DAGAALO QABAA’IL OO KA DHACAY GUDAHA DALKA SURIYA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA AMAANKA SURIYA.

(DIMISIHIQ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimisihiq ayaa sheegaayo in Isku dhacyo u dhexeeya qabaa'ilka Bedwiyiin iyo dagaalyahannada maxalliga ah ee ku sugan magaalada Druze oo ay ku xoogan yihiin Sweyda ee Koonfurta Suuriya ayaa dilay 37 qof, kormeere dagaal ayaa Isniintii sheegay, iyadoo mas'uuliyiintu ay u direen ciidamo si ay xaaladda u dejiyaan. Iska horimaadkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay dad badan ku dhinteen oo deegaankaas ka dhaca tan iyo markii ay dagaallameen dad ka soo jeeda beesha Druze iyo ciidamada ammaanka oo ay ku dhinteen dad badan bilihii April iyo May. Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan 37 qof la dilay oo 27 ka mid ah ay yihiin Druze oo ay ku jiraan laba caruur ah, iyo 10 ka mid ah ay yihiin dadka reer Bedwiyiin. Horaantii Axadda maanta ah, dadka dega Sweida 24 ayaa si hordhac ah u sheegay 10 qof oo la dilay iyo 50 kale oo lagu dhaawacay labada dhinac. Waxa ay sidoo kale sheegeey in la xiray wadada weyn ee isku xirta Dimishiq iyo Sweyda rabshadaha awgeed. Illo ka tirsan dowladda Suuriya, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, maadaama loo diiday inay warbaahinta u sheegaan, ayaa u sheegay AFP in mas'uuliyiintu ay u dirayaan ciidamo si ay xaaladda u dejiyaan. Gudoomiyaha Sweyda Mustafa AL-Bakur ayaa ugu baaqay xubnihiisa inay "is-xakameeyaan oo ay ka jawaabaan baaqyada qaran ee dib u habeynta." Dhowr ka mid ah hoggaamiyeyaasha ruuxiga ah ee Druze ee Suuriya ayaa sidoo kale ku baaqay is deji waxayna ka codsadeen Dimishiq inay soo farageliso. Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku la soo dhoobay xudduudaha maamulka ee u dhaxeeya gobollada Darca iyo Sweyda iyadoo la eegayo xaaladda. Rabshadahaas awgeed, Wasaaradda Waxbarashadu waxay ku dhawaaqday in dib loo dhigay imtixaankii rasmiga ahaa ee dugsiga sare ee Sweyda maalinta Isniinta ilaa taariikhda mustaqbalka la qabanayo. Dadka reer Druze ee Suuriya ka hor dagaalka sokeeye ayaa lagu qiyaasaa 700,000 oo qof, iyadoo gobolka Sweyda uu hooy u yahay bulshada ugu badan. Kooxaha Bedwiyiin iyo Druze ayaa colaad soo jireen ah ka dhexaysa Sweyda, rabshado ayaa mararka qaar ka dhex qarxa labadooda. Tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar AL-Asad oo muddo dheer xukumayay dalka Suuriya, waxaa walaac laga muujinayay xuquuqda iyo badqabka dadka laga tirada badan yahay ee hoos taga maamulka cusub ee Islaamiyiinta, kuwaasoo sidoo kale la daalaa dhacayay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen ammaanka guud ahaan. Isku dhacyada u dhexeeya ciidamada cusub iyo dagaalyahanada Druze bilihii April iyo May ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan, iyadoo hogaamiyayaasha maxalliga ah iyo culimada diinta ay saxiixeen heshiisyo lagu xakameynayo kororka iyo in dagaalyahanada Druze si wanaagsan loogu daro dowladda cusub.

ISHA-AN.

Next
Next

BAADIGOOBA SHAQAALIHII MARKABKA ETERNITY C OO LA JOOJIYEY.