WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SURIYA OO KA HADLAY COLAADA…

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SYRIA ASCAD AL-SHEYBAANI.

(SYRIA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya Ascad AL-Sheybaani ayaa ku nuux-nuuxsaday Isniinta maanta ah in hub ku dhex-Qaadista dalkiisa ay mas'uul ka tahay dowladda oo keliya, isagoo tixraacaya dhacdooyinka ka socda Sweyda ee koonfurta Suuriya. Wasiirka oo Waraeysi siinaayey TV-ga AL-Carabiya ayaa hadalkiisa ku daray, "Suuriya si tartiib tartiib ah ayay u soo ceshanaysaa booskeedii dabiiciga ahaa ee ay ku lahayd fagaarayaasha Carabta iyo kuwa Caalamiga ah." Wasiirka Isagoo ka jawaabaya isku dayga ay kooxaha qaar ku doonayaan inay ku farageliyaan Arrimaha Suuriya, AL-Shaybani wuxuu yiri, "Ma jirto cid loo oggolaaday inay farageliso arrimaheena gudaha."

18-ASKERI AYAA LAGU DILAY ISKA HORIMAAD KA DHACAY SWEYDA:

Dhankeeda,Wasaaradda Difaaca ee Suuriya ayaa u sheegtay TV-ga AL-Carabiyain 18-askeri kana tirsan ciidanka lagu dilay weerarro ay kooxo hubaysan ka geysteen Sweyda. Dhanka kale,Wariyaha TV-ga AL-Carabya ayaa soo sheegay in ciidamada Difaaca Suuriya ay cutubyo dheeri ah geeyeen duleedka Sweyda. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa Isniinta maanta ah sheegtay in tiro ka mid ah ciidamada ammaanka la afduubtay intii lagu guda jiray hawlgal ka socday Sweyda si ay u xakameeyaan iska horimaadyada. Dhanka kale, talefishanka Suuriya ayaa sheegay in koox sharci-darro ah ay beegsatay cutubyo ka tirsan ciidammada Suuriya oo loo daad-gureeyay inay kala furfuraan isku-dhacyo ka dhacay agagaarka Sweyda, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac.

IN KA BADAN 30 AYAA KU DHIMATAY:

Horaantii Isniinta maanta ah, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa ku dhawaaqday in, in ka badan 30 qof ay ku dhinteen ku dhawaad 100 kalena ay ku dhaawacmeen, marka loo eego tirooyin horudhac ah, taas oo ka dhalatay iska horimaadyo hubaysan oo u dhexeeya kooxaha melleteriga maxalliga ah iyo qabaa'ilka xaafadda AL-MAQWAS ee magaalada Sweyda, oo ka soo horjeeda xiisadda sii kordheysa ee muddooyinkan hore. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa War-saxaafadeed ay soo dhigtay barteeda X ku tiRi “Arrintan halista ah waxay ku soo beegantay iyada oo ay meesha ka maqan yihiin Hay’adihii rasmiga ahaa ee ay khusaysay, taas oo ka sii dartay xaaladdii qalalaasaha ahayd iyo xaaladda ammaan oo ay sii xumaatay, taasina waxay keentay in dhimashada sii korodho, isla markaana khatar toos ah ku noqoto nabad-gelyada rayidka ah ee gobolka”. Dhanka kale, waxaa la xaqiijiyay in cutubyo ka tirsan ciidamadooda oo kaashanaya Wasaaradda Gaashaandhigga "In ay billaabi doonaan faragelin toos ah oo ay ku sameynayaan deegaanka si loo xalliyo colaadda, loona joojiyo colaadda, lana soo celiyo amniga, lana baacsado ciddii mas'uul ka ah shilalkaas, loona gudbiyo garsoorka awoodda u leh." Dhankooda, Ciidamada Ammaanka Gudaha ee Gobolka Darca ayaa hawlgal amni oo habaysan ka fuliyay xuduudka maamulka ee kala qaybiya Gobollada Darca iyo Sweyda, taasoo jawaab u ah horumarradii amni ee dhawaan ka dhacay degaanno ka tirsan Gobolka Sweyda iyo khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee weheliya, sida ay sheegtay wakaaladda Wararka Suriya ee SANA.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

MUDAAHARAAD KA DHACAY CIRAAQ OO HAL QOF UU KU DHINTAY.

Next
Next

DAGAALO QABAA’IL OO KA DHACAY GUDAHA DALKA SURIYA.