URURKA XIZBULLAHI OO DHOOLATUS KU SAMEEYEY BEYRUUT.
(SAWIRKA)-URURKA XIZBULLAHI.
(BEIRUT)-Muqaal aan hore loo arag, dhoolatus hubaysan oo ey soo abaabuleen xubnaha Xisbullah oo ka dhacay badhtamaha caasimadda Lubnaan ee Beyruut ayaa dhaliyay mowjado Siyaasadeed iyo muran dadweyne iyo Cambaarayn. Kooxo wejiyada soo duubtay oo ku hubeysan madaxane uu ugu xiran Miraaq guduudan, ayaa ka soo muuqday waddooyinka magaalada Xamra iyo deegaannada hoos yimaada, iyagoo maskaxda ku haya muuqaallo muujinaya dagaallo sokeeye iyo fowdo amni. Sidoo kale, ilo-wareedyo AL-Carabiya ayaa sheegay in Ururka Xisbullah ey ku dhowdahay inuu ka jawaabto warqaddii Maraykanka u dirtay Safiirka Maraykanka u jooga Turkiga iyo Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u jooga Syria, Thomas Barrack, oo ey u gudbiyeen mas’uuliyiinta Lubnaan, intii uu ku guda jiray booqashadiisa dalkaasi bishii June 19-keedii. Wararka ayaa intaa ku daraya in Xisbullah ey ogolaatay mabda'a ah wada xaajoodka tallaabo-tallaabo ah, iyadoo diidaysa iney dejiso jadwal gaar ah oo hubka lagu gaarsiinayo.
"DIB U EEGIS ISTARAATIIJIYADEED OO WEYN".
Horaantii maanta, saddex ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Xisbullah uu bilaabay dib u eegis istaraatiijiyadeed oo weyn ka dib dagaalkii ey la galay Israa’iil, taasoo ey ku jirto inuu ka fikiro yareynta kaalintiisa koox hubaysan iyada oo aan gebi ahaanba hubka laga dhigin, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Ilo dhanka ammaanka ah oo ku sugan gobolka iyo sarkaal sare oo Lubnaan ka tirsan ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in sidoo kale uu jiro shaki ku saabsan baaxadda taageerada Tehran ey siin karto Xisbullah ka dib dagaalkii ey la gashay Tel Aviv. Sarkaal kale oo sare oo xog-ogaal u ah wada-tashiyada gudaha ee Xisbullah ayaa sheegay in xisbigu uu wado doodo qarsoodi ah oo ku saabsan tillaabooyinka soo socda, si toos ah iyo mid fogba. Waxa uu intaa ku daray in Xisbullah ey ku soo gabagabowday in hubkii ey urursatay uu noqday culays.
"MA SOO DHIIBI DOONO DHAMMAAN HUBKIISA."
Ilo wareedyo ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in Xisbullah ey hadda ka fikirayaan iney ku soo wareejiyaan qaar ka mid ah hubka ey ku haystaan gobollada kale ee Lubnaan, gaar ahaan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo loo arko khatarta ugu weyn ee Israa'iil, iyagoo ku xiray shuruud ah iney ka baxaan koonfurta oo ey joojiyaan weerarrada. Waxay sharaxday in xisbigu aanu soo dhiibi doonin gabi ahaanba hubkiisa, ayna ku talo jiraan iney haystaan hubka fudud iyo gantaalada lidka taangiyada si ey uga hortagaan weerar kasta oo mustaqbalka ah.
DAMAANAD-SHEEGASHADA:
Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ilo rasmi ah oo Lubnaani ka tirsan uu Isniintii shaaca ka qaaday in Lubnaan ey diyaarinayso jawaabta codsiga ergayga Maraykanka Thomas Barrack ee ku aaddan in saraakiisha dalkaas ey si rasmi ah u go'aansadaan iney hubka ka dhigaan Xisbullah. Codsigan waxaa ku jira dalabaad dammaanad qaad ah, gaar ahaan ka bixitaanka Isra’iil ee dhulka Lubnaan. Isha, oo codsatay in aan magaceeda la sheegin, ayaa u sheegay AFP in Barak, oo la filayo inuu ku laabto Beyrut ka hor bartamaha Luulyo, uu codsaday ballanqaad rasmi ah oo ah "In lagu xaddido haysashada hubka gobolada oo dhan ee dalka Lubnaan inuu galo gacanta Xukuumadda Lubnaan.
ISHA-AA.
URURKA XAMAAS OO WAR KA SOO SAARAY WADADA HADALADDA ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-XARAKADDA XAMAAS.
(GAZA)-Xarakadda reer Falastiin ee Xamaas ayaa bayaan rasmi ah oo ey soo saartay ku sheegtay iney u gudbisay jawaabteeda dhexdhexaadiyayaasha ee la xiriirta xabbad joojinta la soo jeediyay ee Marinka Gaza, waxayna xaqiijisay iney diyaar u tahay iney si deg deg ah u gasho wada xaajood ku saabsan habka loo hirgelinayo heshiiska. Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa ku macneeyay inuu soo gabagabeeyay la tashiyadii gudaha, marka laga soo tago la tashiyadii uu la sameeyay kooxaha iyo ciidamada Falastiiniyiinta, ee ku saabsan soo jeedintii ugu dambeysay oo ey soo gudbiyeen dhexdhexaadiyeyaasha, iyagoo xusay in jawaabta la soo gudbiyay oo ey tahay "Mid Wanaagsan." Dhanka kale, warbaahinta Israa’iil, oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ayaa sheegay in Israa’iil ey jawaab ka heshay Xamaas oo ku aaddan Hindise Xabbad-joojin ah oo laga sameeyay Marinka Qaza. Warbaahintu waxay intaa ku dartay in faahfaahinta hadda la darsayay. Ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa u sheegay Tv-gaAl Carabiya in Xamaas ey soo saari doonto bayaan ey ku caddaynayso mowqifkeeda ku aaddan Hindisaha Xabbad Joojinta, iyagoo xusay in Jawaabtooda ey ka mid tahay wax ka beddello yar yar oo la xiriira habka loo bixiyo Gargaarka Bani’aadamnimo iyo ka bixitaanka Ciidammada Israa’iil ee meelaha gaarka ah ee Marinka Gaza. Ilaha ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in Xamaas ey codsatay in Hay'adaha Qaramada Midoobay ee xiriirka la leh ey door weyn ka ciyaaraan bixinta Gargaarka, iyadoo ey muujinayaan boos celin ku saabsan ka mid noqoshada Hay'adda Samafalka ee Gaza ee habka qaybinta.
KHILAAFKA DILAALIINTA:
Sidoo kale, ilo kale ayaa u sheegay TV-ga AL-CARABIYA inuu jiro khilaaf u dhexeeya Xamaas iyo dhexdhexaadiyeyaasha oo ku saabsan laba qodob oo keliya, waxaana hadda socda dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka, iyadoo ey muuqato horumarro laga gaaray wada-hadallada. Ilaha ayaa sharaxay in dhexdhexaadiyayaashu ey heleen dammaanad Maraykan ah oo ah in dagaalku aanu dib u bilaaban ka dib dhamaadka 60-ka maalmood ee xabbad joojinta, halka Xamaas ey dalbatay in Washington ey saxiixdo dammaanad rasmi ah oo xabbad joojin joogto ah. Sida laga soo xigtay Channel 14 ee Israa'iil, heshiiska la soo jeediyay waxaa ku jira jadwal lagu sii dayn doono 10 Maxbuus oo Israa'iili ah oo nool si loo sii daayo 1,000 Maxaabiis Falastiiniyiin ah.
ISHA-AL-CARABIYA.
