ISRA’IIL OO CAAWA DUQEYSAY CAASIMADDA DIMISHIQ.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA SYRIA.

(SYRIA)-Fiidnimada Arbacada ayay Israa'iil duqeymo cusub ka fulisay Suuriya oo ay ku jirto caasimadda Dimishiq iyo sidoo kale Daraca iyo Sweyda. Maamulka Suuriya ayaa sheegay in Israa'iil ay duqaymo cusub ka geysatay meel u dhow Dimishiq fiidnimadii Arbacada. Ilo-wareed militari oo ku sugan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Faransiiska in duqeymaha lala beegsaday " Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Mezzeh," halkaas oo ay ku yaallaan qaar ka mid ah bakhaarrada rasaasta. Channel-ka 11-aad ee Isra’iil ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday xaafadda Mezzeh ee magaalada Dimishiq. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Drones ee Israa’iil ayaa sidoo kale beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada ammaanka guud ee Suuriya oo marayay gudaha Sweyda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan AL-Carabiya. Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale qaaday duqaymo cusub fiidnimadii Arbacada oo ay ku bartilmaameedsadeen agagaarka Jidka Caalamiga ah ee Daraca. Qaraxyo ayaa sidoo kale habeen hore ka dhacay xeebaha dalka Suuriya ka dib weerar dhanka cirka ah oo lala beegsaday Xarunta Guutada 107-aad ee ku taal baadiyaha Jiblah, sida ay sheegeen ilo wareedyo ka tirsan Tv-ga AL-Carabiya. Dhankeeda, Israa'iil waxay sheegtay Arbacada maanta ah in ay "dareen mas'uuliyad iyo xakameyn" uga shaqeyso Suuriya. Madaxa ciidamada Eyal Zamir ayaa sheegay mar uu kormeer ku tagay buuraha Golan Heights: "Taliyaasha iyo askartu waxay ku hawlgalayaan dareen mas'uuliyad iyo is-xakameyn." Horaantii Arbacada maanta ah, diyaaradaha dagaalka Isra’iil ayaa duqeymo cirka ah ku qaaday agagaarka Madaxtooyada iyo xarunta guud ee magaalada Dimishiq , iyadoo ay sii kordheen weerarada cusub ee lala beegsanayo goobaha xasaasiga ah ee Suuriya. Mar sii horreysay, Wakaaladda Wararka Suriya ee SANA ayaa sheegtay in diyaaradaha Israa’iil ay duqeymo cirka ah ku qaadeen Dimishiq, halkaasoo ay ku dileen saddex qof, 34 kalena ay ku dhaawacmeen. Muddo bilo ah, Israa’iil waxa ay duqeymo isdaba joog ah ku haysay Suuriya, iyada oo doonaysa in ay “aag ka caagan Hubka”ka samaysato Koonfur-galbeed ee dalka iyada oo sidoo kale caddaynaysa in ay ka go’an tahay in ay “difaacdo Druze” gudaha Suuriya. Isniintii, ciidamada Suuriya ayaa gudaha u galay Sweyda ka dib iska hor imaadyo ay ku lug lahaayeen hub dhexdhexaad ah iyo kuwa culculus oo ku dhexmaray Druze iyo kooxaha hubeysa ee Badwi ee aagaas.

ISHA AL-CARABIYA.

Previous
Previous

CIIDAMADDA ILAALADDA XEEBAHA YEMAN OO QABTAY HUB FARA BADAN.

Next
Next

10-KA MID AH SHAQAALIHII MARKABKII ETERNITY SEA OO LA…