HORUMAR LAGA GAARAY WADA HADALADII DOOXA EE XAMAAS IYO ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(DOHA)-Warbaahinta Isra’iil ayaa sheegtay fiidnimadii Talaadada in wada xaajoodyadii dadban ee Marinka Gaza laga gaaray "Horumar la taaban karo" 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyo in "dariiqa hadda loo jeexay" heshiis lagu soo afjarayo. Tan iyo 6-dii bishii Luulyo, waxaa dalka Qatar ka socday wada xaajoodyo aan toos ahayn oo u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil, taasoo ah isku day cusub oo lagu doonayo in lagu soo gabagabeeyo heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista iyo xabbad joojinta. Channel-ka 13-aad ee Israa’iil ayaa soo wariyay: “Wada xaajoodyadii Dooxa ee lagu gaaray heshiis lagu soo celinayo askarta la afduubay ayaa la arkaa in laga sameeyey horumar la taaban karo Talaadadada maanta ah”. Kanaalka ayaa soo xigtay sarkaal Israa’iili ah oo aan la magacaabin oo aqoon u leh wada-xaajoodyada ka socda Dooxa, isagoo leh, " Waddada heshiisku hadda waa la jeex-jeexay." Waxa uu intaa ku daray in ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu "uu ogolaaday dabacsanaan dheeraad ah oo ku saabsan arrinta ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Israa'iil ee Marinka Gaza , taas oo u oggolaanaysa in horumar laga sameeyo wadahadallada." Isla macnaha guud, Channel 13 ayaa sheegay in "Horumar la taaban karo la sameeyay 24-kii saac ee la soo dhaafay." Waxay intaas ku dartay in tani ey timid "Ka dib go'aankii Netanyahu iyo Golaha Ammaanka ee ahaa in la muujiyo dabacsanaan badan oo loogu dhawaado mowqifka Xamaas, gaar ahaan ku saabsan joogitaanka Isra’iil ee Marinka Gaza." Kanaalka ayaa soo xigtay saraakiil kale oo aan la magacaabin oo leh, "Hadalku waxa uu ku saabsan yahay ka bixitaanka ku meel gaarka ah (Israa'iil) 60-ka maalmood ee ugu horeeya oo keliya, iyada oo la doonayo in lagu soo laabto dagaalka ka dib marka ey dhamaato xabbad joojinta." Waxay intaas ku dartay, "Saraakiishu waxay xaqiijiyeen in fikradda ey ka qabaan wadahadalka ey la yeesheen Ra'iisul Wasaaraha (Netanyahu) ey tahay inuu aad u doonayo inuu heshiiska ku dhameystiro maalmaha soo socda, laakiin ma doonayo inuu joojiyo dagaalka." Dhinacyada ey khusayso kama eysan hadlin waxa kanaalka Isra’iil uu sheegay.

ISHA-AA.

Previous
Previous

(YEMAN):-GOBOLKA MEHRA OO LAGU QABTAY HUB U SOCDAY XUUTIYIINTA.

Next
Next

DAD LAGA SOO FURTAY MAGEFAHA JOOGA BENGHAZI EE DALKA LIIBIYA.