HOGAAMIYAHA SUUDAAN OO MARKII UGU HOREYSAY DIYAAR KU TEGAY KHARTUUM.
(SAWIRKA)-C/FATAAX AL-BURHAANI.
(SUDAN)-Wararka laga helaayo dalka uudaan ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Golaha Qaranimada Suudaan Abdel Fataax AL-Burhaan ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan .
MARKII UGU HOREYSAY:
Diyaaradda Madaxweynaha ee Golaha Madaxbanaanida ayaa ku degtay Garoonka Khartuum, waana diyaaraddii ugu horreysay ee rayid ah oo ku degta halkaas tan iyo markii uu dagaalku billowday dalka Suudaan bishii Abriil 14, 2023. AL-Burhaan waxaa sidoo kale ku qaabilay magaaladda Khartuum taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Suudaan, G/sare Maxamed Cismaan AL-Xuseen, isagoo uga warbixiyay xaaladda amni ee dalka iyo dadaallada socda, sida ay sheegtay Warbaahinta Golaha Madaxbanaanida. AL-Burhaan ayaa horay ugu soo degtay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Khartuum muddo saddex bilood ah ka hor, ka dib markii la soo gabagabeeyay gacan ku haynta caasimadda. Si kastaba ha ahaatee, soo degista diyaaraddan maanta oo Sabti ahayd ayaa ahayd tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ay ku degto laamiga garoonka tan iyo markii uu dagaalku billowday, iyadoo xayndaabka garoonka iyo dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ay ka mid ahaayeen goobihii ugu horeeyay ee iska hor-imaadyadu ka dhacaan, iyadoo ay ugu wacan tahay in garoonka uu u dhow yahay hoyga Burhaan iyo taliska ciidanka.
BAXNAANINTA KHARTUUM LIX BILOOD GUDAHOOD:
Arrintan ayaa timid ka dib markii Raysal Wasaaraha Suudaan, Kamil Idriss uu xaqiijiyay in Khartoum si buuxda loogu dayactiri doono lix bilood gudahood. Raysal Wasaaraha Suudaan ayaa ku daray hadal uu ku qoray bogga AL-Carabiya Sabtida maanta ah in dowladdu ay si tartiib tartiib ah u bilaabi doonto shaqada bilaha soo socda. Waxaa xusid mudan in RW-Idiris iyo wafdi la socday ay Jimcihii gaareen caasimadda Khartoum. Booqashadan ayaa ahayd tii ugu horeysay tan iyo markii xilkan loo magacaabay ku dhawaad labo bilood ka hor, si uu ugu kuur galo xaalada caasimada oo ay ka jirto hoos u dhac baahsan oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah, waxaana halkaasi ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidamada Sudan iyo ciidamada sida deg dega ah u taageera. RW-Idiris ayaa horay u sheegay in dowladdu ay si tartiib tartiib ah ugu laaban doonto Khartoum, ka dib markii ay ciidamadu ku dhawaaqeen inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta caasimadda. Si kastaba ha ahaatee, soo laabashadan ayaa hor-yaala caqabado dhowr ah oo ay ugu weyn tahay burburka baahsan ee soo gaaray bartamaha magaalada oo ay ku yaallaan inta badan xarumihii dowladda iyo Wasaaradaha,kuwaaso la gubay,laguna burburiyey dagaaladdii dhacay.
ISHA-AL-CARABIYA TV.