DAB KA KACAY MADAXTOOYADDA DALKA SURIYA.
(SAWIRKA)-MADAXTOOYADDA SURIYA.
(SYRIA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in maanta oo Jimca ah inuu dab aad u xoogan uu ka kacay meel ku dhow Madaxtooyada Dimishiq, iyadoo hadda ey socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu damiyo, sida ey ku warantay Wakaaladda Wararka Dowladda ee SANA. Dabka ayaa ka kacay deegaan u dhaxeeya Xaafadda Mashruuc Damar iyo Qasriga Shacabka, sida ey sheegeen difaaca rayidka ee Suuriya. Kooxaha dab-damiska ayaa si firfircoon uga shaqaynayay sidii ey u xakamayn lahaayeen dabka oo ey uga ilaalin lahaayeen inuu faafo. Muuqaalo ey faafisay Wakaaladda Wararka ee Suriya SANA ayaa muujinaayay qiiq aad u badan oo ka baxaya Agagaarka Madaxtooyada. Qasriga ayaa fiidnimadii Khamiista lagu qabtay Daah-furka Astaanta Qaranka ee cusub ee Dowladda Suuriya, waxaana ka soo qeyb galay Madaxweyne Axmed AL-Sharac iyo mas’uuliyiin kale. Wararka qaar ayaa sheegaayo in dabka uu ka kacay Maqaayad ku taalo mid ka mid ah Beeraha Madaxtooyadda,mase aha dabka ka kacay gudaha Madaxtooyadda.
ISHA-ROYA NEWS.
EL-FASHER OO DAD LAGU XASUUQAY. MAR KALE.
(SAWIRKA)-ASKERI SUDANIIS AH.
(KHARTOUM)-Dadka rayidka ah oo ku nool Gobolka Darfur ee dalka Suudaan ayaa wajahaya tacadiyo baahsan iyo rabshado isir oo ka dhashay dagaalka sokeeye ee u dhexeeya ciidamada caadiga ah iyo kuwa kasoo horjeeda, Ururka Samafalka ee Medecins Sans Frontieres ayaa ka digay Khamiista maanta ah. Xoogaga taageerada deg dega ah ee militariga ayaa isku dayay iney ku xoojiyaan awoodooda Darfur tan iyo markii ey lumiyeen gacan ku haynta caasimada Khartoum bishii March. Maleeshiyada Janjaweed ee iyaga ka horeeyay ayaa lagu eedeeyay xasuuq ka dhacay Daarfuur labaatan sano ka hor. Xoogaga hubaysan ayaa kordhiyay weerarada ey ku hayaan magaalada El-Fashar ee xarunta Gobolka Waqooyiga Darfur oo ey go’doomiyeen tan iyo bishii May ee sanadkii 2024-kii, iyagoo isku dayaya iney ciidamada ka saaraan meesha ugu dambeysa ee gobolkaasi. "Dadka laguma qabto oo keliya dagaallo culus oo aan kala sooc lahayn... balse sidoo kale waxaa si firfircoon u bartilmaameedsada Ciidamada Taageerada Deg dega ah iyo xulafadooda, gaar ahaan iyadoo lagu saleynayo qowmiyaddooda," ayuu yiri Michel-Olivier Lacharite, Madaxa xaaladaha deg dega ah ee Medecins Sans Frontieres. Waxaa jiray "Hanjabaado weerar ba'an," El-Fashar, oo ey ku nool yihiin boqollaal kun oo qof oo inta badan laga jaray cunnada iyo biyaha loona diiday iney helaan daryeel caafimaad, ayuu yiri.
ISHA-AN.
CIIDAMADDA ISRA’IIL OO DUQEEYEY DALKA LUBNAAN.
(SAWIRKA)-KOONFURTA LUBNAAN.
(BEIRUT)-Duqeymo dhanka cirka ah oo ey fuliyeen ciidamada Isra’iil ayaa lala beegsaday gaari marayay afaafka hore ee dhanka Koonfureed ee magaalada Beyruut. Wakaalada Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa ku warantay in diyaarad Drone ah oo ey leedahay Israa’iil ey beegsatay gaari marayey wadada weyn ee magaalada Khuldeh ee Koonfurta caasimadda Lubnaan ee Beyruut. Dhankeeda, Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in weerarka Israa’iil uu ka dhashay, marka loo eego tirada hordhaca ah, hal dhimasho iyo saddex dhaawac ah. Intaa waxaa dheer, ciidanka Israa'iil ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay iney bartilmaameedsadeen shakhsi ku lug lahaa "hub ka tahriibin" oo ka tirsan ciidamada Quds ee ilaalada kacaanka Iran. Ilaha AL Carabiya ayaa sheegay in qofka la beegsaday lagu magacaabo Qasem AL-Husseini. Duulaankan ayaa yimid wax ka badan todobaad ka dib markii ey dhaqan gashay xabad joojin u dhaxaysay Israa’iil iyo Iran ka dib dagaal socday 12 maalmood kaas oo ey Israa’iil ku bartilmaameedsatay xarumaha militariga iyo hubka Nukliyeerka isla markaana ey ku fulisay dilal qorshaysan oo lagu dilay hogaamiyeyaal ciidan iyo Saynisyahano Nukliyeer ah.
DUULAANKA KOONFURTA LUBNAAN:
Gelinkii dambe ee maanta, Israa’iil waxay duqeymo cirka ah ku qaadday deegaannada ku xeeran Bargaz, Balaat, Wadi Yaxmar, Shaqif, Jarmuq, Xamoudiyah, iyo Ceeshiyah oo ku taallo Koonfurta Lubnaan, sida uu sheegay weriyaha AL-Carabiya. Dhanka kale, ciidamada Isra’iil ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay iney weerareen goobo ciidan oo ey ku jiraan bakhaar hub ah, oo ey weheliyaan dhismayaal ciidan iyo kaabayaasha Ururka Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.
WEERARADDA INKASTOO HESHIIS XABAD JOOJIN AH LA GAARAY:
Waxaa xusid mudan in heshiis xabbad-joojin ah uu ka hirgalay Lubnaan tan iyo bishii November 2024, ka dib dagaal socday in ka badan sannad oo u dhexeeya Xezbullah iyo Isra’iil,kaasoo isku beddelay iska hor imaad furan bishii Sebtembar. Iyadoo ey taasi jirto, Israa’iil waxay sii waddaa duullaanka ey ku qaadayso dhowr gobol oo Lubnaan ah, gaar ahaan Koonfurta, iyadoo inta badan sheegata iney bartilmaameedsato xubnaha ama goobaha Xisbullah. Israa'iil waxay sidoo kale ku celisay iney sii wadi doonto iney ka shaqeyso "sidii loo baabi'in lahaa khatar kasta" oo ka soo horjeeda oo aan u oggolaan doonin xisbigu inuu dib u dhiso awooddiisa dagaalka ka dib, kaasoo uu la kulmay khasaarooyin culus oo dhinaca militariga iyo kaabayaasha hoggaanka ah. Waxa ey wacad ku martay iney sii wadi doonto duqaymaha haddii aanay masuuliyiinta Lubnaan hubka ka dhigin xisbiga ey Iran taageerto, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Presse. Xabbad-joojinta uu Maraykanku gar-wadeenka ka ahaa ayaa dhigaysay in Xisbullah ey ka baxdo aagga koonfureed ee wabiga Litani (qiyaastii 30 kiiloomitir u jirta xudduudda Israa’iil ee koonfurta Lubnaan) iyo in la burburiyo kaabayaashiisa millatari ee halkaas ku yaalla, beddelkeedana la xoojiyo ciidan iyo UNIFIL. Sidoo kale waxaa lagu qeexay in ciidamada Israa’iil ey ka baxayaan goobihii ey horay ugu soo galeen dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, Israa'iil waxay ku adkaysatay joogitaankeeda shan meelood oo istiraatiiji ah, taasoo Lubnaan ey dalbatay iney ka baxdo.
