DAD LAGA SOO FURTAY MAGEFAHA JOOGA BENGHAZI EE DALKA LIIBIYA.

(SAWIRKA)-DAD LOO HEYSTAY MADAX FURASHO.

(BENGHAZI/LIBYA)-Wararka laga helaayo magaaladda Bengaazi ee dalka Liibiya ayaa sheegaayo In ka badan 100 Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 5 Dumar ah ayaa laga sii daayay afduub, ka dib markii ay Madaxfurasho ugu haysteen Koox Burcad ah Bariga Liibiya, sida uu sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Isniinta maanta ah. "Koox dambiilayaal ah oo ku lug leh abaabulka Tahriibinta Muhaajiriinta, ka qaadida Xorriyaddooda, ka Ganacsiga, iyo Jirdilka si ay qoysaskooda ugu qasbaan inay bixiyaan Madaxfurasho si loo sii daayo," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xeer ilaaliyaha guud. Liibiya ayaa noqotay marin ay maraan Tahriibayaasha ka soo qaxaya colaadaha iyo faqriga ee u socda Yurub iyaga oo sii mara marinka halista ah ee saxaraha iyo badda Mediterranean ka ka dib afgambigii Mucamar Qadaafi ee kacdoonkii NATO ay taageertay sanadkii 2011. Muhaajiriin badan oo quus ka taagnaa in ay tahriibka ka gudbaan. Muhaajiriinta la sii daayay ayaa waxaa lagu haystay Ajdabiya, oo 160 km (100 mayl) u jirta magaalada labaad ee Liibiya ee Benghazi. Shan qof oo looga shakisan yahay inay Tahriibinayeen oo u kala dhashay dalalka Libya, Sudan iyo Masar, ayaa la qabtay, sida ay saraakiishu sheegeen. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo hogaanka Nabad Sugida ee Ajdabiya ayaa bartooda Facebook soo dhigay Sawirada Tahriibayaashan oo ay sheegeen in laga soo saaray gacanta eedaysanayaasha. Waxay tuseen Tahriibayaal Gacmaha iyo Lugaha ka xiran oo calaamado muujinaya in la garaacay. Bishii Febraayo, ugu yaraan 28 meyd ah ayaa laga soo saaray Xabaal Wadareed ku yaal Saxaraha Waqooyiga magaalada Kufra. Saraakiisha ayaa sheegay in koox burcad ah ay Tahriibayaasha kula kaceen jirdil iyo tacadiyo ka baxsan bini’aadantinimada. Taasi waxay daba socotaa 19 kale oo mayd ah oo laga helay Xabaal Wadareed ku yaal aagga Jikharra, oo sidoo kale ku taal koonfurta bari ee Liibiya, Agaasinka ammaanku wuxuu yiri, isagoo ku eedeeyay shabakad wax tahriibisa oo caan ah. Laga soo bilaabo Disembar 2024, ku dhawaad 825,000 oo Muhaajiriin ah oo ka kala yimid 47 wadan ayaa lagu diiwaan geliyay Liibiya, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay ee la sii daayay bishii May. Todobaadki hore ayay ahayd markii adaxa Socdaalka Midowga Yurub iyo Wasiiro ka kala socday Talyaaniga, Malta iyo Giriiga ay la kulmeen Raysal Wasaaraha Dowladda Midnimada Qaran ee caalamku aqoonsan yahay Cabdulxamiid Dbeibah, waxayna ka wadahadleen dhibaatooyinka socdaalka. 

ISHA-LO.

Previous
Previous

HORUMAR LAGA GAARAY WADA HADALADII DOOXA EE XAMAAS IYO ISRA’IIL.

Next
Next

WADAMADA LUBNAAN IYO KUWEYT OO KA WADA HADLAY AMNIGA.