ISRA’IIL OO WEERARTAY XARUNT WASAARADDA G/DHIGA SUURIYA.

(SAWIRKA)-XARUNTA G/DHIGA SURIYA.

(DAMASCUS)-Ciidamada Israa'iil ayaa Arbacada maanta ah sheegay iney duqeeyeen albaabka laga galo Xarunta Dhexe ee Militariga Suuriya ee magaalada caasimadda ah ee Dimishiq. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganaysa ilo ammaanka Suuriya, in ugu yaraan laba weerar oo ey fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka lagu weeraray dhismaha Wasaaradda Difaaca Suuriya. Weerar kale ayaa ka dhacay meel u dhow Madaxtooyada, oo ku taal buuraha ka baxsan caasimadda Suuriya ee Dimishiq. Weeraradan ayaa imaanaya ka dib markii Isra’iil ey wacad ku martay iney kordhin doonto weerarada ey ka geysaneyso dalka Suuriya, hadii aysan dowladaasi kala bixin ciidamadeeda deegaanada koonfureed oo ey dhawaan ka dhaceen dagaalo lagu hoobtay oo u dhaxeeyay Qabaa’ilka Druze iyo Baadiyaha. Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya oo fadhigeedu yahay UK, isla markaana isha ku haysa dhacdooyinka colaadaha u dambeeyay ee Suuriya, ayaa sheegtay in laba qof ey ku dhaawacmeen laba duqaymo oo xiriir ah oo ey ka fuliyeen meel u dhow Xarunta Guud ee Shaqaalaha.

WAA MAXAY SABABTA ISRA’IIL U DUQEYSO SURIYA?                                       

Isra’iil ayaa hadda weerartay Suuriya maalintii seddexaad oo xiriir ah. Israa'iil waxay sheegtay in weeraradeeda ay ku ilaalinayso dadka laga tirada badan yahay ee Druze ka dib markii ciidamada dawladda Suuriya, oo u soo diray inay damiyaan dagaalka u dhexeeya Druze iyo dagaalyahannada Bedouin, ay ku dhammaatay inay isku dhacaan maleeshiyaadka Druze laftooda. Warbaahinta dowladda Suuriya iyo goob joogayaal ayaa sheegay in sidoo kale ay Israa'iil duqeymo ka geysatay magaalada Druze ee Sweyda oo ey ku badan tahay, halkaasoo uu dagaalku ka socdo ka dib burburkii xabbad-joojin. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ka dib weerarrada, ayuu Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ku yiri: “Dagagihidihii Dimishiq waa ey dhammaadeen hadda dharbaaxo xanuun badan ayaa iman doona”. Bishii Febraayo, Reysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku baaqay Koonfurta Suuriya in gabi ahaanba laga dhigo militariga. Waxa uu sidoo kale ka digay in Isra’iil aysan u dulqaadan doonin joogitaanka ciidamada dowladda Suuriya ee ku dhow dhulka ey maamusho. Iyadoo dagaalka uu ka socdo Sweyda, xubno ka tirsan beesha Druze ee Isra’iil ayaa soo galayay Suuriya si ey u taageeraan kooxaha hubaysan ee Druze, halka dadka ka soo jeeda beesha Druze ee Suuriya, ey isku dayayeen iney galaan Isra’iil. Askarta Israa’iil ayaa ridaayay sunta dadka ka ilmeysiisa si ey u ilaaliyaan nidaamka xudduudda si weyn loo adkeeyey.

ISHADW-NEWS.

Previous
Previous

10-KA MID AH SHAQAALIHII MARKABKII ETERNITY SEA OO LA…

Next
Next

(YEMAN):-GOBOLKA MEHRA OO LAGU QABTAY HUB U SOCDAY XUUTIYIINTA.