ISHA-AA.
ISRA’IIL OO DISHAY TAKHTAR CAAN KA AH MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-MEYDKA DR.AL-SULTAAN.
(GAZA)-Duqeymo ey fuliyeen diyaaradaha dagaalka Isra’iil ayaa lagu dilay Dr. Marwaan AL-Sultan, oo ahaa maamulaha isbitaalka Indonesiya ee Waqooyiga Gaza, isaga iyo Xaaskiisa, gabdhihiisa iyo wiil uu soddog u ahaa guri ey ka deganaayeen magaalada Gaza, sida ey sheegeen Saraakiisha Falastiiniyiinta iyo goob joogayaal Arbacada maanta ah. Meydadka ayaa waxaa helay nin ey qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Axmed AL-suldaan, kaasoo xaqiijiyay in qoyska lagu dilay weerarkii xalay. Meydka Dr. AL-Sultan ayaa loo qaaday isbitaalka AL-Shifa, halkaasoo Agaasimeheeda Dr. Mohammad Abu Salmiya uu u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in AL-Suldaan wajigiisa si dirqi ah lagu aqoonsaday. Shaqo joojinta iyo dhaleeceyn deg deg ah ayaa uga timid Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza iyo Xamaas, kuwaasoo ku eedeeyay Israa’iil iney si ula kac ah u bartilmaameedsatay shaqaalaha caafimaadka taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa fal-dambiyeedkan foosha xun ee lagula kacay shaqaalahayaga caafimaadka, waxaanan Allaah uga baryeynaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo isaga iyo qoyskiisa safar dheer oo shaqo ka dib,” ayey Wasaaradda caafimaadka ku tiri hadal ey soo saartay. Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay weerarkan, iyagoo ku andacoonaya iney bartilmaameedsadeen “Argagixiso muhiim ah oo ka tirsan Ururka Argagixisada Xamaas” ee magaalada Gaza, waxayna sheegeen iney dib u eegis ku sameynayaan wararka sheegaya in dad rayid ah ey waxyeelo soo gaartay. Weerar kale oo ka dhacay Jabaliya, 4 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii diyaaradaha dagaalka Isra’iil ey duqeeyeen guri ku yaal Xaafadda Waqooyiga Gaza. Weerarkan ayaa khasaaraha badan dhaliyay waxa uuna yimid iyadoo Israa’iil ey sii waddo ol’olaha millatari ee aan kala joogsiga lahayn oo ey ka waddo Marinka Gaza, inkastoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee xabbad joojinta. Tan iyo markii uu dagaalku billowday Oktoobar 2023, duqeymaha Israa'iil waxaa ku dhintay in ka badan 57,000 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo carruur. Dhanka kale, Israa'iil waxay sii wadaysaa iney wajahdo baaritaan sharci. Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo bishii November ee la soo dhaafay Reysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay Gaza. Intaas waxaa dheer, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waxay dib u eegis ku samaynaysaa dacwad Xasuuq ah oo ka dhan ah Israa'iil oo lagu soo oogay ee la xiriirta dagaalka ey ku hayso deegaanka.
ISHA-DS.
SACUUDIGA IYO INDONISIYA OO HESHIISYO KALA SAXIIXDAY.
(SAWIRKA)-MW-PRABOWO IYO MAXAMED BIN SALMAN.
(RIYAD)-Wadamadda Sacuudi Carabiya iyo Indonesia ayaa kala saxiixday dhowr heshiis iyo qoraallo isfaham ah oo ku kacaya ku dhawaad $27 bilyan oo u dhexeeya Hay'adaha Ganacsiga gaarka loo leeyahay oo dhinacyo badan ey ka mid yihiin Tamarta nadiifka ah iyo Kiimikooyinka Batroolka, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso Sacuudiga(SPA). Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa Arbacada maanta ah Qasriga AL-Salaam ee magaalada Jeddah ku qaabilay Madaxweynaha dalka Indonesiya Prabowo Subianto. Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga dhanka sahayda Saliida Ceyriinka ah iyo waxyaabaha laga soo saaro, wanaajinta silsiladaha sahayda iyo sii jiritaankooda dhanka Tamarta iyo xoojinta iskaashiga dhanka Macdanta ah, sida ey sheegtay Wakaalada wararka ee Sucuudiga.
Ganacsiga labada gobol ayaa gaaray ilaa $31.5 bilyan shantii sano ee la soo dhaafay, sida ey sheegtay SPA. Labada hogaamiye ayaa yeeshay kulan rasmi ah oo wada hadal ah oo ey kaga wada hadleen xiriirka Sacuudiga iyo Indonesiya iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan. Siyaabaha lagu horumariyo loona xoojiyo iyaga ayaa sidoo kale dib loo eegay, SPA ayaa tiri. Horumarrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo dadaallada la sameeyay ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay madaxdu. Amiir Mohammed iyo Prabowo ayaa sidoo kale shir-gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee Golaha Isku xirka Sare ee Sacuudiga iyo Indonesiya ka dib waxa ey saxiixeen qodobadii kulanka kasoo baxay. Booqashada Prabowo waa safarkii ugu horeeyay oo rasmi ah oo uu ku tago Sacuudiga tan iyo markii uu xilka qabtay sannadkii la soo dhaafay 2024-ka.
ISHA-AN.
AUSTERIYA OO DIB U SOO CELINEYSA QAXOOTIGA SURIYA.
(SAWIRKA)-QAXOOTIGA SURIYA.
(BRUSSELES)-Austeriya ayaa isku diyaarinaysa iney masaafuriso nin u dhashay dalka Suuriya oo sharciga magangalyada lagala noqday sababo la xiriira dambi lagu helay, iyadoo sarkaal ka tirsan Midowga Yurub iyo kooxaha Xuquuqul Insaanka ey sheegeen iney noqon doonto Musaafurintii ugu horeysay ee Yurub lagu Qasbo qof Suuri ah tan iyo markii la riday Madaxweyne Bashaar AL-Assad. Kooxaha Xuquuqul Insaanka ayaa ka walaacsan in qorshaha Austeriya uu noqdo mid horudhac ah, taasoo ku dhiirigelinaysa wadamada kale ee xubnaha ka ah Midowga Yurub iney ku daydaan iyadoo ey jirto kor u kaca dareenka ka dhanka ah socdaalka ee guud ahaan 27-ka waddan ee Midowga Yurub. Ninkan oo 32 jir ah, ayaa magangelyo ka helay Austeriya 2014-kii, waxa uu lumiyay Sharcigiisa Qaxootinimo bishii Febraayo 2019 sababtoo ah dambigiisa, la taliyihiisa dhanka sharciga Ruxandra Staicu ayaa sidaas yiri. Waxay diiday iney qeexdo nooca xukunkiisa. In loo masaafuriyo dalka Suuriya ma suurta-gelin intii uu dalkaasi ka socday dagaalka sokeeye, iyadoo loo arkayay mid aan ammaan ahayn. Dowladda Austeriya ayaa ku doodaysa in dhicitaanka Asad ey la macno tahay in xaaladdu ey isbedeshay, eyna billowday dacwad ey kaga xayuubisay qaar ka mid ah Qaxootiga. Masuuliyiinta Austeriya iyo Suuriya ayaa ku heshiiyey in ninkaas la masaafuriyo todobaadkii hore, laakiin xiritaanka hawada sababo la xiriira colaadda Iran iyo Israa’iil ayaa dib u dhigtay hannaanka, Staicu iyo dublamaasi reer galbeed ah ayaa sidaas yiri. Dublamaasigu waxa uu intaa ku daray in masaafurinta ey hadda sii socon doonto marka hawada dib loo furo. Tan iyo 2015, wadamada Yurub waxay heleen ku dhawaad 1.68 milyan codsi magangalyo oo ka yimid muwaadiniinta Suuriya. Dawladaha qaar, oo uu ugu horeeyo Jarmalka, ayaa markii hore si diiran u soo dhoweeyey iyadoo dagaallo sokeeye ey ku habsadeen dalkooda hooyo. Laakin kor u kaca walaaca shacabka ee ku aadan baaxada socdaalka ayaa sii kordhisay taageerada Xisbiyada Midigta Fog, ee kasoo horjeeda soogalootiga. Markii la riday Assad bishii December ee la soo dhaafay, dowlado badan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa si deg deg ah u hakiyay howsha codsiyada magangalyada Suuriya, waxaana qaarkood ey ku baaqeen in xaaladda ammaan ee Suuriya dib loo qiimeeyo si loo suurtageliyo in dib loo celiyo. Dalka Austeriya, Reysall Wasaarihii hore ee dalkaasi Karl Nehammer, oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee Austeriya, ayaa ka mid ah dadka ku baaqaya in dib u qiimeyn lagu sameeyo, iyadoo uu cadaadis kala kulmayo Xisbiga Midigta Fog ee Freedom Party.
