WADAMADA LUBNAAN IYO KUWEYT OO KA WADA HADLAY AMNIGA.

(SAWIRKA)-KUWEYT IYO LUBNAAN WAFDIYADOODA.

(KUWAIT)-Sheikh Fahad AL-Yuusuf, Reysall Wasaare Ku Xigeenka Koowaad ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Kuwayt, ayaa carabka ku adkeeyay in Ururka Xisbullah uu ku sii jiri doonto liiska Argagixisada dalka Kuwayt iyo Wadamadda Khaliijka. Hadalka Wasiirka Kuwayt oo uu ku nuux-nuuxsaday in Amiirka Kuwayt uu leeyahay aragti ammaan oo wanaagsan, maadaama uu yahay sarkaal rug-caddaa ah oo dhinaca ammaanka ah, ayaa War-saxaafadeedka ka soo baxay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cawn oo ka dhacay Qasriga Bacbad ee dalka Lubnaan.

AMNIGA KUWEYT... KHAD CAS:

Sheikh Fahad Al-Yusuf ayaa tilmaamay in dalkiisa uu u baahan yahay joogistiisa, isagoo ku celceliyay in ammaanka Kuwayt uu yahay khad cas. Waxa uu intaa ku daray, "Anigu shakhsi ahaan ma oggolaan doono xadgudub kasta oo qof ama xisbi ku sugan Kuwayt," ayuu ku sheegay War-saxaafadeed ka dib kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cawn oo ka dhacay Qasriga Bacbad ee Lubnaan.

XIRIIRKA TAARIIKHEED:

Sidoo kale wuxuu xusay in xiriirka Kuweyt iyo Lubnaan uu yahay mid taariikhi ah,wuxuuna carabka ku adkeeyey iney ka go’an tahay xoojinta danaha labada shacab iyo Horumarinta Amniga iyo Xasilloonida Gobolka. Waxa uu sidoo kale amaanay kartida xirfadeed ee adeegyadda Amniga Lubnaan,isagoo xusay mujhimadda ey leedahay horumarinta shaqada Amniga ee wadajirka ah si loola socdo caqabadaha iyo isbedeladda iyo xoojinta nidaamka iskaashiga dhammaystiran oo ku saleysan isku duwid waarta. Dhinaca kale, kulanka dhexmaray Madaxweynaha Lubnaan iyo Reysal Wasaare Ku-Xigeenka koowaad ee Kuwayt, ayaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Lubnaan, waxaana lagaga wada hadlay arrimo badan oo khuseeya gobolka iyo caalamka, iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah ee hay’adaha ammaanka ee labada waddan, isla markaana la isku dhaafsado khibradaha dhinacyada kala duwan leh. Reysal Wasaare Ku Xigeenka koowaad ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheikh Fahd Yusuf Sacud AL-Sabax ayaa shalay oo Axad ahayd booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxda Sare.

ISHA-AA.

Previous
Previous

DAD LAGA SOO FURTAY MAGEFAHA JOOGA BENGHAZI EE DALKA LIIBIYA.

Next
Next

MUDAAHARAAD KA DHACAY CIRAAQ OO HAL QOF UU KU DHINTAY.