WADA HADALADII DOOXA OO AAN WELI DHAMMAAN.

(SAWIRKA)-XAAFADAHA MARINKA GAZA.

(DOHA/QATAR)-Shabakadda wararka ee dalka Maraykanka ee Axios ayaa Axadda maanta ah sheegtay in dhexdhexaadiyayaasha Dooxa ay weli sugayaan jawaabta Xamaas ee ku aaddan soo jeedintii ugu dambeysay ee Xabbad Joojinta Marinka Gaza. Shabakadda ayaa sheegtay in Mas’uuliyiinta Xamaas ee ku sugan Doxa "ay u janjeeraan inay taageeraan soo jeedinta," isagoo intaas ku daray "Garabka milateriga Xamaas ma aysan soo dirin jawaab cad oo la xiriirta soo jeedintan." Wada-xaajoodyo aan toos ahayn oo ka socda magaalada Dooxa, Israa’iil iyo Xamaas waxay isku dayayeen muddo bilo ah sidii loo gaari lahaa xal u oggolaanaya xabbad-joojin 60- maalmood ah iyo sii deynta Maxaabiista. Diblomaasiyiin ka kala socda Qadar, Masar iyo Mareykanka ayaa dhexdhexaadin wada, waxaana warbaahinta Israa’iil ay dhawaan sheegtay in horumar laga gaaray, balse ma muuqato guul dhab ah. Dhinaca kale, madaxa shaqaalaha Israa’iil Eyal Zamir ayaa muujiyay sida uu u aaminsan yahay in suurtagalnimada xabbad joojin laga gaaro dagaalka Gaza iyo heshiiska lagu sii daayo Maxaabiista Xamaas ay sii kordheyso. Intii lagu guda jiray booqasho uu ku tagay ciidamada Isra’iil ee ku sugan Marinka Gaza Axada, Zamir wuxuu carabka ku adkeeyay in taliska ciidanku uu u diyaarsan yahay dhammaan xaaladaha. Waxa uu yiri, isaga oo aan tafaasiil ka bixin doorashooyinkan, “Waxa aanu qaadan doonaa habab cusub oo hawl-gal oo kor u qaadi doona awoodeena, yaraynaysana daciifnimadayada, oo sii qoto dheerayn doonta guulahayaga dhulka”. Madaxa shaqaalaha Israa’iil ayaa intaa ku daray in xaaladahan loo soo bandhigi doono Hogaanka Siyaasadda si ey talaabadda ugu haboon uga qaadaan.

ISHA-AA.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO KU SOO XADGUDBUTAY DHULKA LUBNAAN.

Next
Next

XUKUMADA SURIYA OO CIIDAN DHEERAAD AH IYO AGAB CAAFIMAAD U DIRTAY…