ISHA-AN.
IRAAN OO DOONEYS INEY DIL TOOGASHA AH KU XUKUNTO LAMAANE FARANSIIS AH.
(SAWIRKA)-JACQUES PARIS IYO CECILE KOHLER.
(TEHRAN)-Iran ayaa ku eedaysay muwaadiniin Faransiis ah oo la xiray Cécile Kohler iyo Jacques Barry oo lagu eedeeyay iney u " basaasayeen Sirdoonka Isra’iil ee Mossad," "Iney qorsheynayeen iney afgembiyaan nidaamka" iyo "faafinta musuq-maasuqa dhulka," sida laga soo xigtay ilo diblumaasiyadeed oo reer Galbeedka ah iyo Kohler walaashii, Wakaaladda Faransiiska-Presse ayaa werisay. "Waxaa nalagu wargeliyay eedeymahan," Ilaha diblumaasiyadeed ee reer Galbeedka ayaa yiri, iyagoo ku nuux-nuuxsaday iney yihiin "mid aan sal lahayn." "Waxa kaliya ee aan ognahay ayaa ah iney ka soo hormuuqdeen garsooraha oo xaqiijiyay saddexdan dacwadood," Kohler walaashii, Noemi, ayaa tiri. "Ma garanayno goorta lagu soo wargeliyay eedeymahan, balse weli ma eysan awoodin iney la tashadaan Qareenno madax-bannaan," ayey u sheegtay AFP maalin ka dib booqashadii Qunsuliyadda uu ku-xigeenka u qaabilsanaha Faransiiska ku tagay Tehran.
Mid kasta oo ka mid ah saddexda eedeymaha ayaa leh ciqaab dil ah oo suurtagal ah haddii lagu helo dembi. Isagoo ka jawaabaya su'aal ka timid AFP, ilo diblomaasiyadeed oo Faransiis ah ayaa sheegay in eedeymahan, "haddii la xaqiijiyo, ey yihiin kuwo aan sal lahayn." Isha ayaa ku nuuxnuuxsatay in "Cecile Kohler iyo Jack Barry ey yihiin kuwo aan waxba galabsan. Nala soo ogeysiin, ogaanshahayagana, wax xukun ah lama soo saarin," isagoo ku booriyay mas'uuliyiinta Iran iney u oggolaadaan Kohler iyo Barry iney la tashadaan Qareenadooda. Dhankiisa, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa yiri, "Ma joojinayno baaqa ku aaddan in si deg deg ah oo shuruud la'aan ah loo sii daayo, tan iyo markii la xiray in ka badan saddex sano ka hor," isaga oo intaa ku daray in Madaxweyne Emmanuel Macron iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jean-Noël Barrot "Ey ku celceliyeen codsigan dhigooda Iran oo ey ku jiraan maalmihii la soo dhaafay.
ISHA-AA.
SURIYA OO SOO QABATAY SARKAAL SARE OO TIRSANAAY XUKUMADII BASHAAR.
(SAWIRKA)-G/SARE.TAA’IR XUSEEN.
(SYRIA)-Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay Talaadadada maanta ah in la soo xiray Kaaliyaha Agaasimihii Xabsiga Caanka ah ee Sednaya. Wakaaladda Wararka SANA oo soo xiganaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bayaan ey soo saartay ku tiri:“Taliska Amniga Gudaha ee ismaamulka Tartuus ayaa ku guuleystay inuu soo xiro G/Sare. Taa’ir Xuseen, oo ka mid ah Gacanyarayaasha Agaasimihii Xabsiga Caanka ah ee Sednaya”. Warku wuxuu intaas ku daray in G/Sare. Xuseen la xiray "Ka dib la sameeyey hawlgal amni oo sax ah casrina ah kaaso lagu soo qabtay isagoo ku dhuumaaleysanaya meel fog oo baadiyaha Tartuuska ah." Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “Waxa loo gudbiyay G/Sare. Xuseen Hay’adaha Garsoorka ee awooda u leh in ey ka qaadaan tillaabada sharciga ah ee lagama maarmaanka ah. Xabsiga Sednaya ayaa ka mid ah Xabsiyada ugu caansan ee uu maamulayey nidaamkii Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-Asad, waxaana Xabsigaas ka dhacay Jirdil, Dil iyo Tacadiya kale oo lagula kacay Maxaabiista.
ISHA-AA.
SURIYA OO BEENISAY INUU ISKU DAY DIL KA BADBAADAY MW-AXMED AL-SHARAC.
(SAWIRKA)AXMED AL-SHARAC.
(SYRIA)-Wararka lga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in Dimishiq ey beenisay wararka sheegaayo inuu jiro isku day dil oo la doonaayey in lagu dilo Madaxweynaha dalka Suuriya. Dawladda Suuriya ayaa beenisay Axadda maanta ah warbixin ey warbaahintu sheegtay oo ku saabsan isku day dil oo la doonaayey in lagu dilo Madaxweyne Ahmad AL-Sharac, xilli uu booqasho ku joogay Gobolka Koonfureed ee Darca’a. "Wax run ah kama jiraan wararka warbaahinta lagu faafiyay ee sheegaya in ciidamada Suuriya iyo sirdoonka Turkiga ey fashiliyeen isku day dil oo lagu doonayay in lagu khaarajiyo Madaxweyne Sharac intii uu ku guda jiray booqashadiisa Darca," ilo ka tirsan Wasaaradda ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Dowladda Suriya ee SANA. Wakaaladdaa SANA, ayaan wax tafaasiil ah ka bixin isku dayga lagu doonaayey in lagu khaarijiyo Madaxweyne Axmed AL-sharac. Maamul cusub oo ku meel gaar ah ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Sharac ayaa laga dhisay dalka Suuriya bishii Janaayo-2025-ka ka dib markii la riday nidaamka Bashaar AL-Asad. Bashaar AL-Asad oo xukumayey Suuriya ku dhawaad 25 sano ayaa u qaxay dalka Ruushka bishii Diseembar, taasoo soo afjartay tobanaan sano oo Xisbiga AL-Bacath uu xukunka ku haayay min 1963-kii.
ISHA-AA.
XUKUMADA SURIYA OO OGATAY CIDDA KAALMEYSA QARAXYADA.
