XUKUMADA SURIYA OO CIIDAN DHEERAAD AH IYO AGAB CAAFIMAAD U DIRTAY…

(SAWIRKA)-CIIDAMADA AMAANKA SURIYA.

(SYRIA)-Hoggaanka ruuxiga ah ee bulshada Druze ayaa Axada maanta ah ku baaqay in dhammaan ciidamada dowladda laga saaro Sweyda, isla markaana si deg deg ah loo joojiyo dhammaan weerarada militari ee magaalada. Bulshada Druze ee Suuriya ayaa ku boorisay in dib loo bilaabo xiriirkii ay la lahaayeen dowladda Suuriya, taasoo dhabaha u xaareysa in si deg deg ah loo sii daayo maxaabiista. Horaantii Axadda, diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay inay Israa’iil leedahay ayaa dul heehaabayay magaalada Sweyda ee dalka Suuriya, iyadoo ciidamada ammaanka Suuriyana ay jid gooyo dhigeen waddooyinka laga soo galo magaaladaas. Degenaansho ayaa ka jirta magaalada Sweyda subaxnimadii Axadda, saacado ka dib markii dowladda Suuriya ay ku dhawaaqday xabbad-joojin, sida ay sheegeen laba wariye oo ka tirsan Wakaaladda Wararka ee France-Presse iyo goob-joogayaal. Kooxaha Druze-ga ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalada, waxaana ciidamada dowladda Suuriya ay dib u daabuleen aaggaas ka dib toddobaad rabshado diimeed oo ay ku dhinteen ku dhawaad 1,000 qof. Labo wariye oo ka tirsan Wakaalada France Press oo ku sugan duleedka Sweyda ayaa kormeeray kolonyada gargaarka bini’aadantinimo ee isku diyaarinayay inay gudaha u galaan magaalada, waxayna xaqiijiyeen in aan la maqlayn dhawaqa rasaasta iyo iska horimaadka, waxaana wadada isku xirta Dimishiq iyo Darca ay ka fog tahay dagaalyahanada qabaa’ilka. Waxa ay sidoo kale indha indheeyeen ciidamada amaanka guud ee xiriirka la leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la geeyey tuulooyin ka tirsan baadiyaha Sweyda, balse wali ma aysan galin magaalada. Horaantii maanta, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya, Nuuradiin AL-Baba ayaa ku shaaciyay Telegram in "dhammaan dagaalyahannada qabaa'ilka laga saaray magaalada Sweyda, waxaana joogsaday isku dhacyadii xaafadaha magaalada."

GARGAARKA BINI'ADANIMO:

Dowladda Suuriya ayaa kolonyo gargaar bini'aadannimo u dirtay magaalada Sweyda subaxnimadii Axadda, ka dib markii ay joogsadeen iska horimaadyada halkaas ka dhacay, waxaana la furay waddooyin nabdoon oo magaalada laga soo galo. Wariyeyaasha ka tirsan Tv-ga Al-Carabiya ayaa soo sheegay in dowladda Suuriya ay u dirtay in ka badan 40 baabuur oo sida sahay gargaar magaalada Basra AL-Sham ee ku taal baadiyaha bari ee Darca, si ay ugu diyaar garoobaan gelitaanka Sweyda. Dowladda Suuriya ayaa Axadda maanta ah xaqiijisay xabbad joojin ka dhacday magaalada Sweyda, ka dib markii kooxaha Druze ay dib ula wareegeen gacan ku haynta koonfurta magaalada, ciidamada dowladda Suuriyana ay dib u daabuleen aaggaas, oo ay ka dhaceen rabshado diimeed oo ay ku dhinteen ku dhawaad 1,000 qof toddobaad gudihiis. Wasaaradda caafimaadka ayaa ku dhawaaqday diyaarinta kolonyo gargaar caafimaad oo deg deg ah oo loo dirayo Sweyda si ay wax uga qabato xaaladda bini'aadantinimo iyo tan caafimaad ee ka jirta gobolka. War saxaafadeed ay Wasaaraddu soo saartay ayaa lagu yiri: "Iyadoo la eegayo horumarka deg dega ah ee dhinaca amniga ee Sweyda, iyo isuduwidda tooska ah ee guddoomiyaha, Wasaaradda Caafimaadka waxay ku dhawaaqday tallaabo deg deg ah oo lagu dirayo kolonyo caafimaad oo ka kooban 20 baabuur oo ambalaas ah, oo ay wataan kooxo caafimaad oo gaar ah oo si heer sare ah loo diyaariyey, iyo daawooyin tiro badan iyo agabka gargaarka deg degga ah." Wasaaraddu waxay tilmaantay in kolonyadan "ay ka jawaabeyso furitaanka waddooyin nabdoon oo ay bixi doonaan saacadaha soo socda, iyadoo ka soo baxaysa waajibaadkeeda qaran iyo midda xirfadeed ee lagu “hubinaayo sii wadida adeegyadda caafimaadka ee dhammaan Suuriyiinta”.

ISHA-AA.

Previous
Previous

WADA HADALADII DOOXA OO AAN WELI DHAMMAAN.

Next
Next

RW-AL-SUDAANI OO LA HADLAY CUQAASHA IYO HOGAANKA DHAQANKA CIRAAQ.