XUKUMADA SURIYA OO OGATAY CIDDA KAALMEYSA QARAXYADA.
(SAWIRKA)-BASHAAR AL-ASAD.
(SYRIA)-Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Suriya, Sareeye Gaas Cabdul-Qaadir Dhaxaan, ayaa sheegay in “ kuwa joogo dibadda ey ka shaqeynayaan sidii ey u quudin lahaayeen qaar ka mid ah haraagii taliskii hore,” isagoo xusay in shaqsiyaadkan ey isku dayayaan, ficiladooda, iney dalka geliyaan fowdo. "Kuwa jooga dibadda waxay ka shaqeynayaan sidii ey u quudin lahaayeen qaar ka mid ah haraagii taliskii hore, waxaana ficilladaas ey isku dayayaan iney dalka geliyaan fowdo," ayuu Dhaxaan ku yiri qoraal uu Facebook soo dhigay Axada maanta ah. Waxa uu intaa ku daray oo uu yiri, "Waxaan la shaqaynaynaa dadkayaga miyir-qabka ah si loo xakameeyo xaalad kasta oo caqli iyo xikmad ku jirto, lagana fogaado fidnada inta aan awoodno." Maalmo ka hor, intii lagu guda jiray booqasho uu ku tagay goobtii uu ka dhacay Qaraxii "Argagixisada" ee lala beegsaday Kaniisadda Maar Ilyaas ee xaafadda Duweyla, Guddoomiyaha caasimadda Dimishiq Maahir Marwaan ayaa xaqiijiyay in "Haraadiga talisku ey gacanta ku hayaan aagga," isagoo ku nuux-nuuxsaday in dambigan uusan bartilmaameedsan koox gaar ah, balse uu saameynayo dhammaan Suuriyaanka iyada oo aan la kala reebin.
“XERADDA AL-HAWL”.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Nuuradiin AL-Baba ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in kooxda weerarka geysatay ey ka yimaadeen Xerada AL-Hawl iyagoo sii maray dhulka Saxaraha. Shir jaraa’id oo uu qabtay todobaadkii hore ayuu ku sheegay in ciidamada ammaanku ey weerar ku qaadeen goobo ey ku dhuumaaleysanayeen Daacish oo ey ku jireen hub iyo bakhaarro walxaha qarxa ah, kuwaasoo qaarkood la doonayay in lagu qarxiyo gudaha caasimadda. Waxa uu sidoo kale sharaxay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in unugyadan ey si rasmi ah xiriir ula leeyahay kooxda Daacish uuna Hogaamiyo Maxamed Cabdul-Ilah AL-Jumayli magaciisa afgarashadana uu yahay (Abu Cimaad AL-Jumayli) oo lagu naaneyso “Gudoomiyaha lama degaanka” oo waxa uuna degan yahay AL-Xajar AL-Aswad. Waxa uu daaha ka qaaday in labada qof ee is qarxiyay ee fuliyay qaraxa Kaniisada eysan ahayn Suuriyaan, isla markaana ey ka yimaadeen Xerada AL-Hawl iyaga oo sii maray dhulka Saxaraha iyaga oo gacan ka helaya AL-Jumayli, iyagoo ka faa’iidaysanayay habacsanaanta amni ee ka dhalatay burburkii nidaamka Asad. Weerarka kaniisada, sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Suuriya, Isniintii, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 25 qof. Madaxweynaha Suuriya Ahmad AL-Sharac ayaa ballan qaaday in kuwii ku lugta lahaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Kaniisadda Maar Ilyaas ey heli doonaan "Ciqaab cadaalad ah," isagoo ugu baaqay dadka Suuriya iney "Si wadajir ah u istaagaan oo ey u midoobaan" ka hortagga wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida dalka, maalin ka dib weerarka ayaa loo aaneynayaa xubin ka tirsan ISIS. Kaniisadda Maar Ilyaas waxay ku garab taal tiro kaniisado ah oo ku yaal xaafadda Duweylah, halkaasoo dadka degan badankood ey yihiin Masiixiyiin. Waa weerarkii ugu horeyay oo lala beegsado goobaha cibaadada Islaamka iyo Masiixiyiinta tan iyo markii la riday nidaamka Bashaar AL-Asad 8-dii December.
XIGASHO-AL-CARABIYA.