(SAWIRKA)-BASHAAR AL-ASAD.
(SYRIA)-Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Suriya, Sareeye Gaas Cabdul-Qaadir Dhaxaan, ayaa sheegay in “ kuwa joogo dibadda ey ka shaqeynayaan sidii ey u quudin lahaayeen qaar ka mid ah haraagii taliskii hore,” isagoo xusay in shaqsiyaadkan ey isku dayayaan, ficiladooda, iney dalka geliyaan fowdo. "Kuwa jooga dibadda waxay ka shaqeynayaan sidii ey u quudin lahaayeen qaar ka mid ah haraagii taliskii hore, waxaana ficilladaas ey isku dayayaan iney dalka geliyaan fowdo," ayuu Dhaxaan ku yiri qoraal uu Facebook soo dhigay Axada maanta ah. Waxa uu intaa ku daray oo uu yiri, "Waxaan la shaqaynaynaa dadkayaga miyir-qabka ah si loo xakameeyo xaalad kasta oo caqli iyo xikmad ku jirto, lagana fogaado fidnada inta aan awoodno." Maalmo ka hor, intii lagu guda jiray booqasho uu ku tagay goobtii uu ka dhacay Qaraxii "Argagixisada" ee lala beegsaday Kaniisadda Maar Ilyaas ee xaafadda Duweyla, Guddoomiyaha caasimadda Dimishiq Maahir Marwaan ayaa xaqiijiyay in "Haraadiga talisku ey gacanta ku hayaan aagga," isagoo ku nuux-nuuxsaday in dambigan uusan bartilmaameedsan koox gaar ah, balse uu saameynayo dhammaan Suuriyaanka iyada oo aan la kala reebin.
“XERADDA AL-HAWL”.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Nuuradiin AL-Baba ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in kooxda weerarka geysatay ey ka yimaadeen Xerada AL-Hawl iyagoo sii maray dhulka Saxaraha. Shir jaraa’id oo uu qabtay todobaadkii hore ayuu ku sheegay in ciidamada ammaanku ey weerar ku qaadeen goobo ey ku dhuumaaleysanayeen Daacish oo ey ku jireen hub iyo bakhaarro walxaha qarxa ah, kuwaasoo qaarkood la doonayay in lagu qarxiyo gudaha caasimadda. Waxa uu sidoo kale sharaxay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in unugyadan ey si rasmi ah xiriir ula leeyahay kooxda Daacish uuna Hogaamiyo Maxamed Cabdul-Ilah AL-Jumayli magaciisa afgarashadana uu yahay (Abu Cimaad AL-Jumayli) oo lagu naaneyso “Gudoomiyaha lama degaanka” oo waxa uuna degan yahay AL-Xajar AL-Aswad. Waxa uu daaha ka qaaday in labada qof ee is qarxiyay ee fuliyay qaraxa Kaniisada eysan ahayn Suuriyaan, isla markaana ey ka yimaadeen Xerada AL-Hawl iyaga oo sii maray dhulka Saxaraha iyaga oo gacan ka helaya AL-Jumayli, iyagoo ka faa’iidaysanayay habacsanaanta amni ee ka dhalatay burburkii nidaamka Asad. Weerarka kaniisada, sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Suuriya, Isniintii, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 25 qof. Madaxweynaha Suuriya Ahmad AL-Sharac ayaa ballan qaaday in kuwii ku lugta lahaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Kaniisadda Maar Ilyaas ey heli doonaan "Ciqaab cadaalad ah," isagoo ugu baaqay dadka Suuriya iney "Si wadajir ah u istaagaan oo ey u midoobaan" ka hortagga wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida dalka, maalin ka dib weerarka ayaa loo aaneynayaa xubin ka tirsan ISIS. Kaniisadda Maar Ilyaas waxay ku garab taal tiro kaniisado ah oo ku yaal xaafadda Duweylah, halkaasoo dadka degan badankood ey yihiin Masiixiyiin. Waa weerarkii ugu horeyay oo lala beegsado goobaha cibaadada Islaamka iyo Masiixiyiinta tan iyo markii la riday nidaamka Bashaar AL-Asad 8-dii December.
XIGASHO-AL-CARABIYA.
(YEMAN):MEYDAD MADAX LAGA WADA JARAY OO LAGA HELAY SANCA.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA SANCA-YEMAN.
(SANA’A)-Dhacdo Argagax leh oo Argagaxne ka abuurtay dalka Yemen, ilo wareedyo Yeman ah ayaa Jimcaha maanta ah ku sheegay in meydadka afar gabdhood oo aan la aqoonsan laga helay beer ku taal magaalada Qadiimiga ah ee Sanca, oo ah deegaan ey Xuuthiyiinta maamulaan. Sida ey sheegayaan warar horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegayo in meydadka la helay ey dul hoganeyso duruufo murugo leh, iyadoo dhammaan Madaxyada laga jaray afarta gabdhood isla markaana ey ka muuqdaan calaamado muujinaya jirdil arxan darro ah, taasoo muujineysa fal-dambiyeed aad u fool xun oo ka naxay damiirka aadanaha. Dhacdadan ayaa bilaabatay markii muwaadiniintu ey heleen meydadka xilli ey ku guda jireen howlo shaqo oo dhanka beeraha ah oo ka socday beerta. Maamulka deegaanka ayaa isla markiiba lagu wargeliyay, waxaana la helay meydadka oo si taxadar leh loo aasay, taasoo soo jeedinaysa in la isku dayey in la qariyo dambiga. Si kastaba ha ahaatee, qaabka dhaawacyada iyo madaxyada la jaray ayaa argagax ku abuuray dadka deegaanka. Ilaa hadda lama shaacin cidda ey ka tirsan yihiin dadka la laayay, mana jirto faah faahin rasmi ah oo laga bixiyay baaritaanka iyo cidda ka dambeysay falkan. Hase ahaatee, warbaahinta dalka Yemen ayaa sheegtay in kooxo ka kala socda Booliiska iyo Nabad-sugidda ey billaabeen iney baaritaanno ku sameeyaan goobta, kuwaasoo muunado ka qaaday meydadka si ey u aqoonsadaan, iskuna dayaan iney ogaadaan sida ey wax u dhaceen. Fal-dembiyeedkan argagaxa leh ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka Yemen uu ka jiro qalalaase dhanka ammaanka ah oo dalkaas uu ka socdo dagaallo sokeeye oo ba'an tan iyo sannadkii 2014-kii. Tani waxay muujinaysaa xaqiiqada naxdinta leh ee ka jirta deegaannada ey Xuutiyiinta gacanta ku hayaan oo ey ku jirto caasimadda dalkaas ee Sanca iyo deegaanno ballaaran oo ku yaalla Waqooyiga iyo Galbeedka dalkaas. Magaalada qadiimiga ah ee Sanca, oo ah Xarunta Dhaxalka Adduunka ee UNESCO, waa xarun taariikhi ah oo aad muhiim u ah, laakiin lagama maarmin saamaynta colaadda. Sanadihii u dambeeyay magaalada waxaa ka dhacayay falal amni darro oo ey ka mid yihiin Qaraxyo iyo falal rabshado wata, kuwaasi oo sare u kacday cabsida dadka magaaladda degan. Dhinaca kale,ma jiro wax war ah kuna saabsan dhacdadaan oo kasoo baxay maamulka Xuutiyiinta iyo Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaaladda Cadan.
XIGASHO-OKAZ.
CIIDAMADA AMAANKA SURIYA OO QABTAY 3-MILYAB XABBO OO AH CAPTAGON.
(SAWIRKA)-KANIINIGA LA QABTAY EE CAPTAGON.
