(YEMAN):MEYDAD MADAX LAGA WADA JARAY OO LAGA HELAY SANCA.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA SANCA-YEMAN.
(SANA’A)-Dhacdo Argagax leh oo Argagaxne ka abuurtay dalka Yemen, ilo wareedyo Yeman ah ayaa Jimcaha maanta ah ku sheegay in meydadka afar gabdhood oo aan la aqoonsan laga helay beer ku taal magaalada Qadiimiga ah ee Sanca, oo ah deegaan ey Xuuthiyiinta maamulaan. Sida ey sheegayaan warar horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegayo in meydadka la helay ey dul hoganeyso duruufo murugo leh, iyadoo dhammaan Madaxyada laga jaray afarta gabdhood isla markaana ey ka muuqdaan calaamado muujinaya jirdil arxan darro ah, taasoo muujineysa fal-dambiyeed aad u fool xun oo ka naxay damiirka aadanaha. Dhacdadan ayaa bilaabatay markii muwaadiniintu ey heleen meydadka xilli ey ku guda jireen howlo shaqo oo dhanka beeraha ah oo ka socday beerta. Maamulka deegaanka ayaa isla markiiba lagu wargeliyay, waxaana la helay meydadka oo si taxadar leh loo aasay, taasoo soo jeedinaysa in la isku dayey in la qariyo dambiga. Si kastaba ha ahaatee, qaabka dhaawacyada iyo madaxyada la jaray ayaa argagax ku abuuray dadka deegaanka. Ilaa hadda lama shaacin cidda ey ka tirsan yihiin dadka la laayay, mana jirto faah faahin rasmi ah oo laga bixiyay baaritaanka iyo cidda ka dambeysay falkan. Hase ahaatee, warbaahinta dalka Yemen ayaa sheegtay in kooxo ka kala socda Booliiska iyo Nabad-sugidda ey billaabeen iney baaritaanno ku sameeyaan goobta, kuwaasoo muunado ka qaaday meydadka si ey u aqoonsadaan, iskuna dayaan iney ogaadaan sida ey wax u dhaceen. Fal-dembiyeedkan argagaxa leh ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka Yemen uu ka jiro qalalaase dhanka ammaanka ah oo dalkaas uu ka socdo dagaallo sokeeye oo ba'an tan iyo sannadkii 2014-kii. Tani waxay muujinaysaa xaqiiqada naxdinta leh ee ka jirta deegaannada ey Xuutiyiinta gacanta ku hayaan oo ey ku jirto caasimadda dalkaas ee Sanca iyo deegaanno ballaaran oo ku yaalla Waqooyiga iyo Galbeedka dalkaas. Magaalada qadiimiga ah ee Sanca, oo ah Xarunta Dhaxalka Adduunka ee UNESCO, waa xarun taariikhi ah oo aad muhiim u ah, laakiin lagama maarmin saamaynta colaadda. Sanadihii u dambeeyay magaalada waxaa ka dhacayay falal amni darro oo ey ka mid yihiin Qaraxyo iyo falal rabshado wata, kuwaasi oo sare u kacday cabsida dadka magaaladda degan. Dhinaca kale,ma jiro wax war ah kuna saabsan dhacdadaan oo kasoo baxay maamulka Xuutiyiinta iyo Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaaladda Cadan.
XIGASHO-OKAZ.