ISRA’IIL OO KU SOO XADGUDBUTAY DHULKA LUBNAAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA QM EE LUBNAAN.

(BEIRUT)-Ciidanka Lubnaan ayaa Axadda maanta ah ku dhawaaqay in baabuurta milatariga Israa’iil ay “ka gudbeen xayndaabka farsamada” ee xuduudka, iyadoo roondo ka socda ciidammada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL) ay joogeen si ay u diiwaangeliyaan xadgudubyada. Ciidanku waxa ay sheegeen, iyada oo loo sii marayo barta X, in "ingineeriyada kala duwan iyo baabuurta dagaalka" ee ay leeyihiin ciidanka Israa'iil "ku xad-gudbeen... dayrkii tikniko ahaa (siliggii lagu xiray)." Waxa uu intaa ku daray in baabuurta "ay rabeen in ay hawlgal cagaf-cagaf ah ka fuliyaan duleedka magaalada Rameyshi (oo ka tirsan degmada Binti Jubeyl ee koonfurta dalka), taasoo xadgudub cad ku ah Qaraarka tirsigiisu yahay 1701 iyo heshiiskii xabbad joojinta." Waxaa xusid mudan in sanadkii 2006-dii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray Qaraar tirsigiisu yahay 1701, kaasoo ujeedkiisu ahaa in la joojiyo colaadda u dhaxeysa Xisbullah iyo Israa’iil iyo in la sameeyo xabbad-joojin joogto ah oo ku saleysan in la sameeyo aag difaac ah. Dhacdooyinkii Axaddii ka dib, ciidanka Lubnaan waxa ay xoojiyeen in la geeyo aagga "si ay uga hortagaan" ciidanka Israa'iil, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidammada Lubnaan oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in roondo ka socda ciidamada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL) "ay u yimaadeen inay diiwaan geliyaan xadgudubyada, taas oo ku khasabtay ciidamada (Israa'iil) inay ku laabtaan" dhulka Israa'iil. UNIFIL iyo Israa'iil midkoodna kama hadlin arrintan. Heshiis xabbad-joojin ah ayaa ka dhex jiray Xisbullah iyo Israa’iil tan iyo bishii Nofeembar 27, 2024,laakni Lubnaan ayaa marar badan ka eed sheegatay xadgudubyada Isra’iil.

ISHA-AA.

Previous
Previous

CARUUR MARINKA GAZA UGU DHIMATAY NAFAQO DARRI DARTEED.

Next
Next

WADA HADALADII DOOXA OO AAN WELI DHAMMAAN.