(SYRIA)-Dalwladda Suuriya ayaa Jimcaha maanta ah ku dhawaaqday in ciidamadeeda ammaanku ey qabteen ku dhawaad saddex Milyan oo Kaniiniga Captagon ka dib markii ey isku dhaceen ciidamada ammaanka iyo shabakad wax tahriibisa meel u dhow xadka dalka Lubnaan. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in qabsashada ey timid ka dib “kormeer iyo dabagal ey ku sameeyeen shabakad ka timid Lubnaan oo si sharci darro ah u soo galisay Suuriya, iyagoo marayey marinnada sharci darrada ah ee deegaanka xuduudka AL-Jaraajiir”. Wasaaraddu waxay xustay in ciidamada Suuriya ey weerar gaadmo ah ku qaadeen mid ka mid ah waddooyinka ey shabakaddan isticmaasho, taasoo keentay iney isku dhacaan ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda, ka dib markii ey xubnaha shabakadu u suurtagashay iney baxsadaan. War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in "Qiyaastii 3 Milyan oo Kaniiniga Captagon ah, marka lagu daro 50 kiilogaraam oo Xashiish ah" lagu qabtay baabuurkii ey xubnaha eyku safrayeen. Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay bayaankeeda in "Aanay oggolaan doonin in dhulka Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya uu noqdo meel laga sii gudbo ama gabaad laga soo galo Tahriibinta iyo ka Ganacsiga Daroogada." Xuduudka u dhexeeya Lubnaan iyo Suuriya ayaa dhererkiisu dhan yahay 330 kiiloomitir waxaana ku jira meelo badan oo sharci darro ah oo inta badan loo isticmaalo tahriibinta dadka, badeecooyinka, iyo hubka. Captagon, oo sidoo kale lagu farsameeyo Lubnaan, ayaa noqday dhoofinta ugu weyn ee Suuriya intii lagu jiray dagaalkii 2011-kii. Iibinta Maandooriyahan sharci darrada ah ayaa ahaa il dhaqaale oo weyn oo loogu talagalay dowladda uu Madaxweynaha ka ahaa Bashaar AL-asad. Tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar AL-Asad, maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Axmed AL-Sharac ayaa ku dhawaaqay iney qabteen malaayiin kaniin ah oo kaniiniyada Captagon-ka ah, balse tahriibtu ma aysan joogsan. Dalalka deriska la ah Suuriya ayaa sii wada iney ku dhawaaqaan qabashada tiro badan oo kaniiniyadan ah. Horaantii bishaan, Wasiirka arrimaha gudaha Suuriya Anas Khadhaab ayaa ku dhawaaqay in mas'uuliyiintu ey qabteen "dhammaan" shaybaarada wax soo saaraka Captagon ee Suriya.
XIASHO-AA.
TAHRIIBKII GALAY TAARIIKHDA OO EY SAMEYSAY GABAR LIIBIYAAN.
(SAWIRKA)-SUHAAN.
(TRIPOLI)-Sheekada gabadhan yar ee “Suhaan” ayaa qabsatay dadka Liibiya muddo saacado ah, ka dib markii qoyskeeda lagu qasbay in ey u diraan safar halis ah oo ey ku raacday dooni sharci darro ah si ey daweyn dibadda ah ugu raadsato oo ey nafteeda u badbaadiso, ka dib markii albaabada loo laabay dalkeeda. Sawirada gabadhan yar, oo la il daran caabuqa beerka, ayaa si weyn ugu faafay dooni tahriibayaal ah oo dhex mareysay badda dhexdeeda, kuna sii jeeday dalka Talyaaniga si ey nolol dhaanta u hesho. Sheekadeedu waxay noqotay arrin guud, taasoo dhalisay dood hor leh oo ku saabsan xaaladda nidaamka daryeelka caafimaadka ee dalka Liibiya iyo mas'uuliyadda mas'uuliyiinta. Dhaqdhaqaaqe Yuusuf Haaruun ayaa waydiiyay, "Runtii xaalku ma halkan ayuu gaaray? In carruurta Liibiya ey raacaan doonyaha dhimashada, iyagoo raadinaya nolol dhaanta tan, laakiin waxay raadinayaan dawo xanuunada?" Waxa uu u tixgeliyey sheekada Suhaan "Musiibo bini'aadmi ah iyo cambaarayn akhlaaqeed oo ka dhan ah dawladda iyo bulshada." Waxa uu intaa ku daray oo uu qoraalkiisa ku soo qoray boggiisa, “Waaxdii caafimaadku way burburtay, dadkuna si tartiib tartiib ah ayey ugu dhimanayaan safafka daawaynta, sariiro badan, dawo la’aan, iyo si xun ula dhaqma shaqaalaha qaarkood oo ilaaway iney la tacaalayaan bini’aadamka, xanuun iyo caruurba, aaway miisaaniyadii, aaway kormeerkii, aaway isla xisaabtankii? Dhankiisa, dhaq-dhaqaaqa Sacad AL-Mashaati ayaa faallo ka bixiyay, "Gabadh Liibiyaan ah waxay ka carartaa dalkeeda, ma ahan dagaal, laakiin waa xanuunka dayacay iyo musuqmaasuqa. Dal hal-ku-dhig u ah hantida, muwaadiniintiisu waxay ku baxaan doomo dhimasho ah iyagoo raadinaya xuquuqdooda caafimaad, waa ceeb iyo hoos u dhac akhlaaqeed." Dhaqdhaqaaqa la yiraahdo Maryuma Arxuma ayaa qortay, "Suhaan ma aha kiis kaliya, laakiin waa soo kicin. Ilmo muujinaya xanuunka ummadeed, oo ku dhawaaqday xanuunkeeda in caruurta Liibiya ey mudan yihiin nolol, daaweyn, badbaado, waxbarasho, iyo xaqa ey u leeyihiin iney ku riyoodaan gudaha xudduudaha dalkooda, ma aha iney ku riyoodaan doonta dhexda badda." Iyada oo taas ka jawaabaysa, iyo ka dib markii sheekadeeda ey ku faaftay baraha bulshada, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran, Abdul-xamid Dbeybah, wuxuu qaaday tallaabo Khamiista maanta ah, isagoo soo saaray tilmaamo lagu daboolayo kharashka daaweynta ilmaha, "Suhaan," iyo in si deg deg ah ey ula shaqeyso Safaaradda Liibiya ee dalka Talyaaniga si loo sugo baahideeda oo ey ku bilowdo daaweynteeda isbitaal gaar ah. Waxa kale oo uu amray in la sameeyo guddi soo baara sababaha keentay in aan hore looga aqoon kiiska iyo dib u dhaca ku yimid hawlihii caafimaad ee loo baahnaa. Suhaan waxa ey kasoo jeedaa magaaladda Zuwaara ee Galbeedka dalka Liibiya,waxa eyna la il daraneed cudur naadir ah oo sababay isu dheelitir la’aanta Enzymes-ka Xiidmaha,cudurkaaso aan daawo looga helin dalka Liibiya,hooyada Suhaan ayaa sawirka gabadheeda waxa ey soo barta ey ku leedahay baraha bulshada ka hor inta eysan tahriibin gabarteeda,lagana soo bilaabo boorsooyinkooda iyo cuntadoodii ugu dambeysay ey ku cuneen gurigooda ilaa iyo markii ey fuuleen “Doontoo Dhimashada”ee dhanka badda.
ISHA-AA.
XUUTIYIINTA YEMAN OO LAGU EEDEEYEY INEY GEYSTEEN JIRDIL.
(AWIRKA)-CIIDAMADA XUUTYIINTA.
