CARUUR MARINKA GAZA UGU DHIMATAY NAFAQO DARRI DARTEED.

(SAWIRKA)-NAFAQA DARIDA CARUURTA EE MARINKA GAZA.

(GAZA)-Gabar afar jir ah ayaa Nafaqo darro ugu geeriyootay Marinka Gaza Axada, mid ka mid ah dhimashadii ugu dambeysay ee Gaajo la xiriirta ee ka dhacday dhulka go’doomiyay ee Falastiin. Geerida Razan Abu Zaher waxaa xaqiijiyay ilo caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka Shuhadada ee AL-Aqsa ee bartamaha Gaza oo la hadlay Wakaalada Wararka Falastiin ee WAFA . Warku waxa uu intaa ku daray in dhibaatadu ay ka sii darayso, iyadoo ay sii kordhayso tirada carruurta da’ kasta leh ee loo daweynayo Gaajo iyo Nafaqo darro xilli ay Israa’iil go’doomisay iyo weerarrada ay ku hayso deegaannadaas. Dhimashada Abu Zaher ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiin ee UNRWA ay Axaddii ka digtay in Israa'iil ay si ula kac ah ugu macaluulayso Hal Milyan oo caruur ah oo ku nool Gaza. Ilaha caafimaadka oo ay soo xigatay barta The New Arab 's' ee ku hadasha afka Carabiga, Al-Araby Al-Jadeed , ayaa sheegtay in isbitaallada Gaza ay daweynayaan boqolaal carruur ah oo ay hayso Nafaqo darro. Ilo wareedka ayaa sheegay in 17,000 oo caruur ah ay la il daran yihiin Nafaqo darro aad u daran, iyadoo bukaannada ay soo food saartay walaac iyo xusuus la’aan ka dib Gaajo daran.  Isbitaallada Gaza qaar badan oo ka mid ah ayaa ku burburay weerarada Isra’iil ee kaabayaasha iyo shaqaalaha waxay la halgamayaan daaweynta bukaannada, oo leh agab xaddidan iyo sariiro ku filan. UNRWA ayaa sheegtay in Nafaqa-darrada carruurta da'doodu ka yar tahay shan sano ay labanlaabmeen intii u dhaxaysay Juun 2023 iyo Maarso 2025 sababtoo ah go'doominta Israa'iil ee dhammaan gargaarka Gaza bilowgii Maarso. Xarumaha caafimaadka ee Hay'adda Qaramada Midoobay iyo goobaha caafimaadka ayaa ku dhawaad 74,000 oo baaritaanno Nafaqo darro ah ku sameeyay carruur intii u dhaxaysay Maarso iyo Juunyo, iyaga oo aqoonsaday ku dhawaad 5,000 xaaladood oo Nafaqo-xumo ba'an oo caalami ah iyo in ka badan 800 oo xaaladood oo Nafaqo-xumo ba'an ah.

ISHA-AJ.

Previous
Previous

AMIIR KHAALID WAXA UU KOOMO KU JIRAY MUDDO DHAN 20-SANO.

Next
Next

ISRA’IIL OO KU SOO XADGUDBUTAY DHULKA LUBNAAN.