TAHRIIBKII GALAY TAARIIKHDA OO EY SAMEYSAY GABAR LIIBIYAAN.
(SAWIRKA)-SUHAAN.
(TRIPOLI)-Sheekada gabadhan yar ee “Suhaan” ayaa qabsatay dadka Liibiya muddo saacado ah, ka dib markii qoyskeeda lagu qasbay in ey u diraan safar halis ah oo ey ku raacday dooni sharci darro ah si ey daweyn dibadda ah ugu raadsato oo ey nafteeda u badbaadiso, ka dib markii albaabada loo laabay dalkeeda. Sawirada gabadhan yar, oo la il daran caabuqa beerka, ayaa si weyn ugu faafay dooni tahriibayaal ah oo dhex mareysay badda dhexdeeda, kuna sii jeeday dalka Talyaaniga si ey nolol dhaanta u hesho. Sheekadeedu waxay noqotay arrin guud, taasoo dhalisay dood hor leh oo ku saabsan xaaladda nidaamka daryeelka caafimaadka ee dalka Liibiya iyo mas'uuliyadda mas'uuliyiinta. Dhaqdhaqaaqe Yuusuf Haaruun ayaa waydiiyay, "Runtii xaalku ma halkan ayuu gaaray? In carruurta Liibiya ey raacaan doonyaha dhimashada, iyagoo raadinaya nolol dhaanta tan, laakiin waxay raadinayaan dawo xanuunada?" Waxa uu u tixgeliyey sheekada Suhaan "Musiibo bini'aadmi ah iyo cambaarayn akhlaaqeed oo ka dhan ah dawladda iyo bulshada." Waxa uu intaa ku daray oo uu qoraalkiisa ku soo qoray boggiisa, “Waaxdii caafimaadku way burburtay, dadkuna si tartiib tartiib ah ayey ugu dhimanayaan safafka daawaynta, sariiro badan, dawo la’aan, iyo si xun ula dhaqma shaqaalaha qaarkood oo ilaaway iney la tacaalayaan bini’aadamka, xanuun iyo caruurba, aaway miisaaniyadii, aaway kormeerkii, aaway isla xisaabtankii? Dhankiisa, dhaq-dhaqaaqa Sacad AL-Mashaati ayaa faallo ka bixiyay, "Gabadh Liibiyaan ah waxay ka carartaa dalkeeda, ma ahan dagaal, laakiin waa xanuunka dayacay iyo musuqmaasuqa. Dal hal-ku-dhig u ah hantida, muwaadiniintiisu waxay ku baxaan doomo dhimasho ah iyagoo raadinaya xuquuqdooda caafimaad, waa ceeb iyo hoos u dhac akhlaaqeed." Dhaqdhaqaaqa la yiraahdo Maryuma Arxuma ayaa qortay, "Suhaan ma aha kiis kaliya, laakiin waa soo kicin. Ilmo muujinaya xanuunka ummadeed, oo ku dhawaaqday xanuunkeeda in caruurta Liibiya ey mudan yihiin nolol, daaweyn, badbaado, waxbarasho, iyo xaqa ey u leeyihiin iney ku riyoodaan gudaha xudduudaha dalkooda, ma aha iney ku riyoodaan doonta dhexda badda." Iyada oo taas ka jawaabaysa, iyo ka dib markii sheekadeeda ey ku faaftay baraha bulshada, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran, Abdul-xamid Dbeybah, wuxuu qaaday tallaabo Khamiista maanta ah, isagoo soo saaray tilmaamo lagu daboolayo kharashka daaweynta ilmaha, "Suhaan," iyo in si deg deg ah ey ula shaqeyso Safaaradda Liibiya ee dalka Talyaaniga si loo sugo baahideeda oo ey ku bilowdo daaweynteeda isbitaal gaar ah. Waxa kale oo uu amray in la sameeyo guddi soo baara sababaha keentay in aan hore looga aqoon kiiska iyo dib u dhaca ku yimid hawlihii caafimaad ee loo baahnaa. Suhaan waxa ey kasoo jeedaa magaaladda Zuwaara ee Galbeedka dalka Liibiya,waxa eyna la il daraneed cudur naadir ah oo sababay isu dheelitir la’aanta Enzymes-ka Xiidmaha,cudurkaaso aan daawo looga helin dalka Liibiya,hooyada Suhaan ayaa sawirka gabadheeda waxa ey soo barta ey ku leedahay baraha bulshada ka hor inta eysan tahriibin gabarteeda,lagana soo bilaabo boorsooyinkooda iyo cuntadoodii ugu dambeysay ey ku cuneen gurigooda ilaa iyo markii ey fuuleen “Doontoo Dhimashada”ee dhanka badda.
ISHA-AA.