BAADIGOOBA SHAQAALIHII MARKABKA ETERNITY C OO LA JOOJIYEY.

(SAWIRKA)-ETERNITY C OO QUUSAY.

(ATHENS)-Wakaaladaha badda ee Diaplous iyo Ambrey ayaa sheegay Axada maanta ah iney soo afjareen baadigoobkii ey ku baadigoobayeen shaqaalihii haray Markabka Xamuulka ah ee Eternity C oo ey weerareen Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen todobaadkii hore. Go’aanka ayaa lagu gaaray codsi ka yimid Mulkiilaha Markabka, sida ey sheegeen labada Hay’adood. Markabka Eternity C ee uu ka babanayay calanka Laybeeriya ayaa degay Subaxnimadii Arbacada ka dib weeraro laba maalmood oo xiriir ah socday, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan shirkadaha ammaanka ee ku lug lahaa howlgalka samata bixinta. 10 ka mid ah shaqaalah Markabka oo ka kooban 22 shaqaale ah iyo saddex ilaalo ah ayaa la soo badbaadiyay. 15-ka qof ee soo hartay ayaa loo arkaa in la la’yahay, oo ey ku jiraan shan la rumeysan yahay in ey dhinteen, sida ey sheegeen laamaha ammaanka badda. Xuutiyiinta ayaa sheegay iney soo badbaadiyeen qaar ka mid ah shaqaalihii Markabka. Shaqaalihii saarnaa Markanbka ayaa isugu jiray 21 Filibiin ah iyo mid Ruush ah. Saddex ilaalo ah oo hubaysan ayaa sidoo kale la socday, mid Greek ah iyo mid Hindi ah, kuwaasoo labadoodaba la soo badbaadiyay. "Go'aanka lagu soo afjarayo baaritaanka waxaa u qaatay Mulkiilaha Markabka si cagajiid ah, laakiin waxay aaminsan tahay in, dhammaan duruufaha, mudnaanta ey tahay in hadda la helay 10-ka qofood si badbaado leh oo ku nool xeebta," Diaplous iyo shirkadda ammaanka Ingiriiska ee Ambrey ayaa ku yiri bayaan wadajir ah. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegatay mas'uuliyadda weerar kan la mid ah Axaddii lasoo dhaafay oo lagu bartilmaameedsaday markab kale oo lagu magacaabo Seas Magic. Dhammaan shaqaalihii la socday Markabka Magic ayaa la badbaadiyay ka hor intaysan quusin. Weerarada lagu qaaday labada markab ayaa waxa ey dib u bilaabeen olole ey wadaan dagaalyahanada xulafada la ah Iran kuwaasoo weeraray in ka badan 100 markab laga soo bilaabo November 2023 ilaa December 2024 taas oo ey ku sheegeen iney garab taagan yihiin Falastiiniyiinta. 

ISHA-AN.

Previous
Previous

DAGAALO QABAA’IL OO KA DHACAY GUDAHA DALKA SURIYA.

Next
Next

CIIDAMADDA RSF-TA SUDAN OO GEYSTAY WEERAR DAD BADAN KU DHINTEEN.