CIIDAMADDA RSF-TA SUDAN OO GEYSTAY WEERAR DAD BADAN KU DHINTEEN.
9SAWIRKA)-BURRBURKA GAARAY DHISMAYAAL.
(SUDAN)-Ugu yaraan 11 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan saddex caruur ah, ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen ciidammada deg dega ah ee Taageerada deg dega ah (RSF) ee Waqooyiga Gobolka Kordofaan ee Galbeedka dalka Suudaan, sida ay sheegeen dhakhaatiirta maxalliga ah Axada maanta ah. War ay soo saartay Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa lagu sheegay in 31 qof oo kale oo ay ku jiraan 9-Haween ah oo qaarkood ey Uur leyihiin ay ku dhaawacmeen weerarka lagu bartilmaameedsaday deegaanka Shaq AL-Nuum ee gobolkaasi. Waxay ugu yeertay weerarka "Mid ka mid ah weerarada Naxariis darada ah ee ugu xun oo si bareer ah ugu xad-gudbay dhammaan xeerarka bani'aadamnimada iyo heshiisyada caalamiga ah." Shabakadu waxay ugu baaqday beesha caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, "Inay si deg deg ah oo dhab ah u dhaqmaan si ay u joojiyaan xadgudubyadan qorsheysan, oo ay ka shaqeeyaan sidii dambiilayaasha loo horkeeni lahaa cadaaladda." RSF, ayaa dhankeeda ku eedeysay ciidanka Suudaan iney fuliyeen duqeymo halis ah oo loo adeegsaday bambooyinka fuustooyinka xaafado ka tirsan magaalada AL-Fulah ee Galbeedka Gobolka Kordofan. Bayaan ay soo saartay, kooxda fallaagada waxay ku andacoodeen in weeraradu ay "sii wadaan ciidanka dawladda Sudan ey yihiin olole ciidanku ku hayo isir-sifinta iyo xasuuqa." Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidanka Suudaan oo ku aadan sheegashada RSF. Waqooyiga Kordofan ayaa waxaa ka dhacay weerarro aad u badan iyadoo ay weli dalka ka taagan tahay colaadda u dhexeysa ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF. Ciidanka iyo RSF waxa ay dagaalameen tan iyo bishii Abriil 2023 kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20,000 oo dhibanayaal ah 14 milyanna ay ku barokaceen, sida ay sheegeen UN iyo maamullada maxalliga ah. Cilmi baaris laga sameeyay Jaamacadaha Mareykanka, si kastaba ha ahaatee, waxay ku qiyaastay tirada dhimashada ku dhawaad 130,000-Qofood.
ISHA-ANADOLU.