan tahay go’aanka Dowladda ee ku aadan joojinta dagaalka iyo in la furo wadooyinka soo gala Gobolka. Goluhu wuxuu sidoo kale soo saaray digniin ah in haddii beesha Druze ay u hoggaansami weydo heshiiska xabbad joojinta, ay "diyaarin doonaan inay ka jawaabaan wakhti kasta." Horaantii Sabtida maanta ah, Madaxtooyada Suuriya ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin dhammaystiran oo deg deg ah ka dib maalmo rabshado ay ka socdeen Gobolka oonfureed ee Suwayda.
ISHA-AA.