CIIDAMADA AMAANKA SURIYA OO QABTAY 3-MILYAB XABBO OO AH CAPTAGON.
(SAWIRKA)-KANIINIGA LA QABTAY EE CAPTAGON.
(SYRIA)-Dalwladda Suuriya ayaa Jimcaha maanta ah ku dhawaaqday in ciidamadeeda ammaanku ey qabteen ku dhawaad saddex Milyan oo Kaniiniga Captagon ka dib markii ey isku dhaceen ciidamada ammaanka iyo shabakad wax tahriibisa meel u dhow xadka dalka Lubnaan. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in qabsashada ey timid ka dib “kormeer iyo dabagal ey ku sameeyeen shabakad ka timid Lubnaan oo si sharci darro ah u soo galisay Suuriya, iyagoo marayey marinnada sharci darrada ah ee deegaanka xuduudka AL-Jaraajiir”. Wasaaraddu waxay xustay in ciidamada Suuriya ey weerar gaadmo ah ku qaadeen mid ka mid ah waddooyinka ey shabakaddan isticmaasho, taasoo keentay iney isku dhacaan ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda, ka dib markii ey xubnaha shabakadu u suurtagashay iney baxsadaan. War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in "Qiyaastii 3 Milyan oo Kaniiniga Captagon ah, marka lagu daro 50 kiilogaraam oo Xashiish ah" lagu qabtay baabuurkii ey xubnaha eyku safrayeen. Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay bayaankeeda in "Aanay oggolaan doonin in dhulka Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya uu noqdo meel laga sii gudbo ama gabaad laga soo galo Tahriibinta iyo ka Ganacsiga Daroogada." Xuduudka u dhexeeya Lubnaan iyo Suuriya ayaa dhererkiisu dhan yahay 330 kiiloomitir waxaana ku jira meelo badan oo sharci darro ah oo inta badan loo isticmaalo tahriibinta dadka, badeecooyinka, iyo hubka. Captagon, oo sidoo kale lagu farsameeyo Lubnaan, ayaa noqday dhoofinta ugu weyn ee Suuriya intii lagu jiray dagaalkii 2011-kii. Iibinta Maandooriyahan sharci darrada ah ayaa ahaa il dhaqaale oo weyn oo loogu talagalay dowladda uu Madaxweynaha ka ahaa Bashaar AL-asad. Tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar AL-Asad, maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Axmed AL-Sharac ayaa ku dhawaaqay iney qabteen malaayiin kaniin ah oo kaniiniyada Captagon-ka ah, balse tahriibtu ma aysan joogsan. Dalalka deriska la ah Suuriya ayaa sii wada iney ku dhawaaqaan qabashada tiro badan oo kaniiniyadan ah. Horaantii bishaan, Wasiirka arrimaha gudaha Suuriya Anas Khadhaab ayaa ku dhawaaqay in mas'uuliyiintu ey qabteen "dhammaan" shaybaarada wax soo saaraka Captagon ee Suriya.
XIASHO-AA.