(YEMAN)-Shabakadda Xuquuqda iyo Xoriyadda ee dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in 476 Maxbuus ey ku dhinteen Xabsiyada Xuutiyiinta sababo la xiriira Jirdil horseeday dhimasho todobadii sano ee la soo dhaafay. Shabakadda ayaa warbixin ey soo saartay ku sheegtay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee taakuleynta dhibanayaasha Jirdilka oo ku beegan 26-ka June sanad kasta, in kooxda Xuuthiyiinta ey qafaasheen qiyaastii (1937) qof, oo ey ku jiraan (117) Carruur ah, (43) Haween, iyo (89) Waayeel ah, muddadii u dhaxeysay Janaayo 1, 2018-kii ilaa Abriil 30-keedii 2025-ka. Shabakadu waxay sharaxday in (476) la afduubay loo gaystay jir-dilkii ugu darnaa uguna darnaa oo keenay dhimashada, oo ey ku jiraan (18) Carruur ah, (23) Dumar ah, iyo (25) Waayeel ah, taasoo keentay iney ku dhinteen gudaha unugyada Xuutiyiinta ama ka dib markii caafimaadkoodu xumaaday ama maalmo uun ka dib markii la sii daayay, iyada oo kooxdu ey doonayso iney ka baxsadaan dembiga dilkooda. Shabakadu waxay tilmaantay in kooxda Xuuthiyiinta ey maamulaan ilaa (641) Xabsiyo ah oo ku yaala gobolada ay maamulaan, oo ay ku jiraan (368) xabsiyo rasmi ah oo ay kooxdu gacanta ku dhigtay iyo (273) xabsi oo qarsoodi ah oo kooxda Xuuthiyiintu ey sameeyeen ka dib markii ey afgambi ka soo horjeedeen sharciyad ey kula wareegeen dhammaan hayadihii xukuumadda sida goobaha ciidamada, inta soo hartayna waxaa lagu qaybiyaa xarumaha rayidka ah iyo xarumaha Wasaaradaha, qaar ka mid ah xarumaha maamulka, xarumaha Wasaaradaha iyo xarumaha dadweynaha, iyo qaar ka mid ah xarumaha dawladda guryaha siyaasiyiinta qaar. Shabakadu waxay sheegtay iney si qoto dheer uga walaacsan tahay jirdilka baahsan iyo si xun loola dhaqmo dadka la afduubay, oo ey ku jirto iney la kulmaan garaacis iyo xakamaynta xaaladaha xanuunka badan. Tani waxay si gaar ah run u tahay marka loo eego sida ey u bateen Xabsiyada Qarsoodiga ah iyadoo lagu jiro xaaladda hadda ka jirta Jamhuuriyadda Yemen, taas oo calaamad khatar ah u ah xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee sii xumaaneysa.
ISHA-AA.
(SYRIA):ISMIIDAAMIYE GACANTA LAGU SOO DHIGAY.
(SAWIRKA)-ISMIIDAMIYE LA QABTAY.
(SYRIA)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya ayaa shaaca ka qaaday sheegtayne tafaasiil cusub oo ku saabsan dadkii ka dambeeyay Qaraxii Kaniisadda Maar Ilyaas ee Axadii la soo dhaafay gilgilay magaalada Dimishiq oo ey ku dhinteen 25 qof."WAXAY KA YIMAADEEN XERADDA AL-HAWL IYAGOO SOO MARAY CIDLADA" Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Nuuradiin AL-Baba, ayaa Talaadada maanta ah sheegay in ragga weerarka geystay ey ka yimaadeen Xerada AL-Hawl, iyagoo sii maray saxaraha.m Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray, in ciidamada ammaanku ey weerar ku qaadeen goobo ey Daacish ku dhuumaaleysanayeen oo ey ku jireen hub iyo bakhaaro qaraxyo ah, kuwaasoo qaarkood la doonayay in lagu qarxiyo gudaha caasimadda. Waxa uu intaasi ku daray in mid ka mid ah shaqsiyaadkii ku lug lahaa Qaraxii Kaniisada Maar Ilyaa la dhex-dhigay, isla markaana la qabtay nin isku soo xiray walxaha qarxa oo doonayay inuu isku qarxiyo Xaramka Sayyada Saynab ee ku yaalla baadiyaha Dimishiq, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Syrian Arab News Agency (SANA). Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay mooto ey ku xirn yihiin bambooyin oo la doonayay in lagu bartilmaameedsado dad rayid ah oo ku shirayay magaalada Dimishiq. Waxa uu sidoo kale sharaxay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in qofka uu si rasmi ah xiriir ula leeyahay kooxda Daacish uuna hogaamiyo Mohammed Abdul-Ilah AL-Jumayli (Abu Imad AL-Jumayli) oo lagu naaneyso “Gudoomiyaha lamadegaanka” oo degan AL-Xajar AL-Aswad. Wuxuu daaha ka qaaday in labada ruux ee is qarxiyay ee fuliyay qaraxii Kaniisada aysan ahayn Suuriyaan, wuxuuna sheegay iney ka yimaadeen Xerada AL-Hawl oo saxaraha ka yimid iyagoo kaashanaya AL-Jumayli, iyagoo ka faa’ideysanaya habacsanaan dhanka ammaanka ah ka dib markii la xoreeyay. Ruuxa isku miidaamiyey Kaniisadda ayaa la aqoonsaday, waxaana la sheegay in goobta lagu weeraray, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad sababay in mid ka mid ah qolalka la dhex dhigo, mid kalena uu ku dhaawacmo.
"ANSAAR AL SUNNA" WAA URUR KHAYAALI AH.
Dhanka kale, qirashada is-miidaamiyaha la qabtay ayaa horseeday in la soo xiro AL-Jumayli, waxaa la galay afar goobood oo dheeraad ah, lagana qabtay walxaha qarxa, iyo in la fashiliyo qorshe cusub oo la doonayay in lagu qarxiyo. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa soo bandhigtay sawirkii ugu horeeyay ee mid ka mid ah raggii is-qarxiyay, iyadoo sheegtay iney ahaayeen laba qof oo is-qarxiyay: mid ka mid ah ayaa fuliyay qaraxii Kaniisadda, midka labaadna waxaa la qabtay isagoo u socday inuu qarax ismiidaamin ah ka fuliyo macbadka Sayidka Saynab ee baadiyaha Dimishiq. Baadariga ayaa sidoo kale sheegay in ururka la magac baxay "Ansar AL-Sunna" oo bayaan uu soo saaray uu ku sheegtay mas'uuliyadda weerarka uu yahay urur been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo caddeeyay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan oo ey fuliyeen Daacish.
"ARGAGIXISADU MA HELI DOONTO MEEL EY GADAABSATO."
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale xaqiijisay iney sii wadayaan baacsiga cid kasta oo wax u dhimeysa ammaanka Suuriya, iyadoo xustay in faah faahin dheeri ah ey ka bixin doonaan baaritaanada marka ey soo dhamaadaan. Waxay xustay in "Suuriya ey ahaan doonto oo ey ahaan doonto dhul dulqaad iyo nabad...Argagixisaduna ma heli doonto meel ey sal dhigato," sida lagu sheegay War-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Madaxweynaha Suuriya ayaa ballan qaaday in kuwii ku lug lahaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Kaniisadda Maar Ilyaas ey heli doonaan "ciqaab cadaalad ah," isagoo ugu baaqay dadka Suuriya iney "Is garab istaagaan oo ey u midoobaan" ka hortagga wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida dalka, maalin ka dib weerarka ayaa loo aaneynayaa xubin ka tirsan Daacish. Kaniisadda Maar Ilyaas waxay ku taal agagaarka dhowr Kaniisadood oo ku yaal xaafadda Doweyla, halkaasoo dadka deggan badankood ey yihiin Masiixiyiin. Waa qaraxii ugu horeeyay ee lala beegsado goobaha cibaadada Islaamka iyo Masiixiyiinta tan iyo markii la riday nidaamka Bashaar AL-Asad 8-dii Desembar.
