ISRA’IIL OO DUQEYSAY KANIISADDA KAATOOLIGA EE MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-BAADARIGA ROMANELLI OO DHAWAC AH.
(GAZA)-Wadaadka Laatiin ee ku sugan magaaladda Qudus ayaa xaqiijiyey maanta oo khamiis ah in laba qof lagu dilay weerar u muuqda iney fuliyeen ciidamadda Isra’iil oo lagu qaaday Xarun ey leeyihiin Kaatooliga oo ku taallo Gaza. Baadariga Laatiinka ah oo gacanta ku haayo Kaniisada Gaza ayaa yiri”Waxaan ilaaheey ugu bareyeynaa inuu u naxariisto janana ka waraabiyo,kana soo afjaro dagaalkan waxashnimada ah,mana jirto wax qiil ah in la beegsado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan”. Kaniisadda HOLY FAMILY oo ku taallo Marinka Gaza ayaa lagu garaacay bambooyin aad u culus subaxnimadii maanta oo khamiis ah,halkaaso ey ku dhinteen laba qof, lix kalane ey ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Baadarigii Kaniisadda, sida ey sheegeen Saraakiisha Kaniisadda Kaatooliga. Baadarig Romanelli waxa uu si aad ah ugu dhawaa POPE FRANCIS-kii dhintay,waxayna labadooda ka hadli jireen dagaalka ka socodo Marinka Gaza. Saraakiisha ayaa sheegay in Kaniisadda ey waxyeelo ka soo gaartay weerarka, oo goobjoogayaal ey ku tilmaameen iney duqeeyeen Taangiyadda Isra’iil. Dhankeeda, Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa Israiil ku eedeysay masuuliyadda weerarka Kaniisadda Kaatooliga. Meloni ayaa tiri ”Weeraradda Isra’iil ee bilaha ah waa wax aan la aqbali karin,ma jirto tallaabo mileteri oo cudurdaar u noqon karta dhaqankaas foosha xun”,Ciidamadda Isra’iil ayaa sheegay goor dambe oo maanta ah iney baarayaan dhacdadaas. Baadarigii dhintay ee Pope Francis inuu si joogta ah ula xiriiri jiray Kaniisadda kaliyah ee Kaatooliga ah ee Marinka Gaza 18-kii bilood ee ugu dambeysay noloshiisa,isaga oo wax ka weydiinaayey sida xubnaheeda ey ula tacaalayaan dagaalka khasaaraha badan dhalliyey ee ka socdo Marinka Gaza. Warar ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu uu qirtay in ciidamadda Isra’iil weerareen ka dib markii ey wada hadleen Madaxweynaha Maraykanka Trump.
ISHA-AA.