XIGASHO-AA.
LUBNAAN OO QABATAY SARKAAL SARE OO DAACISH AH.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA LUBNAAN.
(BEIRUT)-Ciidamada Lubnaan ayaa Talaadadada maanta ah ku dhawaaqay iney gacanta ku dhigeen Hogaamiyihii Kooxda Daacish ee dalka Lubnaan, iyagoo xusay inuu ku howlanaa qorsheynta howlgallada amniga wax loogu dhimaayo. Ciidanka ayaa bayaan ey soo saareen ku yiri, “Ka dib howlgalo isdaba joog ah oo dhanka amniga iyo dabagalka ah, ayaa Hogaanka Nabadsugida waxa ey gacanta ku dhigeen muwaadin (R.F) lagu naaneyso ‘Qasura’, kaasoo ka mid ah hogaamiyayaasha ugu caansan Ururka Argagixisada ah ee Daacish/ISIS. War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in gacanta lagu dhigay "Hub tiro badan iyo rasaas, marka lagu daro qalabka Elegtarooniga ah iyo qalabka lagu sameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn" ee uu gacanta ku hayey. Sida laga soo xigtay ciidanka, Qasoura waxa uu la wareegay hogaanka ISIS ee Lubnaan "Ka dib markii la xiray hoggaamiyihii ka horeeyay, muwaadin (M.K.), oo ey kooxdu u magacawday 'Wali Lubnaan' laguna naaneeso 'Abu Saceed AL-Shami', oo ey la socdaan tiro badan oo hoggaamiyeyaal ah" bishii Diseembar. Ku dhawaaqistan ayaa timid laba maalmood ka dib weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Kaniisad ku taal Suuriya oo ey ku dhinteen 25 qof. Mas’uuliyiinta ayaa weerarkan ku macneeyay iney ka danbeeyeen kooxda Daacish, halka koox aan aad loo aqoon oo lagu magacaabo Saraya Ansar AL-Sunna ey sheegatay mas’uuliyadda weerarka Talaadadada maanta ah. Daacish iyo kooxaha kale ayaa dhowr jeer dagaalo kala duwan la galay ciidamada Lubnaan labaatankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo duqeymo xiriir ah lala beegsaday Ururka Xisbullah iyo goobaha ey ku xoogan yihiin. Laakin ururka ayaa militeri ahaan looga adkaaday, iyadoo ey weheliyaan kooxaha xulafada la ah sannadkii 2017-kii.
XIGASHO-AA.
SHIRKADAHA KA HAWLGALA CIRAAQ OO DHIMAY SHAQAALAHOODA.
(SAWIRKA)SHIDAALKA CIRAAQ.
(BAGHDAD)-Shirkadda Shidaalka ee hawlgasha Basra kuna taalo Koonfurta dalka Ciraaq ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqday in tiro Shirkado shisheeye ah oo ka hawlgala goobaha shidaalka ey si ku meel gaar ah u daad gureeyeen qaar ka mid ah shaqaalahoodii Ajaanibta ahaa, iyada oo laga cabsi qabo iney cawaaqib xumo ka dhalan karto xiisadda gobolka ee hadda sii xumaatay. Shirkadda ayaa bayaan ey soo saartay ku xaqiijisay in howlaha wax soo saarka eysan saameyn ku yeelan doonin waayo gebi ahaanba waxaa maamulaan shaqaale Ciraaqi ah. Waxay tiri "Shirkadda BP, ee Ingiriiska ah ee ka shaqaynaysay garoonka Rumayla, waxay si ku-meel-gaar ah u rartay qaar ka mid ah shaqaalaheeda Ajnabiga ah, halka shirkadda Talyaaniga ee ENI ey hoos u dhigtay tirada shaqaalaheeda mid ka mid ah xarumaha 260-shaqaale ilaa 98- shaqaale, iyada oo sii waday hawlaheeda iyada oo la kaashanaysa dhinaca Ciraaq." Waxay intaa ku dartay, "Shirkadaha Shiinaha ee ka hawlgala Galbeedka Qurna 1, Seybaa, iyo Fayxa ma eysan bixin mid ka mid ah shaqaalahooda, hawlgallada halkaasna si caadi ah ayey u socdaan." Sida laga soo xigtay shirkadda Ciraaq, wax daad-gureynta ah lagama diwaangelin garoonka Luuk Uweyl ee Ruushka, halka shirkadda Faransiiska ee Total ey daad guraysay boqolkiiba 60 shaqaalaheeda, iyada oo aan taasi saameyn ku yeelan wax soo saarka. Daad-gureyntan ayaa ku soo beegantay iyadoo ey cirka isku sii shareerayso xiisadda gobolka, gaar ahaan ka dib markii Maraykanku uu duqaymo ku bartilmaameedsaday goobo ku yaalla gudaha Iran, taasoo hakad gelisay isu socodkii maraakiibta ee marin biyoodka Hormuz, isla markaana ku qasbay laba markab oo waa-weyn oo saliid ah iney beddelaan jihada, kana fogaadaan ciriidhiga. Ciraaq waxa ey ku xisaabtamaysaa beeraheeda koonfureed, gaar ahaan Basra, si ey u gaarto yoolkeeda ah in la kordhiyo wax soo saarka saliidda oo la gaarsiiyo 6 milyan oo fuusto maalintii marka la gaadho 2027, waxaa u dheer in la balaariyo wax soo saarka Gaaska Dabiiciga ah si loo gaaro isku finaansho.
XIGASHO-ANADOLU.
HOGAAMIYEYAASHA URDUN IYO CUMAAN OO KA WADA HADLAY…
(SAWIRKA)-HOGAMIYEYAASHA URDUN IYO CUMAN.
(LONDON)-Suldaan Haytam Bin Tariq ee Cumaan iyo Boqor Cabdallaha II ee Urdun ayaa ka wada hadlay khilaafka Iran iyo Isra’iil iyo saameynta halista ah ee xiisadaha gobolka. Intii lagu guda jiray wacitaanka Isniinta maanta ah, waxay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo in la xoojiyo isuduwidda si loo damiyo dabka iskahorimaadka ee Marinka Gaza iyo xiisadaha socda ee ka dhashay ficillada Isra’iil ee ka dhanka ah Iran, Wakaaladda Wararka Cumaan ayaa soo werisay. Waxay sidoo kale ku baaqeen wadahadal iyo wada xaajood nabadeed si xal siyaasadeed loogu helo arrimaha gobolka ee waafaqsan shuruucda caalamiga ah, xaqiijinta amniga iyo xasilloonida, ayey ONA ku dartay. Boqor Cabdallah Urdun waxa uu carabka ku adkeeyay in nabad ka dhalata gobolka aan la heli karin hadii aan xal cadaalad ah oo dhamaystiran laga gaarin qadiyada Falastiiniyiinta oo ku salaysan xal laba dawladood ah,sida ey ku warantay wakaalada wararka ee Petra. Xiisadda Iiraan iyo Israa’iil ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii Mareykanka uu Axaddii duqeymo ka geystay saddex goobood oo Nukliyeer ah oo ku yaalla gudaha Iiraan. Tel Aviv iyo Tehraan ayaa 11-kii maalmood ee la soo dhaafay is weydaarsaday weeraro, taasoo halis u ah dagaal baaxad leh oo ka dhaca Bariga Dhexe.
ISHA-AN.